Saturday 5 September 2009

XAFIIS QAABILSAN AMAANKA XAAFADA GALBEDKA LAASCANOD OO IRIDAHA LOO FURAY MAANTA.

XAFIIS QAABILSAN AMAANKA XAAFADA GALBEDKA LAASCANOD OO IRIDAHA LOO FURAY MAANTA.

Waxa saaka laga furay mid ka mida xaafadaha magalada laascaanood ee gobolka sool xafiis qaabilsan la socoshada amaanka xaafadaai kaasi oo la dhaho xafiiska amaanka ee xaafada galbeedka laascaanood.iyadoo uu xafiskani ka mid yahay tiraba afar xafiis oo la doonayo in laga sameeyo xaafadaha magalada laascaanood kuwaasi oo la shaqayn doona ciidanka amaanka ee police-ka.

Fikirka lagu sameynayo xafiisyadan qaabilsan amaanka xaafadaha ayaa waxaa uu ka dambeeyey ka dib siminaar muddo u socday odayaasha iyo wax garadka magalada laascaanood kaasi oo ay soo qaban qaabisay hay’adda la dhaho HORN PEACE isla markaana ay fulinaysay isla hay’addaasi.

Xaflada lagu furayey xafiiskaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mida masuuliyiinta dawlada hoose iyo iyo saraakiisha nabad galyada ee magalada laascaanood waxaan ugu horayntii halkasi hadalo ka soo jeediyey duqa degmada laascaanod mudane Cambaashe Aw-daahir oo halkaasi ka sheegay inuu aad ula dhacay sida kartida leh ee ay isku xil saareen dadka magaladu oo ay ugu guntadeen inay qayb lixaad leh ka qataan sugida amaanka magalada.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey taliyaha qaybta booliska gobolka sool COL:Maxamed Saleebaan Gooni oo halkaasi ka sheegay inay talaabadi tahay tii ugu horaysay is buuxda wada shqayn u dhex dhigta ciidanka amaanka iyo dadwaynaha reer laascaanood waxaana uu ku booriyey madaxda xafiiskan qaabilsan amaanka xaafada galbeedka laascaanood inay ku dadaaaaln inay booliska ku soo wargaliyan wixii amni xumo ah ee ay arkaan isla markiiba.

Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee mamula xafiiska nabad galyada ee xaafada galbeedka laascaanood ayaa waxaa ya dhamaantood sheegeen in arintana ya iyagu isku xilsaareen iyadoo aysan wax faa’iido ah iyagi ka gudi ahaan aysan ug jirin balse ay ka shaqaynayan danta guud ee dadwaynaha.

Waa markii ugu horaysay ee magalada lascaanoo loo sameeyo xafiisyo qaabilsan amaanka xaafadaha ay ka kooban tahay magalada laascaanood iyado ay arintan dad badani aaminsan yihiin inay wax wayn ka tari doonto amaanka magalada.iyadoo ay hada laascanood ka mid tahay magaalooyinka ugu amaanka badan Somaliland.


Wariye Axmed Saakin Faarax Warsame

Togaherer Office/Lasanod
axmedsaakin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment