Wednesday 30 September 2009

SHIRKADA MICROSOFT OO SOO BANDHIGTAY ANTI-VIRUS CUSUB TAAS LAGALA DAGALAMAYO TUUGADA INTERNETKA

SHIRKADA MICROSOFT OO SOO BANDHIGTAY ANTI-VIRUS CUSUB TAAS LAGALA DAGALAMAYO TUUGADA INTERNETKA

SHIRKADA MICROSOFT OO SOO BANDHIGTAY ANTI-VIRUS CUSUB TAAS LAGALA DAGALAMAYO TUUGADA INTERNETKA
MICROSOFT
Shirkada Caanka ah ee ka baayacmushtarta Qalabka iyo Aladaha Compuyutarada ee Microsoft ayaa soo bandhigtey maalintii shaley ee Software cusub oo ka difaacaya dadka adeegsada kumbuyatarada Virus, spyware iyo in ay soo weeraraan Computeradooda tuugada Internet-ka.

Soft ware-kan cusub ayaa mid bilaash ah, Waxaana si fudud looga rogan karaan web site-ka Microsoft ee microsoft.com/security_essentials ,Waxaana loo sameeyey hab Caalami ah oo dhanka Ganacsiga ah isla markaana ay adeegsan karaan cid kasta oo Computer isticmaalaysa.

“Macaamiisha Microsoft Security Essentials, waxay heli doonaan aalado difaaca Computerka oo aad u heer sareeya, oo ay si fudud ku isticmaali karaan” sidaasi waxaa sheegay Maareeyaha Guud ee Sirkada Microsoft qaybta aamaanka macaamiisha Amy Barzdukas.

“Macaamiishu waxay inoo sheegeen inay doonayaan inay helaan difaac buuxa xilii kasta oo dhanka Software-ka ah” ayuu hadalkiis aku sii darey Barzdukas.

Shirkada Microsoft waxay sheegtey in software-kan lacag la’aanta ah uu ka caawin doono dadka mar wallba la kulma weerarada xaga Internet-ka ee Virus-ku ku dhaco Computeradooda ama kuwa ay soo weeraraan tuugada Internet-ka oo ay ka qabsadaan servers-kooda ama Computeradooda.

90% Computerada Dunida laga isticmaalo waxaa loo adeegsadaa Windows Operating Systems taasi oo ay farsameysay shirkada Mareykanka ah ee dhanka sancada technology-da ku dheeraysa ee Microsoft.

Microsoft waxay in mudo ah dagaal xoogan kula jirtey kooxahaasi Virus-ka Internet-ka ku shaqeysta ama weerarada xaga Internet-ka geysta, iyadoo xiligan software-kan real time lagu tilmaamay mid difaac xoogan sameynaya kaasi oo ka ilaalinaya tuugada Internet-ka inay si fudud ku sameeyaan Virus ama weerar xaga Internet-ka ah.

Xafiska Warqabadka Togaherer

Islamabad,Pakistan

No comments:

Post a Comment