Monday 28 September 2009

MAXAAD KA TAQAAN HABKA SHAQAALAYSIINTA SHIRKADA CAANKA AH EE DAHABSHIIL

MAXAAD KA TAQAAN HABKA SHAQAALAYSIINTA SHIRKADA CAANKA AH EE DAHABSHIIL

dahabshiil

Shirkada Dahabshiil oo ka mid ah shirkadaha ugu waawayn ee ka jira dhulka Soomaalida, ayaa dhawaanahan noqotay shirkad u marta habka shaqaalaysiinta waddooyin leexsan oo ku salaysan is-gacanqabasho ama weji, taasna waxa caddayn u ah wali ma arag meel lagu xareeyo CV iyo goob imtixaan lagaga qaadayo shaqaalaha ku biiraya Dahabshiil, ee hadba waxa aan arkaa qof suuqa iska joogay oo ka tirsan shaqaalaha Dahabshiil. Halka ay shirkadda waddaniga ah ee dalka ka jira tusaale ahaan Telesom ay wakhti kasta ka qaadaan imtixaano cad oo lagu kala saarayo dadka aqoonyahanka ah ee raba in ay ka mid noqdaan shaqaalaha ku biiraya gaar ahaana dhalinyarada Jaamacadaha.

Xarumaha u waawayn ee shirkada Dahabshiil waxa ay ku yaallaan magaalada Hargeysa, waxaana habboonayd in laga shaqaalaysiiyo dadka aqoonta u leh ee u dhashay Gobolka Maroodijeex ama magaalada Hargeysa, laakiin marka aad gasho xafiisyada Dahabshiil waxa aad arkaysaa dad badan oo ka soo jeeda Gobolada Bari ee Somaliland oo ka hawlgalaya xafiisyada Hargeysa, isla markaasna ay ahayd in ay ka shaqeeyaan gobolada ay u dhasheen, taas oo duudsi ku ah dadka reer Hargeysa ee dakhliga u badan soo geliya shirkada Dahabshiil.

Marka taas laga yimaado Shirkadda Dahabshiil ma shaqaalaysiiso dadka aqoonta leh ee ka baxay jaamacadaha Dalka, waxa ay se doorbiddaa in ay hawlgeliso macalimiinta macaahida oo aan lahayn aqoon Jaamacadeed, kuwaas oo ay siiso tababar kooban oo ku saabsan programm-ka ay shirkada Dahabshiil ku shaqayso oo kaliya, arrimahaasina waxa ay ka mid ahaayeen waxyaabihii galaaftay xawaaladii caanka ahayd ee Al-Barakaat, Dahabshiilna waxa ay u muuqataa mid qaadaysa waddadii Al-Barakaat.

La Soco Maqaaladan ku saabsan Shirkadda Dahabshiil.

Economist Abshir Askar Maxamed

Graduate Student of University of Hargeisa

002522 4403626

abshiraskar@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment