Friday 25 September 2009

GO’AANKII GOLAHA GUURTIDA (DADBA WADA HELYOO DAAD WARARAC BAAN NIDHI)

GO’AANKII GOLAHA GUURTIDA (DADBA WADA HELYOO DAAD WARARAC BAAN NIDHI)

mingiste
Go,ankii Golaha Guurtida(Dadba wada helyoo daad wararac baan nidhi”
(Go,aankii Golaha Guurtida ninba si buu u macnaystaye anigana sidan ayuu ila muuqdaa,Xilka Madaxweyna iyo Madaxweyne ku Xigeenku wuxuu ku egyahay,maalinta Doorasho dhacdo,bil ka dib )

Guurtidu waa Gole shaci ah,goaanada ay soo saarana waa sharci .haddaba waxaad moodo in ay dad badan ku adkaatay fahanka amase fasiraada Siyaasadeed ee Go,aankii ay gaadheen Golaha Guurtida ee Somaliland maanta oo ayTaariikhdu tahay 25/09/09.

Anigu waxaa jecelahay in aan isku dayo intii karaankayga ah, in aan idiin soo gudbiyo sida aan u fahmay,go,ankii Golaha Guurtida Somaliland,sidan ayaana arimuhu u dheceen:-

Golaha Guurtida waxaa sidii caadada u hayd lagu furay QURAAN,ka dibna waxaa hadalka qaatay shir Gudoonka Golaga Guurtida waxayna inoo sheegeen:

· In aanay xalay oo dhan SEEXAN, oo ka wada hadlayeen Waxa ay ka yeelayaan arimaha hor yaala,waa runtood ,waxaase hore loo yidhi (Nin lagu seexdoow ha seexan)
· Waxay inoo sheegeen in ay tixgeliyeen ,heshiiskii 3 Xisbi,Xaalada uu dalka ku jiro,in aan dalku Dowlad la,aan ku dhicin iyo 6 qodob oo caalamku inoo soo jeediyeen,horena Xisbiyadu isula ogolaadeen.Ka dib waxaa laga hor akhriyey Golaha Qodobkii ay soo diyaariyeen shir Gudoonta Golaha Guurtida Somaliland sidan ayaana loo akhriyey:-

Go,aankii:-
(MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU XIGEENKA ,WAXAA XILKOODU KA BILAABANAYAA 29 OKTOOBAR ,WUXUUNA KU EGYAHAY MAALINTA DOORASHO DHACDO BIL KA DIB)

(MAALINTA DOORASHO DHACDO BIL KA DIB AYAA MADAXWEYNU XILKA WAREEJINAYAA —FASIRAADII GUDOOMIYAHA GOLAHA GUURTIDA Md.SALEEBAN).

“WAXAAN U FAHMAY IN LA KORDHIYEY INTA DOORASHO DHACAYSO”

Waaxaa si fiican u soo dhoweeyey go,aankan Xukuumada ,Mucaaridka,Shacabka dibad iyo gudahaba,ma hubo waxa ay yidhaahdeen wadamadii u soo jeediyey 6 lixda qodob.Waxaad moodaa in go,aankani uu wada raali ggeliyey dhamaan dhinacyadii kala duwanaa iyo shacabkiiba,balse waxaa isweydiin mudan,haddii howshuba intaa hayd maxaynu dalka iyo dadka dhibta badan uga abuuraynay ?,yaa ka faaiiday go,aankan, ma shacabka ,ma Dowlada,mise Mucaaridka? Jawaabtana waxaan u arkaa sidan:-

1. Dowlda waxaa deysay “XILKII BAA IDINKA DHAMAADAY”,wixii hadda ka dambeeya ,Xukuumadu waxay sugtaaba waa Doorasho dalka ka dhacda haday BILO qaadanayso iyo haddii ay SANADO qaadanaysaba.
2. Golaha Guurtida waxaa daynaysa “IDINKAA AYAA TALO IDIN JOOGTAA”,waxaana la odhan karaa howl weyn ayey qabteen.

3. Mucaaridka waxaa desay “ KACDOON SHACAB AYAA DHICI”,waxaad moodaa in ay masuuliyad culus madaxa loo saaray,taas oo haboon tahay ay ka shaqeeyaan sidii dalka DOORASHO uga dhici lahayd,kubaduna dhinacooda ayey taalaa,ee waa dhankay u laadaan.

4. Shacabka gudaha joogaa wuxuu ka nasan doonaa “ISU SOO BAXA”

5. Qurba jooguna wuxuu ka nasanayaa “WAAR MAXAAD WAR HAYSAA”

6. Waxaa CEEB la hoyday Golihii Wakiilada oo ay ahayd in ay u fekeraan sida Golaha Guurtidu oo kale,balse Soomaalida ayaa ku maahmaahda NIN GU KAA WEYNI—GU BAAS KAA WEYN”,waxaase filayaa in ay intaasi ceeb ugu filan tahay.

Hadal iyo dhamaan anigu sidaa ayaan u fahmay,ninkii si kale u fahmayna waa isaga iyo maskaxdiisa,Soomaaliduna waxay tidhaahdaa “HADALOOW NIN SI KUU YIDHI NINA SI KUU QAADAY IYO HADAL WAA MERGI”

Mahadsanidin

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

No comments:

Post a Comment