Monday 28 September 2009

DAWLDA IRAN OO TIJAABISAY GANTAALDA RIDADA DHEER EE AY LEEDAHAY

DAWLDA IRAN OO TIJAABISAY GANTAALDA RIDADA DHEER EE AY LEEDAHAY

gantaalo
Iran ayaa maanta bilowday toobabaro ku saabsan sida layskaga difaaco gantaalada ka yimaado wadan cadow ah
Iran oo waayahan dambe xiise aad u kulul ka dhexeeyay dawladaha waawayn ee reer galbeedka , ayaa waxay maanta bilowday toobabaro socon doona dhawr maalmood , toobabaradaas oo ay kusoo ban dhigi doonto sidii looga hor tagi lahaa gantaalada ka iman kara wadamo cadow u ah .
Saaka oo isniin ah ayey tijaabisay gantaalo ah lidka dhaadheer oo socon kara masaafo 2000 km ,
gantaladaas oo magacooda la yidhaahdo SHIHAAB3 ayaa Iran marar hore ay tijaabisay , gantaalada shibaab3 ayaa khubara dagaalku sheegeen in ay gadhi karaan ISRAIL iyo saldhigyada waawayn ee Maraykanku ku leyahay dawladaha khaliijka .

Hadaba mar uu madaxwanaha markaykanka OBAMA uu ka hadlay arinkaas , wuxuu sheegay in IRAN ay hanjabaad ku hayso aduunka , waxaana uu kula taliyay in ay u hogaansanto amarada qaramada midoobay ,

Hadaba wayahan dambe ayaa waxaa sooyeedhaya hadalo sheegaya in Israil damacsantahay in ay duqayso xarumaha lagu tuhun sanyay in IRAN ku beerayso hubka wax gumaada ,
hasayeeshee khubarada dagaalka ayaa walaac wayn ka muujinaya , duqayntaas Israil rabto in ay ugaysato xarumaha ay leedahay iran
khubarada dagaalka ayaa falanqeeyay iswaydiiyayna , Israil ma ku guulaysan kartaa duqaynta xaga cirka ee ay damacsantahay in ay Iran ugaysato.
Khabiir dagaal oo ah maraykan ayaa wuxuu leeyahay Israa,iil way ku adagtahay in ay si sahlan uduqayso Iran, waayo bartimlaameedka ugu dhaw ee ay rabto in ay duqyso wuxu ka fogyahay Israil 1500km ka ugu fogina 2200 km , sidaa darteed waxaa dhib ku noqonaysa diyaaradaha dagaalka ee Israil in ay si sahlan uduqayn karaan ,
waxa kale oo uu sheegay in ay duqayn karto Israil warshadahaas Iran leeday hadii ay Israil adeegsadto diyaaradaha shidaalka ku kala qaata hawada sare ,
hase ahaatee wuxuu sheegay khabiirkaasi in Israil ay dawlado carbeed jawigooda ay ku xadgudbi doonto sida syria iyo iraq ,
hase ahaate Israil aanay wax casbi ah ka qabin in dawladahaasi diyaaradeheda dagaal wax ugaysan karaan, waayo Syria iyo Iraq ba awood uma laha in ay diyaaradaha f18 ee Israil leedahay ka difaaci karaan jawigooda ,
Israil ayaa 1981 duqaysay warshad ay lahayd Iraq , 2008 waxay duqaysay goob ay ku tuhuntay in ay Syria ku beerayso hubka wax gumaada .

Daahir / Shaami
Togaherer
Germany

No comments:

Post a Comment