Wednesday 23 September 2009

M/WEYNE RAYAALE OO MAGACAABAY WASIIRU DAWLE IYO WASIIR KU XIGEEN

M/WEYNE RAYAALE OO MAGACAABAY WASIIRU DAWLE IYO WASIIR KU XIGEEN

RAYAALEMadaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Date: 23/09/2009
Warsaxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta magacaabay Wasiirul dawle iyo Wasiir ku xigeen cusub.

Madaxweynuhu, isagoo cuskanaya qodobka 90-aad, faqradiisa labaad ee dastuurka Somaliland, isla markaana tixgelinaya ahmiyada weyn ee ay u leeyihiin dhismaha dalka Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dalxiiska, waxa uu u magacaabay Mudane Cabdi Xirsi Ducaale inuu noqdo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha.

Sidoo kale, Mudane Maxamed Axmed Faarax, waxa uu u magacaabay inuu noqdo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dalxiiska iyo Dhaqanka.

Madaxweynuhu isagoo tixgelinaya hufnaanta iyo kartida labadaasi Mudane, waxa uu ku amray in ay sida ugu dhakhsaha badan xilka loo magacaabay ula wareegeen laga bilaabo taariikhda maanta.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

No comments:

Post a Comment