Monday 28 September 2009

GACAN KU DHIIGLE DILAY AABIHII DILAY LAASCAANOOD OO BOOLSIKA GAROOWE GACANTA KU DIGAY

GACAN KU DHIIGLE DILAY AABIHII DILAY LAASCAANOOD OO BOOLSIKA GAROOWE GACANTA KU DIGAY

Ciidamada Booliska ee Magaalada Garowe ayaa waxaa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan nin Gacan ku Dhigle ah.
GAROOWE
Ninka la qabtay ayaa waxaa la sheegay in u ka soo baxsaday Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka dib marki u dilay Aabihii dhalay,waxaana shalay gelinka dambe qabtay Ciidamada amaanka oo howlgalo sameeyeen.

Taliya Ciidamada Booliska Magaalada Garowe Axmed Dheere oo ay ToggaHeerr la xiriirtay waxaa u sheegay in qabashada ninkaas ay ka dambaysay ka dib marki ay sameyeen dadaalo dheeri ah,iyadoo u sheegay in ay ka soo qabteen xaafad ku taala magaalada Garowe.

Waxaana ay Ciidamadu ninkaas ku xireen Saldhiga Dhexe ee magaalada Garowe,iyadoo u tibaaxay in ay baaritaano ku wadaan oo ay baaritaanka ay caawinaayan dad ay ehel yihin.

Taliyaha ayaa ugu dambaynti sheegay in dhowaan la soo taagi doono maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal iyadoo lagu xukumi doono waxaa lagu soo eedeyey.

Baashe Maxamed
ToggaHerer
Boosaaso

No comments:

Post a Comment