Tuesday 22 September 2009

SHIR GUDOONKA GUURTIDA OO U SHEEGAY XILDHIBAANADA GUURTIDA IN GOLUHU BARI GUDA GALI DOON MUDDO KORDHINTA

SHIR GUDOONKA GUURTIDA OO U SHEEGAY XILDHIBAANADA GUURTIDA IN GOLUHU BARI GUDA GALI DOON MUDDO KORDHINTA

guurtida-somaliand Salaasa 22 September, 2009

Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta Mudanayaasha golahaa ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danaha dalka, isla markaana aanay ku kicin wax khalkhal gelinaya xisiloonida umadda. waxaanay sheegeen in beri Goluhu gudo-geli doono doodda waqtiga xil-haynta Madaxweyne Rayaale ee gabaabsiga ah.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Shirguddoonku hadal ay halkaa ka jeediyeen ku sheegeen in Golahaas looga baahan yahay in uu qaado tallaabooyin dalka u dan ah. Waxaanu Guddoomiye Saleebaan oo halkaa ka hadlay uu sheegay in maalinta beri ah ee Arbacada Goluhu gudo-geli doono doodda muddada Xil-haynta Madaxweynaha ee gabaabsiga ah. taas oo ay hore Mudanayaal ka tirsan Goluhu doonayeen in Madaxweynaha loogu kordhiyo mar saddexaad.
Dhinaca kale, Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Golahaas Sh. Axmed Nuux Furre oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Goluhu ay shirguddoon ahaan maamuus ka mudan yahay, sidaas oo ay tahay loo baahan yahay in Goluhu ixtiraamo Shirguddoonka.
Ballanka Maalinta beri ah ee doodda muddada dhammaanaysa ee Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay waqti Xukuumaddu olole ballaadhan ka dhex waddo Golaha Guurtida, taas oo ay ku doonayso in muddada loogu kordhiyo Madaxweyne Rayaale.

No comments:

Post a Comment