Sunday 27 September 2009

SOMALI KA BARBAR DAGAALAMAYSA XUUSIYIINTA DAGAALKA KULA JIRTA YEMEN OO LA QABTAY

SOMALI KA BARBAR DAGAALAMAYSA XUUSIYIINTA DAGAALKA KULA JIRTA YEMEN OO LA QABTAY

28 September 2009
yemen
Dowladda Yeman oo dagaal xoogan kula jirta Kooxda Shiicada fallaagada ah ee wadaka yemen kusugan ee Xuuthiyiinta loo yaqaano ayaa waxa ay kusoo qab qabtay dagaalkaasi dad badan.

Maleeshiyaadkii ay soo qab qabteen ayaa waxaa kamid ah illa 7-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo ka barbar dagaalamayay Ururkaasi shiicada ah ee Xuutiyiinta loo yaqaano.

Ciidamada Dowladda Yemen ayaa 7-daasi qof ee Soomaalida ah oo ay ku qabteen iyaga oo ka dhinac dagaalamaya Kooxaha Xuutiyiinta waxa ay ku wareejiyeen laanta sirdoonka Yemen kuwaasi oo baadhitaan ku sameyn doona sida ay ku galeen dagaalkaasi.

Kooxdani Soomaalida ah ayaa lasheegayaa in ay kamid yihiin kooxaha jihaad doonka ah ee Soomaaliya kajira inkastoo illaa iyo hadda aanan lasoo magacaabin wax urur ah oo ay ka tirsan yihiin.

Dowladda Yemen ayaa ku noqoneysa Arrintani amakaag maadaama Soomaalida ugu badan ay magangelyo ku siisay wadankeeda oo qaxooti ahaan ay iminka u buuxaan wadanka Yemen.

Warqabadka ToggaHerer

No comments:

Post a Comment