Saturday 26 September 2009

SHAQAALAHA MADBACADA QARANKA SOMALILAND OO MUSHAHAR LAAN AWGEED SHAQO JOOJIN SAMEEYEY.

SHAQAALAHA MADBACADA QARANKA SOMALILAND OO MUSHAHAR LAAN AWGEED SHAQO JOOJIN SAMEEYEY.

26 September, 2009

Shaqalaha madbacada Qaranka Somaliland ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin cabasho ah oo ay kaga cabanayan mushahar laan iyo maamul xumo haysatay sanadkii u dambeyey.

Qaar ka mid ah shaqaalaha madbacada qaranka oo saxaafada u waramaayey ayaa sheegay in ay joogsatay shaqadii madbacadu kadib markii uu maareeyaha madabacdu lunsaday 130000000Sh/sl( Boqol iyo sodon milyan) oo Somaliladn Shiling ah oo uu sheegay in uu adeeg ugu soo iibinayo madbacada, sidoo kale waxa uu sheegay oo ay ku doodeen in aanay lixbilood helin mushahaaradii ay qadan jireen.

Sidoo kale Maareyaha madabacada qaranka Maxamed Cabdimaalik ayaa ku dooday in musharka ay shaqaalaha dawlada ay kala siman yihiin sidoo kalena waxa uu beeniyey lacagtaa faraha badan ee ay shaqaaluhu ku sheegeen in uu lunsaday, sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey oo uu shaqaalaha ku eedeeyey in ay cusuriyada ku eryanayaan taas oo uu sheegay in ay takoorayaan.

Wasiiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xasan macalin oo arintan dhex galay ayaa sheegay in warbixin la xidhiidha murankan dhaliyey shaqo joojinta uu u gudbin doono madaxtooyada .

Ma aha markii ugu horaysay ee cabasho tan oo kale ahi ka soo yeedho shaqaalaha madbacada qaran.

Warqabadka togaherer

Hargaysa

No comments:

Post a Comment