Wednesday 23 September 2009

GOLAHA WASIIRADA OO MAANTA ANSIXIYAY TALLO-BIXINTII DALALKA SAAXIIBADA JSL KU SOO TALO BIXIYEEN

GOLAHA WASIIRADA OO MAANTA ANSIXIYAY TALLO-BIXINTII DALALKA SAAXIIBADA JSL KU SOO TALO BIXIYEEN

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta oo arbaca ah, Bishuna tahay 23/09/09, fadhi aan caadi ahayn ay ku yeesheen hoolka shirarka ee Qasriga Madaxtooyada.

golaha wasiirada

Fadhigaasi oo uu gudoominayay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ka hor akhriyay Golaha qodobo tallo bixin ah oo ay soo jeediyeen dalalka aynu saaxiibada iyo dariska nahay iyo wadamada kale ee danaynaya qaranimada Somaliland, tallooyinkaasi oo ku saabsan sidii looga badbaadin lahaa Somaliland muranka siyaasadeed ee ka taagan, isla markaana loo qaban lahaa doorasho xor oo xalaal ah.

Ka dib markii ay golaha wasiiradu qodobadaasi tallo bixinta ah ay u kuur galeen, waxa ay ansixiyeen in xukuumada Somaliland oo uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland in ay tallo bixintaasi si wada jir ah isugu raaceen oo ay u ansixiyeen.

golaha wasiirada 1

Shirkii golaha wasiiradu waxa dabadeedna ay guda galeen iyada oo ay inoo dhamaatay bishii ramadaan in la iska waraysto marxaladaha hadba dalku marayo iyo tallaabooyinkii laga qaadi lahaa in aanay dib u dhicin shaqaaqooyinkii keenay dhimashada iyo dhaawaca ee ay soo abaabuleen dad aan u tudhayn Somaliland, iyadoo mar walba ahmiyada la siinayo jiritaanka nabad gelyada iyo qaranimada Somaliland

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Xafiiska Warqabadka ToggaHerer

Hargeysa

No comments:

Post a Comment