Wednesday 30 September 2009

MAXAY KA YIDHAAHDEEN SAXEEXA HESHIISKA M/WEYNE RAYAALE GUDOOMIYE FAYSAL IYO GUDOOMIYE SIILANYO .

MAXAY KA YIDHAAHDEEN SAXEEXA HESHIISKA M/WEYNE RAYAALE GUDOOMIYE FAYSAL IYO GUDOOMIYE SIILANYO .

Waxaa maanta ka dhacday xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, kulan lagu saxiixayey heshiis lix qodob ka kooban oo lagu heshiisiinayey Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga Udub mudane Daahir Riyaale Kahin iyo GXisbiyada Mucaaridka oo ay matalaayeen Laba gudoomiye ee Faysal Cali Waraabe Ucid iyo Axmed Maxamed Siilaanyo Kulmiye.

Heshiis 1

Kulankan ayaa waxaa daadihinayey wafdi balaadhan oo ka yimid dalka Itoobiya, kaasi oo uu horkacayey Kuxigeenka Safiirka Dowlada Britian u fadhiya Addis Ababa, Mr.John Marshal iyo Diblumaasiyiin ka socday xukuumada Itoobiya.
Heshiis 2
Kulankan ka dhacay maanta Madaxtooyada Soomaaliland, oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan hogaamiyaasha sadexda xisbi ee Soomaaliland ee UDUB, UCID iyo Kulmiye, oo dhamaantood qaatay heshiiskan lagu tilmaamay in ay soo diyaariyeen Beesha Caalamka oo soo wakiishay Kuxigeenka Ambassadorka Britian ee dalka Ethoipia John Marshal.

  1. In sadexda xisbi isla ogolaadeen in dib loo sameeyo diiwaan gelin.
  2. In isku shaandheyn lagu sameeyo listiga diiwaangelinta.
  3. In Isbedal lagu sameeyo guddiga Doorashada.
  4. In la keeno Khubaro caalami ah oo talooyin ka bixiya Diiwaangelinta
  5. In muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ku egyahay Bil kadib maalinta la qeexo xiliga ay doorashada Dhaceyso.
  6. In Beesha Caalamka ay sii taageerto doorashooyinka iyo qorshaha dimuquraadiyenta Maamulka Soomaaliland.

Heshiis 3
Markii ay saddexda dhinac wada saxeexeen heshiisk ay wda qaateen oo ka koobnaa lixdii qodob ee ay beesha Caalmku ku dhexdhexaadisay waxa ay ka wada hadleen muhiimadda heshiiska iyo sidii loo wada fulin lahaa.
Heshiis 4
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo waxaanu hadalkiisi ku bilaabay

” Heshiiskaa aynu maanta saxeexnay ee aynu galnay oo aynu doonayno inaynu kuligeen si daacdnimo ah iyo si wadajira u fulino oo u socodsiino, isla markaa anaga waa naga daacad,wxaanu jecelnahay inaanu cadayno inaanaan doonaynaa inuu dalkaasi dhibaato danbe ku dhaqaaqo sida hawsha ugu fudud ee dadka inala shaqaynaya ee hawsha inoola soconaya inagoon ku kala faa’iidaysan aynu hawshaa u fulino.oo aynu hawsha u socodsiino si aynu dhakhso u gaadhno in Doorasho xor ah oo xalaal ah aynu gaadhno.
waxaa jira dad wax aliyaala wax ay geysteen aanu jirin, oo xidhan oo dulmi ku xidhan, oo wax dhibaato ah oo ay geysteen aanu jirin.markii ay heshiisyadu socdeen waxa jiray balanqaadyo badan dadka aan waxba geysan xorriyadooda loo soo celiyo, ummadday ka mid yihiin waa inay ka qayb qaataan xorriyada iyo isfahamka iyo khilaaftirka la gaadhay waa inay ahaadaan.waxaanu jecelahay Madaxweyne inaad dadkaa xorriyadooda si dhakhso ah ugu soo celiso oo u siiso”.
Heshiis 5
Markuu uu dhamaystay ayaa waxaa isna ku xigay oo ka hadlay jawaabona ka bixiyey hadaladii Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin waxaanuu ku bilaabay

“waxaan jecelahay heshiiskaas wixii ka danbeeya inaynu inagu waxeena wadano oo aynaan cidkale u baahan horta waan ku talinayaa, waxa kaloon u mahad naqayaa cidkastoo isku dayday inay isku keen soo dhawayso. qolyahaa la xidhxidhay ee mudaharaadada sameeyay Amar baan ka bixiyay in la sii daayo, mana xidhnaan doonaan,sida ugu dhakhsaha badan in loo kala shaandheeyo ninkii danbi sameeyayna in danbigiisa lagu qaado, kii aan danbi lahayna albaabka in laga qaado ayaan horeba u Amray imikana Amarkii baan dabagalayaa haddii illaahay yidhaa oo uu fulo. waxaan jecelahaywalaaltinimadeenii iyo wada shaqaynteenii inaynu dib u noolayno aan ka maarano cid danbe,halkaa aynu ka bilownay inaynu hore uga socono si aynuDoorashada u gaadhno wakhtiga ugu dhakhso badan ee suurogal ah.”
Heshiis 6
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe taas oo uu u mahad naqay dhamaan cidii gacanta ka gaysatay hawsha sheegayna in ay tahay arin la sugaayey

“Axsaabteena, waxaan leeyahay saddexda Xisbi ee qaran, waxa la inooga baahanyahay maanta inaynu iska hor imaadkii ku bedelaa wada shaqayn. inaynu shakigii dhexdeena ku bedelaa is aaminaad. inaynu waji furnaan ku shaqaynaa.
xil weyn baa ina saaran oo ummaddu ina eegayso, waxaanka baryaya illaahay inuu xilkaa inoo fududeeyo,waxaanaynu ku gaadhaynaa xilkaas aynu isa saarnay ee illaahay ina saaray inaynu niyad wanaagsan iyo daacadnimo la nimaadno iyo walaalnimo
waxaan leenahay bulshada caalamka oo ay ugu horeyso UN ku, meesha ma qabato Soomaalaan waxtarayaa iyo kuwii wax qabsanayay in la qadiyo oo nabadoodii la wiiqo. waxaau sheegaynaa un ta soomaaliya iyo somaliland lixdankii waxay wada qaateen magac la yidhaa somali republic kursi baanay wada yeesheen UNITED NATIONS ka ah. maanta magacii way kala baxeen iyagu Soomaaliayay la baxeen koodii lixdankii anaguna Somaliland,uma aragno xaq inay kursigii naga dhaxeeyay iyagu fadhiyaan kaligood,taa waxaanu leenahay dacwad baanu ka qabnaa
waxaan leeyahay argagixiso ayaa nagu dhacday 29 kii oktoobar kal hore,taas waxaad na geyseen qiyaasta amaanka UN ka darajada afraad baad na geyseen. taasoo kale waxay ku dhacday ingiriiska 2005 tii darajada afraad lama geynin iyagaba,Newyork iyo Maraykanba lama geynin, waxaan leeyahay Somaliland Nabad-gelyaa ka jirta cadaawahaa guud ee argagixiso mooyee wax dhibaato ah oo ka jiraa ma jiro, waxaan codsanayaa in lanaga qaado darajada afraad ee nala saaray.
shacbiga reerSomaliland waxaan leeyahay Raali-galin baanu idin siinaynaa hadaanu nahay madaxdii Siyaasiyiinta. Halgan baad gasheen, xoolihiinii iyo naftiinii baad u hurteen sidii la doonayay la idiinkuma abaal-gudin, waxaanu leenahay naga raali ahaada, raaligalinbaanuidin siinaynaa.wxaan leeyahay oo aan illahay ka baryayaa inaad dadaalkaad geysateen iyo halgankaad gasheen uu illahay idiinku badalo barwaaqo iyo nabadgelyo horumar baan idiinka rajaynayaa.
maanta taariikh baynu samaynaynaa waxa inoo hadhasan qorshihii lagu hawlgalayay, waxaanu jecelnahay sida ugu dhakhsaha badan inaynu Doorasho wanaagsan oo inoo illalisa nabadgelyadeena iyo sumcadeena oo ilaahay aynu ka barino kii khayr qaba inuu inoo soo saaro. wanaagaa lagu tartamaa maah in xumaanta lagu tartamo, oo aynu qorshayaal ku tartanaa oo aynu eegnaa wixii ka hirgalay heshiiska aynu maanta saxeexanay todobaadkiiba mar oo aynu eegnaa waxa ka hirgalay. waxaanan jecelahay waa markii u horeysay ee uu Madaxweynuhu uu nala saxeexay ilaa heer, markaa waxaan u malaynayaa kuwii hore ducadiisaa ka maqnayde inaad maanta ku ducaysaa kan.”
Sidaana waxaa gacmaha isku qabsaday gudoomiyayaashi xisbigyada .

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

No comments:

Post a Comment