Monday 28 September 2009

AFYAHAN MIYAA MISE WAA AFTAHAN W/Q SAEED IBRAAHIM HUSSEIN

AFYAHAN MIYAA MISE WAA AFTAHAN W/Q SAEED IBRAAHIM HUSSEIN

28 September, 2009

Afyahan miyaa misa waa Aftahan

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Waxaan salaam qaali ah u dirayaa Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda

Waxa suurtagal ah in qofku yidhaahdo oo isweydiiyo Aftahan waa kelmed si khalad ah loo adeegsado oo halkii laga odhan lahaa Afyahan ayaa si khalad ah loo adeegsadey Aftahan waxana taa kuu caddaynaya kelmedaha kale ee la bahda ah sida Dagaal yahan,Orod yahan,Booddo yahan,Feedh yahan,Aqoonyahan…iyo kuwo la mid ah.

Waxa kale oo Soomaalidu si khalad u eg u adeegsataa magac bixinta caruurta Eeddadu dhashay ooy yidhaahdaan Ilma abti iyadoo Eeddo dhashay oo aanu Abti dhalin waxay ahay in la yidhaahdo Ilma Eeddo illeyn Eeddaa dhashaye.

Taas waxa loo arki karaa inuu ka mid yahay khaladada la caadeeystey ee goor hore afka galay waxa jira ereyo cusub oo si ogaan ah loo soo geliyey afka sida Ereyo Afkale looga soo turjumay si khalad ah turjumaado aan habboonayn waxa ka mida Xero edegayn ama carro edeg oo si khalad ah loogu turjumey Globalization,waxana afka inoogu jirta iyadoo aan biyo isasoo marin waa caalamiyayn oo maraysa isbedeladan:

Caalam,Caalami,Caalamiyayn,sidoo kale Afka haddii laga helo kala gedisnaan gudihiisa ah waxa la yidhaahdaa Lahjad waana kelmed aynu weligeen adeegsan jirney qaar baa u bixiyey Afdegel,horena umaynu arag degel hadlaya!!!sidaa kale Abwaan waxa loo wada yaqaannaa qofka halabuurka yaqaan ee wax allifi kara waxa soo baxay rag Qaamuuska ugu yeedha Abwaan,haddaba khaladkii hore iyo kan danbe ee loo qasdey yaa saxaya oo toosin kara,waxa suura gal ah in kuwa hore la sababeeyo laakiin raggan u soo tafaxaytay erey bixinta khaldan sida laysaga qabanayaa,waxa laga cabanayey budhcad badeed laakiin kuwani waa budhcad afeed!!!

Waxaynu tilmaannay arrin ku saabsanaa kelmedo si khalad ah Afka soomaaliga u galay ooy qaar horreeyeen oo la iska caadaystey qaarna ula kac si tarjamaad khalad ah oo badheedh ah loo soo geliyey,Haddaba haddaynu u kala qaybino kelmedihii hore iyo kuwa cusub ee soo geleetiga ah,haddaan ku horreeyno kuwii hore eey ka mid ahaayeen Aftahan iyo Ilma abtigu labaduba waa sax mana aha khalad xaasha Afkeennu ma istaahilo inuu khalad adeegsado,waxana jira in loo qaybiyo hadalka dhismihiisa mid Qoto dheer iyo mid Dul mar ah oo la wada fahmi karo(deep constraction &surface constraction,Binyatul camiiqa wa Binyatul sadxiya).
Afku waa sawir soo gudbiya dhaqanka dadka ku hadla (social phenomenon,Daahira ijtimaaciya),sidaa daraadeed kelmed iyadoo khalad ah la adeegsan karaa ma jirto mana dhacayso oo xeerka Afku dabiici ahaan u leeyahay baa diidaya.
Haddaan soo qaadanno kelmedda Aftahan waxay ka kooban tahay laba qaybood oo kala ah Af iyo Tahan,haddaba Af waynu wada naqaan inuu yahay xubinta jidhka ka mid ah ee fulisa adeegyo fara badan oo hadalku ka mid yahay sidoo kale Af waxa loo yaqaan hadal(luqad),kelmedda Tahan waxay leedahay laba macne oo kala ah:geedaha doogga ah ee si fiican u baxay een weli la daaqin iyo meel masaafo ah oo yare durugsan halka laga yidhaahdo daaqsin geel iyo tahan baan u mariyey hadalka ,Gabayo badanina way tilmaamayaan sida Gabayga Hadraawi leeyahay
Dayaxoo taabbo qaadoo Toban iyo shan joogiyo
Xidigaha tartamayee isku taxay dushiisaa
Tahan iiga hirayoo ……………………
Markaa waxa lagu shabbahayaa Afka qofkaa inuu sida tahanta yahay oo ama geedahaa fiican een la daaqin la mid yahay ama meel dheer oo tahan ah ka hadlayo oo gorfaynayo,waa sida miishaarta sida ay wax u gooyso loogu shabbahay ee loo yidhi Afmiishaar, indhahana wixii ay jeclaystaan sida caruurta yaryar la yidhaahdo ildoogsi dhamaan waa hodonimada afkan tusaale gaaban oo ka turjumaya.
Sidoo kale Yahan: Waa Lisinka(grind stone)lagu liso ama lagu afeeyo mindiyaha,gudmaha,warmaha….iwm,waa soofaha oo dhagax ah.
Markaa Labadaba waxa loo isticmaali karaa shabbahaad sida ereyo kaleba loogu adeegsan karo iyadoo macnohooda dhinac ka leh dhinaca kalena macne bahwadaag ah samaynaya tusaale Afmiishaar oo la mid ah Aftahan waxay tusaysaa qofkaa hadalkiisu inuu sida miishaarta xaqiiqada u goynayo ama arrimaha u abbaarayo waa lugu shabbehey sidoo kale Aftahan waxa lagu shabbehey in meel fog oo dheer uu wax ka odhan karo,sida Aqoon yahan iyo ereyada la bahda ah looga jeedo in lagu shabbahayo in sida Lisinka(grind stone)ay u afayn karaan oo ugu samayn karaan awood wax goysa ama jarta ,waxa aad muhiim u ah in aan ogaanno in ay jiraan ereyo ama weedho aan dhaqan ahaan Afkeenu aqbalayn ama diidayo sida Afyahn,ina Eeddo,weriyad,maamulad…iwm Afku isagaa sharcigiisa iyo dhismihiisa wata waxana laga heli karo waxa dhaqanku aqbalayo iyo wuxuu diidayo ama dhawaaqiisa ama dhismihiisa waana halka laga dheegan karo Naxwaha iyo Qaanuunka Afkani leeyahay oo ah dadka ku hadlaa siday ugu hadlaan ee ay u arkaan sax inuu yahay
Ilma abti sidaynu hore u soo sheegnay Afku waa sawirka dhaqanka dadka ku hadla sidaa darteed waxa lagu abtirsadaa Aabbaha ma aha Hooyada,waa dhinaca lab ee waalidka markaa Eeddadu caruurtay dhashay iyada kuma sheegi karno iyadoo Aabbe dhalay ay leeyihiin,waxa markaa ay gudboon yihiin Abtiga oo laga doorbiday Adeerka xagga naxariista oo inta badan Abtigu ka naxariis badan yahay Adeerka sidaa darted ayaa ilma abti loo yidhi waxana inta badan lagu sii daraa fasiraad kala soocid ah oo la yidhaahdaa ilma abti Eeddo ama ilma abti uu abti dhalay,sidoo kale caruurta Eedadaa dhashay Adiga waxa ku dhalay Abtigood oo iyagu waxay odhanayaan waa ilma abtiyaday ama waa ina abtigay sidaas darteed ayaa ina abtinimadu ku timid.
Waxa inoo hadhay kelmedaha soo geleeytiga ah ee aan cuntamayn baahina loo qabin ee la haysto kelmedo soo jireen ah oo weligeed la isticmaali jirey sida Caalamiyeyn,Qaamuus,Lahjad…iwm,kuwaasi ma dhacaan ciddii la timi ayuunbay ku ekaan doontaa oo hadday rabaan isticmaalaya inkastoon weydiinayno suaasha ah oo Abwaan Hadraawi iyo Xasangeni iyo Gaariye iyo rag kalaan u naqaanaa Abwaane Qaamuuskuna goormuu abwaan noqday?! ma waxbuuse alifaa?!!!iyo su’aalo kaloo la mid ah.
Afkeennu waa Hodon waxana uu ka mid yahay Afafka ugu horreeya inta la ogyahay Carabiga keliya ayaa nus baydh kaga qaadaya kuwa kale biyo uma cabbayo,ama uma kabbanayo,waxa mar kasta inala gudboon inaan Afkeenna si qoto dheer u barano oo Afafka qalaad aynaan ku habsaamin waxna moodin marka laga reebo Afka carabiga oo aan isagu Afqalaad ahayn ee ah Afkii quraanka iyo Afkii ehlul jannada sidoo kale kelmedaha Afsoomilga ilaa 50% iyo inka badani waa Afcarabi.
Waxan mar labaad dhalinyarada ku boorrinayaa inay Afkooda si qoto dheer u bartaan oo ahmiyad gaar ah siiyaan oo ka faa’iidaystaan nimcada illaahay ku mannaystay ee uu Afkoodu ugu horreeyo.
Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

No comments:

Post a Comment