Monday 28 September 2009

ANGELA MARKEL OO MUDDO LABAAD KU GUULAYSATAY XILKA CHENCELLOR KA JARMALKA

ANGELA MARKEL OO MUDDO LABAAD KU GUULAYSATAY XILKA CHENCELLOR KA JARMALKA

28 September 2009
MARKEL
Doorashadii ka dhacdey maalintii shalay dalka ugu wax soo saarka badan qaarada Yurub ee Jarmalka ayaa waxaa ku guuleystey Angela Markel, natiijada doorashada ayaa wadada u jeexeysa dawlad dhanka midig ah oo Jarmalku yeesho.

Xibsiga CDU ee ay madaxda u tahay Jaanslorka Jarmalka Angela Markel iyo Xisbiga FDP ee Libiralka dhanka midig waxa ay haystaan kuraas ku filan oo ay ku soo dhisaan dawlad wadaag ah, taas oo ah Madow iyo Jaalo oo ah calaamadaha labada xisbi, waxaana dawladdaas hogaamin doonta Angela Markel.

Xisbiga CDU ayaa helay 33.8% codadkii la dhiibtey halka Xisbiga la tartamaayey ee SDP uu khasaaro weyn la kulmey kadib markii uu helay 23%.

Xisbiga Libiraalka dhanka midig kaas oo ah midka Angela Markel ay jecleyd in ay mar uun Dawladd la soo dhisaan maadaama ay isku aragti dhawyihiin ayaa helay 14.6% codadkii la dhiibtey.

Natiijada doorashada ayaa macnaheedu yahay in Angela Markel ay soo afjarto dawladdii wadaaga ahayd ee ay la dhiseen Social Democrats.

Xisbiyada Guuldaraystey

Hogaamiyaha xisbiga Social Democrats ahna Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jarmalka Frank-Walter Steinmeier ayaa qirtey in natiijadu ay ahayd dharbaaxo ku dhacdey xisbiigiisa, waxaana uu sheegay in Xisbigiisu uu soo fariisan doono kuraasta Mucaaradka.

Dhaqaalaha iyo Argagixisada

Dadka Jarmalka ee codkooda dhiibanaayey ayaa xisbiyada ku kala dooranaayey, sida ay wax uga qabanayaan dhaqaaalaha sii xumaanaya iyo argagaxisda khatarta ku ah dadka iyo dalka Jarmalka.

Warqabdka ToggaHerer

No comments:

Post a Comment