Saturday 26 September 2009

XILDHIBAANO KA TIRSAN DFKS OO KA SOO JEEDA SOMALILAND OO SOO DHAWEEYEY GOANKA GUURTIDA

XILDHIBAANO KA TIRSAN DFKS OO KA SOO JEEDA SOMALILAND OO SOO DHAWEEYEY GOANKA GUURTIDA

Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Somalia ee maamulka Somaliland ayaa si diiran usoo dhaweeyay Heshiiskii dhaxmaray xukuumada Somaliland Axsaabta Mucaaradka .

Kulan balaaran oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Mudanyaasha Beesha Direed ayay ku sheegeen in Golayaasha Guuurtida Somaliland ay Bad baadiyeen Umadda islamarkaana ay Heshiis ka gaareen khilaafkii jiray.

Xildhibaan Saleebaan Maxamed Rooble oo u hadlay Xildhibaandii maanta kulmay ayaa sheegay in ay gacan ka gaysteen Go’aankii shalay ay gaareen Golaha Guurtida Somaliland islamarkaana ay ka aqbaleen dalab ay Mudanayaasha Baarlamanka KMG ah ee Somaliland kasoo jeedo u direen Axzaabta Mucaardka ah.

“Hadaan nahay Xildhinaabada kasoo jeedo goboladii la odhan jiray W/Galbeed Somalia hadeertona la dhaho Somaliland waxaan soo dhaweynaynaa Heshiiskii ay gaareen walaaleheen Somaliland oo runtii Bad baadiyay Bur-Bur ku imaan lahaa Nabadda Somaliland” ayuu yiri Xildhibaan Saleebaan Axmed Rooble.

Ugu Dambayntii Xildhibaanada ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin goaankaa adag ee ay ka gaareen guurtidu iyo waliba aqbalaada ka yeeray xukuumada iyo xizbiyada mucaraka.

Waa markii ugu horaysay oo ay Dowladda Federaalka Somalia soo dhawayso xalinta Khilaafka u dhexeeyey Madaxda Jamhuuriyada S/land.

Axmed Kulan Joker

Moqdisho

No comments:

Post a Comment