Tuesday 29 September 2009

XUBNAHA LOO TUHUNSAN YAHAY IN KALSOONIDA KOMISHANKA LAGALA NOQON KARO ,IS-CASILAADA MAAGAN IYO RABITAANKA RAYAALE &ASXAABTA

XUBNAHA LOO TUHUNSAN YAHAY IN KALSOONIDA KOMISHANKA LAGALA NOQON KARO ,IS-CASILAADA MAAGAN IYO RABITAANKA RAYAALE &ASXAABTA

29 SEPTEMBER 2009



KOMISHANKA SOMALILAND

Xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada xeer Lr 20/2001, waxaa uu qeexayaa awoodaha komishanka doorashooyinka iyo waxyaalaha xubnaha komishanka ay ku waayi karaan xubinimadooda, waxa uu qeexaya xeer Lr 20 in komishanka doorashooyinku ay awood u leeeyihiin mudaynta doorashooyinka la qabanayo maamulka agaasinka hawlaha doorashada, taasoo dhinaca kalena asbaabaha kuwaasi keeni karana uu tilmaamayo sharcigu marka ay jabto shuruud ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay xubinta komishanka kuna gafo sida dhexdhexaadnimadii shardiga u ahayd in xubinta komishanka doorashooyinka loo magacaabayaa aanu noqon xubin ka tirsan xisbi siyaasadeed islamarkaana aanu ku xad-gudbin xeerarka doorashooynka iyo xeer hoosaadka u khaaska ah guddidooda, taas oo xubinta gefafka noocaasi ah ku talaabsata u sharcigu awood u siinayo in marka la soo eedeeyo uu madaxweynuhu awood u leeyahay inuu guddi baadhis ah oo soo baadha eedaha lagu soo oogay xubintaas uu u saaro, taasoo haddii uu ku qanco natiijada baadhistaasi ka soo baxda ay waajb ku tahay madaxweynuhu inuu golaha wakiilada u gudbiyo xubintaasi si goluhu go’aan gole oo uu ku diidayo ama ku ogolaanayo xil ka xayuubinta uu cod gacan taag ah oo hal-dheeriya ku ansixin karo shaqo eriga xubnaha komishanka doorashooyinka halka uu sidoo kalena magacaabista xubnaha komishana doorashooyinka ansixintooda uu sharcigu u jidaynayo in xubinkasta oo komishanka doorashooyinka ka mid ah oo la soo magacaabo golaha wakiiladu ku ansixin karo cod dhan 42 mudane xubinta tiradaasi ansixinteedu ka yaraatana ay magacaabisteedu burayso halka uu madaxweynuhuna xeer Lr 20 uu awood u siinayo magacaabida komishanka doorashooyinka ay u soo kala magacaabaan golaha guurtida, axsaabta mucaaridka iyo isaguba u sharcigu waajib kaga dhigayo in todobada xubnood oo isku dhan uu u gudbiyo golaha wakiilada si golahaasi uga guto waajibaadka xalaalaynta xubnaha komishanka loo soo magacaabay, halkaasina waxaynu ka fahmi karnaa awoodaha xeerka doorashooyinku u kala gaar yeelay madaxweyne Rayaale iyo golaha wakiilada, taas oo sharciguna awooda ansixinta xubnaha komishanka uu siinayo golaha wakiilada halka digreetada xubnaha doorashooyinkuna uu awood u siinayo madaxweynaha.
Hadaba marka la eego lixdii qodob ee ay beesha caalamku a soo saartay khilaafkii adkaa ee ka dhashay dibu dhacii doorashada madaxtooyada oo golaha guurtiduna go’ankiisii muddo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee uu soo saaray uu saleeyay lixda qodob ee beesha caalamku ay ka soo saartay qabsoomida doorashada madaxtooyada oo isugu jira hawlihii farsamo ee ay ku qabsoomi lahayd doorashadu oo ku saabsan muddada lagu dhamaystiri karo Serverka natiijada cod bixinta diiwaangelinta jadwalka cayimaada doorashada, oo ay ka mid tahay qodobada heshiiskaasi bedelaada xubnaha komishanka doorashooyinka oo ka mid ah lixda qodob ee beesha caalamku ay usoo jeedisay inay aqbalaan madaxweyne Rayaale iyo labada xisbi mucaarid oo iyagu si wadajir ah u wada aqbalay fulinta lixdaas qodob soona dhaweeyay go’aanka ay guurtidu ku salaysay muddo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenka oo ay u arkeen dhinacyada siyaasada isku hayaa kuwo wax ka tari kara dibu dhacii badnaa ee doorashada madaxtooyada.

Inkasta oo hadaba ay si wadjira u soo wada dhaweeyeen nuxurka heshiisyadan beesha caalamku ay kaga soo talo bixisay hirgelinta doorashada madaxtooyada oo aan ilaa hada si cad loo ogayn muddada ay ku qabsoomayso, balse ilo wareedyo u dhuundaloola beesha caalamka la sheegay inay soo jeedisay inay muddo sagaashan maalmood ah ay sheegeen inay ku dhamaystiri doonaan hawlaha qabyada ah ee hor yaala doorashada madaxtooyada ayaa hadana waxa is weydiin mudan in qodobadaasi heshiis ay ku xidhnaan doonaan sida ay u fuliyaan dhinacyda siyaasada isku haya ee ay ka mid yihiin madaxweyne Rayaale iyo axsaabata mucaaridka iyo golaha wakiilada oo midkastaa waajibaad gaar ah uu ka saaran yahay bedelaada komishanka doorashooyinka oo xilligii la soo magacaabay ahayd September 2008kii uu khilaaf weyni ka dhashay ansixintoodii iyo magacaabistoodiiba, kuwaas oo si weyn ay iskugu mari waayeen madaxweyne Rayaale iyo golaha wakiiladu meelmarinta laba xubnood oo guurtidu soo magacaabay oo ay soo celiyeen wakiiladu halka xubinta Kulmiye magacaabistiisii uu iyadana si weyn uga biyo diiday xisbigaasi saami qaybsiga todobada xubnood, taas oo aakhirkii gaadhay in golaha wakiiladu ay dib ugu celiyaan lix xubnood oo Rayaale u soo gudbiyey islamarkaana ay wakiiladu go’aan muddo kordhin ah oo laba sanno ah ay qalinka ugu duugeen komishankii hore kaas oo ka dib maxkamada sare laalis usoo samaysay go’aankaasi golaha wakiiladu ku celiyeen lixda xubnood ee komishanka muddadana ugu kordhiyeen komishankaa hore. Waxaana wakhtigan xaadirka ah la is weydiinayaa sida ay u fuli doonaan gaar ahaan qodobka bedelaada komishanka doorashooyinka oo ay beesha caalamku heshiiskaasi lixda qodob ah ay kasoo jeedisay, taas oo haddii uu dibu dhac ku yimaado bedelaada xubnaha komishanka iyo ansixinta magacaabista xubnahaasi loo soo magacaabayo ay keeni karaan arrimo xagal daaciya geedi socodka fulinta heshiiskaas, kaas oo dhamaystirka dhismaha komishanka doorashooyinkuna uu siweyn xil uga saaran yahay hadba sida uu Rayaale uga midho dhaliyo una fuliya bedelaada komishinka doorashooyinka oo haddii uu cago –jiido muddada lagu gudbinayo iyo golaha wakiilada ay keeni karto khilaaf ka dhasha dibu dhac danbe oo doorashada madaxtooyada, taasina ay tacab khasaar ka dhigi karto heshiisyada beesha caalamka hirgelintooda iyadoo wakhtigan xaadirka ah fulinta dhismaha komishanku ay ku xidhan yihiin sida uu Rayaale u dadajiyo gudbintooda, oo isagu todobada xubnood ee komishanku ay ka kooban yihiin saddex ka mid ah uu isagu magacabistooda leeyahay oo uu ku jiro gudoomiyaha komishanku halka ay laba ka mid ahna guurtidu soo magacaabeen iyo laba xubnood oo ay soo kala magacaabeen Kulmiye iyo Ucid.

Dhinaca kale Xubnaha komishanka doorashooyinka ee la filayo haddii Riyaale hor geeyo wakiilada in kalsoonida lagala noqon doono, xubnaha loo tuhunsan yahay iscasilaada, xubnaha qaba in dhamaantood la wada eryo iyo wakiiladii qaadhaan bixiyayaasha oo dalka kusoo fool leh
Inkasta oo fulinta heshiisyadaasi ay ku xidhan yihiin rajo laga qabi karo qabsoomida doorashada oo aanay ilaa hadda si wada jira ah u saxeexin dhaqan galka heshiiskaasi Madaxweyne Riyaale iyo labadada guddoomiye xisbi mucaarad ee Kulmiye iyo UCID, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe oo la filayo in munaasibada lagu saxeexi doono heshiiskaasi ay goob joog ka noqon doonaan khubaradii server-ka dhaqaajin lahaa la filayo in caasimada ay soo gaadhi doonaan maalmaha Arbacada berrito iyo Khamiista ay goob joog ka noqon doonaan xaflada heshiiskaasi wada hadala laga geli doono qaabka loo bedelayo amase loo marayo eedaynta bedelaada xubnaha komishanka doorashooyinka oo ay saddexda xisbi la sheegay inay ku kala duwan yihiin qaabka loo bedelayo toddobada xubnood ee komishanka oo la sheegay in axsaabta mucaaridka iyo wakiilada mucaaridka ee golaha wakiiladu ay aaminsan yihiin in xil ka xayuubin lagu sameeyo afar xubnood oo iyagu hore u saxeexay go’aankii lagu laalay natiijadii codbixiyayaasha oo ay ka mid ahaayeen sida la sheegay guddoomiyaha komishanka Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden), ku xigeenkiisa, Cali C/laahi biikolo, Maxamed Yuusuf Axmed, Maxamed Ismaaciil Maxamed (kabaweyne) halka la sheegay in Madaxweyne Riyaale iyo xisbiga UDUB ay aaminsan yihiin in dhamaantood shaqada laga wada eryo toddobada xubnoodba.

Inkastoo aan si rasmi ah mabdi’iyan aan la iskula qaadanin qaabka loo marayo bedelaada komishashanku inay noqoto in si wada jira loo wada eedeeyo iyo in eedayntu noqoto mid xubnaha qaarkood lagu koobo haddana waxay tibaaxaha soo baxayaa sheegayaan sida keli ah ee ay wada aaminsan yihiin saddexda xisbi uguna fudud ee loo mari karo bedelaada eedahoodu inay noqon doonto in si wada jir ah xil gudasho la’aan loogu wada eedeeyo toddobada xubnoodba si markaasi Madaxweyne Riyaale golaha wakiilada ugu gudbiyo oo kalsoonida lagala noqdo iyadoo xubno uu ka mid yahay Maxamed Yuusuf Axmed la sheegay inay ka fikirayaan siddii ay xilka iskaga casili lahaayeen hase yeeshee ilaa hadda si rasmi ah looma oga in talaabadaasi iscasilaada ah uu ku dhaqaaqi doono iyo in kale iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in guddoomiyaha iyo ku xigeenka, Jaamac Sweden iyo Cali Biikolo ay qabaan in aan la kala reebin toddobadooda xubnood balse la wada eryo halka saddexda xubnood ee kala ah, Ismaaciil Muuse Nuur, iyo Xasan Cumar Hoori oo iyagu ah labada xubnood ee golaha guurtidu ay soo magacaabeen iyo Khadar C/laahi oo ah xubinta uu xisbiga UCID usoo magacawday Komishanka doorashooyinka ayaa la sheegay in golaha wakiilada iyo axsaabta mucaaridku ay aaminsan yihiin in aan wax maamuus ka xayuubin ah lagu sameyn saddexdan xubnood oo ay u arkaan in aanay wax dembi ah ku lahayn go’aankii ay afarta xubnood ee kale komishanku kaga awood bateen meel marintii go’aankaasi oo ay axsaabta mucaaridku u arkaan kuwa aan saameyn badan ku lahayn natiijadii kasoo baxday diiwaangelinta.

SOURCE HAATUF

No comments:

Post a Comment