Tuesday 22 September 2009

KHILAAFKA ISLAAMIYIINTA EE KISMAYO OO SII XOOGAYSANAYA IYO DAGAAL KA DHACAY MUQDISHO OO MAYDKII WALI WARAN YAHAY BAKAARAHA

KHILAAFKA ISLAAMIYIINTA EE KISMAYO OO SII XOOGAYSANAYA IYO DAGAAL KA DHACAY MUQDISHO OO MAYDKII WALI WARAN YAHAY BAKAARAHA

shabab ixbsi islam

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Maamulkii halkaasi ka jiray ay la Midoobeen Ururka Al Shabaab.

Wararka ayaa xaqiijinaya in Maamulkii halkaasi ka jiray uu Shabaab ku biiray taas oo la filaayo in ay sii kordhiso Khilaaf dhanka Maamulka ah oo u dhexeeya xoogaga Islaamiyiinta ah.

Khilaafkii u dhexeeyay Islaamiyiinta ayaa lafilayaa in uu sii xoogaysto madaama ay kooxda Al Shabaab kaligeed ku ku hartay Maamulkii Islaamiga ahaa ee Sanad ka hor ay dhisteen Ilaa iyo Sedax kooxood balse ay hadda muuqato in Koox Alshabaab kusoo hartay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in magaalada Kismaayo ay dhawaan soo gaareen Mas’uuliyiin katirsan Ururka Xisbul Islaam kuwaasi oo doonayay in ay xaliyaan Khilaafaadka jira balse isbedelka maanta dhacay ayaa arrintaasi meesha ka saaray maadaama ay Saraakiishii Xisbiga u metelaysay Maamulka Kismaayo ay AlShabaab isku bedeleen.

Maalmaha soo socda ayaa laga yaabaa in Ururka Xisbul Islaam ay maamul Islaami ah uga dhawaaqdaan magaalada Kismaayo iyo Gobalada Jubbooyinka sida uu dhawaan xaqiijiyay Sheekh Ismaaciil Caddow oo ah gacanyaraha Sheekh Xasan Daahir Aweys gudoomiyaha Ururkaasi.

Si Kastaba ha ahaatee loolankan ay wadaan Xoogaga Islaamiyiinta ah ayaa laga cabsi qabaa in uu dhaliyo isku dhac dhax maraya Islaamiyiinta sida isku mid ah u diidan Dowladda Federaalka Somalia iyo Ciidanka AMISOM.

—————————————————————–

Dagaalo xoogan oo Modisho ka socda iyo mayd iyo dhawan badan oo lagu arkaayey meelihii lagu dagaalamay.


Iska Horimaadyo culus ayaa Goordhaw ka bilaawday qaybo katirsan magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeya Xoogaga Mucaaradka ah iyo Ciidamada AMISOM ee dowlada taageera.

Dagaalada ayaa yimid kadib markii Weerar lagu bartilmaa meeddasaday Ciidamada AMISOM ee ku sugan wadada Shaqaalaha iyo Isgoyska KM4 degmada Hodon magaalada Muqdisho.

Madaafiic ay AMISOM kusoo riday Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho ayaa sababtay dhimasho aad u farabadan oo soo gaaray Dadka Rayidka ah.

Hubkan ay isdhaafsanayaan labada Qeybood ee Diriraya Ayaan ilaa Hada Cadeyn Rasmi ah Laga Heyn Cid Wax ku Noqotay Balse Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa soo sheegaya in Maydad badan ay daadsanyihiin wadooyinka Suuqa Bakaaraha islamarkaana aan la qaadi karin sababa laxariirta Madaafiicda la is Dhaafsanya oo weli socota.

Wixii warar ah ee ka so kordha waan ka soco Togaherer Moqdisho

Axmed Kulan

Togaherer

Moqdisho

No comments:

Post a Comment