Tuesday 22 September 2009

GOLAHA WAKIILADDA JSL OO LA SOO HORDHIGAY MOOSHINKII MAAMUUS KA XAYUUBINTA M/WEYNEHA IYO KU XIGEENKIISA

GOLAHA WAKIILADDA JSL OO LA SOO HORDHIGAY MOOSHINKII MAAMUUS KA XAYUUBINTA M/WEYNEHA IYO KU XIGEENKIISA

WAKIILADAHARGEYSA THN SALAASA 22 September, 2009
Maanta ayuu mar kale Golaha Wakiilada Somaliland u furmay Kal-fadhigoodii aan Caadiga ahayn oo ay ku yeeshayn Xarunta Golaha Wakiilada.

Fadhiga Maanta oo uu Shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) aya Xildhibaanada kasoo xaadiray loo qaybiyey Laba Mooshin ee Muranka wayn ka taagnaa kuwaas oo kala ahaa Mooshinka Xilka lagaga Xayuubinayo Madaxweynaha iyo Ku/xigeenkiisa iyo Mooshin lagu Badalayo Xeer-Hoosadka golaha Wakiilada si iyagana xilka looga tuuro Shirgudoonka Golaha Wakiilada.

Fadhiga oo ay fadhiyeen 42 Xildhibaan ayaa Shirgudoonka Golaha Wakiiladu soo hor dhigay Labada Mooshin ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Cod u qaadayo in laga doodo Mooshinada iyo in Duuduub lagu qaato, 36 Xildhibaan baa u codeeyey in Duuduub lagu qaato oo aan wax dood ah la galin halka 5 Xildhibaan u codeyeen in laga doodo Mooshinadaas Gudoomiyuhuna muu codayn.

Fadhigi Maanta ayaa waxa aan ka soo xaadirin inta Badan xildhibaanada Muxaafidka ah ee UDUB iyo jaalayaashooda taageersan .

Fadhiga maanta oo laga hor akhriyey Labada Mooshinba waxa shirgudoonku u qabtay in laga doodo oo lagu soo gabogabeeyey Labadaas Mooshin labada Cisho ee soo socota, iyadoo go’aan laga gaadhayo Labada Cisho gudahood.
XAFIISKA WARARKA TOGAHERER
HARGEYSA
SOMALILAND

No comments:

Post a Comment