Monday 28 September 2009

GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO LAALAY LABADII MOOSHIN GALAYNA FAAX LABA BILOOD AH

GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO LAALAY LABADII MOOSHIN GALAYNA FAAX LABA BILOOD AH

-wakiilada
28 September, 2009

43 Xildhibaan oo ka mid ah 55 xildhibaan oo maanta golaha fadhiyey ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in la joojiyo Mooshinkii xil ka xayuubinta Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa kaasi oo Goluhu Guddo galay doodiisa, arintan waxay ka danbaysay ka dib markii maanta Shirgudoonka Golaha wakiiladu Xildhibaanada u soo jeediyeen iyagoo tixgalinaya heshiiska beesha caalamka ee lixda qodob ka kooban ee ay ku dhexdhexaadiyeen xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka iyo iyagoo tixgalinaya Go’aankii Guurtida inay joojiyaan Mooshinkii ay wadeen

Fadhigii Golaha ee Maanta oo uu Gudoominayay C/raxmaan Cirro ayuu Golaha ka hor akhriyey qoraal u dhignaa sidan:-

Markaan tixgelinay go,aank Golaha Guurtida ee Jimcihii ( 25.9.2009) ee ay ku aqbaleen heshiiska caalamka ee Lixda qodob ka kooban dalkana ka badbaadiyey inuu galo mugdi iyo xasilooni daro

Markuu tixgeliyey dadaalka gudaha ee ay wadeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ee ay ka mid ahaayeen Ganacasatada, salaadiinta, Culimada, aqooyahanada iyo saxaafaddu oo ahaa in laga gaadho heshiis khilaafaadka siyaasadeed

Markaan aragnay aqbalaadda Xukuumadda iyo axsaabta qaranka ee heshiiska beesha caalamka

Markaan aragnay inaan heshiiskaas weli la saxeexin, saxeexiisana ka soo qayb geli doonto beesha caalamku una baahan yahay in la siiyo waqti

Markaan garawsanay in dalku u baahn yahay in la qabto doorasho xor oo xalaal ah lana siiyo furad ay ku qabsoonto

Markaan tixgelinay codsiga beesha caalamka ee ah in fursad la siiyo wadahadalka iyo heshiiska iyo qaban qaabada doorashada madaxtooyada

Markaan aragnay dareenka shacbiga Somaliland ee aan wakiilka ka nahay ee farxadda leh ee ka dhashay go,aankii Golaha Guurtida

Markaan aragnay in aan nahay Gole keliya, xil keliya leenahay, xeer keliya leenahay , magac keliya leenahay, una baahanahay in Golaha loo sameeyo turxaan bixin, is lab xaadhasho, iyo isu soo dhaweyn taasina u baahan tahay waqti ku filan

Markaan aragnay in loo baahan yahay in waqti ay ku tashadaan la siiyo xildhibaanada watay labada mooshin

Markaan tixgelinay danta qaranka , dareenka shacbiga iyo xaaladda cusub ee dalku galay

Markaan tixgelinay in Goluhu galay kalfdahi caadi ah iyo laba kalfadhi oo aan caadi ahayn oo xidhiidhsan yeeshay.

Waxaan Golaha sharafta leh u soo jeedinayaa in Goluhu galo laba (2) bilood fasax ah. Lana joojiyo sii wadista dooda laba mooshin.

Mudanayaasha waxay heegan u noqon doonaan in la isugu yeedho mar kasta oo hawl qaran looga baahd

Sidoo kale waxay u codeeyeen in la laalo mooshinkii ay xildhibana muxaafidku keeneen waxay kale oo ay u codayeen inay laba bilood oo fasax galaan iyagoo bari toona mudanayashaa iyo shaqalaaha Goluhu duco ku yeelan doonaan Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa

No comments:

Post a Comment