Friday 25 September 2009

MAANSO LA YIDHA HESHIIS ABAWAAN AXMED FARTAAG

MAANSO LA YIDHA HESHIIS ABAWAAN AXMED FARTAAG

Maanso la yidhaa heshiis
FARTAAG
By: Axmed cabdilaahi maxmud
Abwaan Axmedfartaag doha qadar

Hal abuurka erayada
Hawraarta maansadu
Habeen faraxle weeyo
Hambalyey sidaa garo
Heshiis loo dhanyahaybaa
Haa lagu go aan sadey

Halka ugu saray siyo
Hubi guurtibaa tidhi
heshiiskana horseedoo
Hambalyaan udirayaa
Hab u socodka somaliland
waa Haybad iyo sharaf

Hayin heeryo qaadoo
Haamaa la saariyo
Hogaankeenu wacanaa
Hadalkiyo codayntii
Hanaankiisii fiicnaa
Hanqalkaan la sarkacay
Halkii aan usoconiyo
Hinkeenii toosnaa
Haduun baynu haynaa
Hoygeenu waa nabad
Hiyigeenu waa nolol
Heshiiskeenu waa khayr

Hawsha wada jirkeeniyo
Hilbo aan is huriniyo
Hido aabo wada dhalay
Isu hiili yaan nahay
Maandeeq hareeraa
Halyeyaa ka joogee
Hoodiyo ayaan roon
Hubka lagu difaaciyo
hoobiyaanu sidaanaa
Hanyar iyo hanfade tage
Habar ina dugaag iyo
Hadii maxay cuni

haweenkiyo rageenuna
Hays kaa shadeenoo
Danta haw hiloobeen
Hobalada dalkeenuna
Heesaa ha qaadeen
Hoobaan da, ay siyo
Haradeenu waa buux
Hadhuub xoorle caanaa
Hashu way ir maantahay
Hororkana hala jiro

No comments:

Post a Comment