Sunday 27 September 2009

MAASNO LA YIDHAA GURRI BA’AY WAXAY DABA SOCOTAA MAANSADII GALIILIYO EE KA HADLAYSAY TAHRIIBKA

MAASNO LA YIDHAA GURRI BA’AY WAXAY DABA SOCOTAA MAANSADII GALIILIYO EE KA HADLAYSAY TAHRIIBKA

Maansadan magaceedu waa GURRI BA’AY waxay daba socotaa u jeedadana ka mideysanyihiin maansadii GALIILYO ee abwaan xasan daahir ee ka hadlaysay TAHRIIBKA, waana guubaabo iftiiminaysa hadimada tahriibka

C/LAAHI XASAN GANEY
cabdilaaahi

galiilyo xogtay tixaabdey
warkuu gabaygaagu sheegay
wuxuu igu giijay cayntii
wuxuu gil gishuu dhaqaajay
gafuur mudac oo i haystay
xaquu garabkiisa joogay
runtuu gogasheeda doonay
dadbuu gujinaayey dhoohan
xilbuu gudanaayey buuran

allaylehe waxaad guntaysay

dardaaran guntiisu dheertey

geeraarada dhiiga saaqey

guurawgiyo maanso diiran

intii umad lagu gardaadsho

gabyaaga intii u taalay

dhankaagii waad gufaasay

shantaa mahad aan gaboobin

astaan caanoon sal guurin

galaas dahaboon ku siiyey

garaadada aan ku saaray

adoo gayya oo muteystay

araarta miyaan ku giijey

arbaw sheekada gunteeda

intaan sii gacan togaasho

gunaad nabar oo daloola

wareen gaarooy damqaaya

hadaan geestayda sheegto

abeesaw gaabnidayda

ragaadkiyo golongol kayga

dhafoorka gotee daloola

siduu dadku gabi u haysto

umaan dhalan gacalkayowe

waxaa i godee i dhuubay
waxaa gabilkayga doortshey
baroortiyo waa go’ayda

gumayntiyo waa yasniinka

guhaadiyo waa xasuuqa

cabdow gurigeena taala

arbaw geeridu xaq weeyi

waxseen ka garaabi waayey

naftiisa qofkii galaaftey

kuwii barqo naga gadiitey
ayaa galabtii la sheegay
malyuun hanad oo garaadle
malyuun gabadhoo hanaanle
malyuun geesoo barbaara
malyuun gadh madoobayaala
malyuun guudkiyo bidaarta

gadhkiyo timihii cadaaday
ayaa go’ay oo la waayey
intuu hirku iga galaaftey
intii doomihii gadoomay
badaha guudkooda sadhay
intii gacal naga xijaabtey
intee galbatee dhamaatey
xusuustiyo gocashadeeda
markaa sii dayasaho goobo
anoo gadhle waan ilmeeyey
galiilyo ninkii sameeyiyo
garaad xasanow dhagayso
inaad bada ceeb u gayso
habaar guud keeda saarto
dadkii gacamada ku leeday
haday geeridu ku qoontay
haduu gacalkeen dhamaaday
tiiyuu guriigiisu buuxo
gasiin iyo subag ka waayin
markuu gardarada tahriibay
badaa waynee giglaysa
waxaa mawjado gurguurta
markuu go’ku soo badaashay
giraanta ku soo dhufleeyey
ninkaa geerida casuuntay
inaad gafka wabi dul saarto
gadaafiyo ceeb bad siiso
midhkaa garan waayey saaxiib

anoon hadalkay gobaadsan
sarbeeb iyo gabay ku sheegin
hadaan maansada godkeeda
xaqiiqada raad ku goobo
dhulkeenii muu gabnooobin
galaydiyo beerti soortu
gashaantimo dalagi weeyi
u baahan xoog gayaana
gayoo fasha oo ilaasha
ogow geeliyo horweyntii
iyo geesley lo;deenii
xoolihii dabarkood ma guurin
waxaa gabay kii dhaqaayey
waxaa gudey oo abraarey
ninkii guuluhu u siiyey
waxaa go’ay oo wafaaday
xilkii gubi jirey qof noolba
garaadki ayaa idlaaday
dadkii hunguraa galaaftey

imaankiibaa ka guurey
waxaa laga wada gumaystey
halkay garashudu ku taalay
hankaa lagawada garoocdey
wuxuu noolaba gumoobey
markuu gunimada yaboohshay

haduu iidaanku goosto

hadii geediga asqawga

garaadku ku sii hayaamo

gudoonku haduu xumaado

labaatan gu’oo is raacey

haduu dadku soo dun guuro

waxa gara oo hubaala

inuu dabar kood go;aaye

gartuu xasan daahir qaadey

godkuu ka abaaray dooda

go’aanki anoo ku raacay

gunaanadka maansadayda

arsaaqadu waa wax guuna

adoo dhalan baa la gooyey

wax uu calaf gaar ku siiyey

inuu gawskale qaniino

calaa casha timo ka goob dhe

dhulkuna waa biri ma gaydo

caradu waa haybad gaara

hugaad gashanaysay weeye

bartuu guuluhu ku siiyey

dhirtaa garab kaaga taagan

cirkaa kuu godol irmaana

galoolkaa kuu rabaysan

badaa kugu gaaf wareegsan

nimcaa guudkeeda taala

sidaad u gashuun sugaysa

dadbaa kugu soo gaboobay

gotoo kugu xoogag beelay

gurboodbaa adi ku dhawra

dalbaad gaandhiyo obama

adigu tahay geesigiisa

giraatu waxay wareegto

markay amintaadi gaadhay

hadaad galbatood ka yaacday

talaw guri ba’ay ayaa leh

hadaan gafay yaa ALLAAHU

No comments:

Post a Comment