Saturday 26 September 2009

CEERIGAABO IYO TAARIIKDEENNA W/Q:SAEED IBRAAHIM HUSSEIN

CEERIGAABO IYO TAARIIKDEENNA W/Q:SAEED IBRAAHIM HUSSEIN

CEERIGAABO

Sep 26, 2009
Ceerigaabo iyo Taariikhdeenna


Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxaan salaan qaaliya u tebinayaa Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda oon leeyahay ku waara wanaag iyo horumar.
Ceerigaabo waxay ka mid tahay deegaanka ugu quruxda badan wadankeenna oo Buurta ugu dheer wadankeennu ku taallo,buurahaa joogooda sare waxay sababeen in inta badan ay daruuro dul joogaan oo inta badan roobban tahay,waxa aad ugu badan dhulka cagaarka ah ee doogga iyo caleemuhu qariyeen,waxa deegaankaasi leeyahay biyo ka soo shubmaya meelo joogsare ah(water fall,Shalaalaad),iyo biyo durdurro ah oo qulqulayo oo soconayaa ilaa kiloomitiro kala fog.

Ceerigaabo waa deegaanka ugu qabow dalkeenna waxana carradeeda oo aad u wanaagsan sababtay in laga helo dhir aan ka bixi Karin deegaannada kale.

Buurta Soomaaliya ugu dheer ee Surad ayay hoosteeda magaaladu dhacdaa ooy ku taallaa,Buurta surad qayb ka mid ah ayaa la yidhaahdaa Daalo,haddaad daalo u baxdo waxaad la kulmaysaa cajaa’ib fara badan,dalxiis iyo daawasho ayaad cajaa’ibta iyo Aayadaha Illaahay ula noolaanaysa muddada aad ku sugan tahay,Waxa jirta haddii maro aad ka tuurto buurta daalo oo hoos u tuurto iyadoo hawo hoosta ka soo neefisay ayay maradii kugu soo noqonaysaa ood dib gacantaada ugu qabsanaysaa,Qaybta Daalo ee buurta waxa ugu sii dheer laba figood oo lakala yidhaaho Sheeb iyo Shimbibiris waxana labada dheer Sheeb oo qaadata ugu saraynta koobkeeda.

Markaad buurta ku dul joogto waxaa si fiican kuugu muuqanaya deegaanada ku xeeran ee dhinacyada ka kala xiga,dhinac Magaalada Ceerigaabaa kaaga muuqanaysa,dhinaca kalena Xiis iyo Maydh baa kaaga muuqanaysa,Halka baddii cidhifka kaaga hayso oo haddaad indhaha sii dhaafisona laydhkii Magaalada Cadan ee Yamantu kuu muuqanayo.

Buurta Daalo oo qurux Illaahay subxaana watacaalee ku manaystay waxay kugu abuuray khushuuc iyo feker aad ku fekerto awoodda Illaahay iyo siduu Aduunkan u abuuray,ood Illaahay u mahad celinaysaa ado leh Rabiyow waxad u abuurtay kawnkan xaq umaad abuurin baadil,adigaa koreeya.

Muuqaaladdan sare waxaad ka dareemaysaa bilicda iyo quruxda illaahay ku mannaystay deegaankan oo dhul wada cagaar ah oo biyaha shalaalaadka ah ama durduraya ay si fiican kuugu muuqanayaan,Aragtidaas ood adigoo dhex jooga daawanaysid waxay leeyihiin macne gaara iyo dareen sarreeya oo naftu ku nasanayso.

Haddaba quruxdaa dabiiciga ah ee illaahay subxaana watacaalaa’e siiyey deegaankan waxa u dheer qisooyin iyo taariikho oo ah in bulshada Soomaalyeed Cimrigeeda iyo Taariikhdeedu u noqonayaan deegaankan Ceerigaabo.

Ceerigaabo waxay leeday xuuduudka badda cas eey la wadaagto Dalka Yamanta,haddii aad buurta Daalo ku taagan tahay waxa si fiican kuugu muuqanaya Laydhka Magaalada Cadan ee Dalka Yaman.

Haddaba Taariikhdeenna iyo jiritaankeenna ama degista Carriga Soomaaliya wuxu ka bilaabmay Deegaanka Ceerigaabo ooy Awoowayaashii dadka Soomaaliyeed dhalay yimaadeen iyagoo ka soo gudbey xeeb badeedda badda cas oo ka yimi dalka Yaman,waxana taa kuu caddaynaya intooda badan ama dhamaanba waxay ku wada aasan yihiin Odayaashii ama Awoowayaashii laga soo tafiirmay deegaanka Ceerigaabo,taasi waxay ka shaki saaraysaa cilmi baadhe kasta ama dadka taariikhda daneeya in dadka soomaalidu iyagoo Islaama soo degeen dhulkan ooy ka yimaadeen wadanada carbeed waqti lagu qiyaaso inuu yahay Qarnigii 2aad ee Hijrada ama Qarnigii 6aad ee Miilaadiga(BC).

Waxaynu taariikhda ku wada haynaa in Hijradii ugu horeysey Muslimiintu ku yimaadeen dhulka Xabashida markaas oo boqorkii waqtigaa Xabashida haystey Najaashi uu halkaa ku islaamay sidoo kale dad badan oo wadankaa degganaa iyo deegaannadii la jaarka ahaa ooy ka mid mandiqada ama deegaanka hadda Soomaalidu degto oo waqtigaa Oromo deganaan jirtey,Oromadaas inteedii badnay Islaamkay qaadatay,ka dib markay yimaadeen dhulkaa Oromadu degganayd niman culimo ah oo carbeed oo diinta fidinteeda u soconayey ayaa intay ka soo gudbeen Yamanta yimid Xeebaha Xiis iyo Maydh oo xuduud badeed la leh Yamanta,dabadeed deegaanka Ceerigaabo oo Xiis iyo Maydh duleedkeeda ah ayay yimaadeen,halkaas ayay Oromadii Muslinka ahayd ee deegaankaa degganayd ka guursadeen,oo illaahay caruur iyo durriyad badan ka siiyey,waxa dhul riix lagu sameeyey Oromadii,waxa ilaa iyo iminka magaalooyinka qaar ay sii leeyihiin magacyadii Oromada oo qaar deegaanka Ceerigaabo ku yaallaan waxa kale oo la ogaaday in waqtiyadaa hore eenay aad u sii durkin aynu taariikhaha qaar wadaagney oo cilaaqadeennu xoogganayd ooy ku tusaysayso in cadaw keliya aynu wada lahayn oo ahaa Gaaladii xabashida,waxa tusaale kuu ah in Hogaamiye dagaal yahan ah oo Soomaalidu ku dhaadato taariikhdana ugu jiro sidoo kale Oromadu ku dhaadato taariikhdana uu ugu jiro oo magaca iysifadaynu siinnoba siiyaan taasoo caddaynaysa inaynaan waqtigaa aad u kala soocnayn waa Axmed Gurey ooy sideenna u yaqaannaan Axmed Gurey oo sheegayaan inuu gaalada xabashida la dagaalami jirey oo geesi ahaa.

Afka Soomaaligu wuxu ka kooban yahay ama ugu badan Afcarabi iyo Af Oromo,Afcarabiga oo Afkii Aabbaha ahaa ha badnaadee oo dadka qaar baa ku qiyaasa 50% in Afsoomaaligu carabi yahay,qaarna waaba ka badiyaa,Afaf kale way jiraan oo Afsoomaaliga laga helayaa laakiin sababo kale ayay arrintaasi ku timi sida Ingiriiska oo Afkiisu waqtigii uu ina isticmaarsanayey ayuu ina soo geliyey kelmedo aad loo adeegsado waxana askartiisu u badnayd Hindi oo isagu isticmaarsan jirey waqtigaa markaa Ingiriisigii sidii Askartii Hindida ahayd ugu dhawaaqayeen baan ugu dhawaaqnaa oo t-da waxaynu sida hindida u bedelnaa dh,sida light,shirt,plate,hotel…..iwm,oon nidhaahnaa laaydh,shaadh,bilaaydh,hudheel,Afafka kale ee Hiniga iyo Talyaaniga iyo Farannsiisku sidaas uma badna.

Taariikhdeenna iyo Cimrigeennu kamay horreeyn Islaamka waxaynu nahay bulsho cusub oo diinta Islaamka mooyee diin kale aan arag oo Illaahay subxaana watacaala’e ayaa inoo gargaaray oo sharaf iyo cisi aynu ku faanno ina siiyey,marka Ummadda Soomaaliya aad maqasho waxa maskaxdaada ku soo degdegaya Islaam,waayo waa dad wada Islaam ah oo illaahay sharfay oo kala cimri dhigay Islaamka.

Ceerigaabo Taariikhdeennii waa dhulkii Awoowayaasha

Taariikhda dheeree wiligeed dhignaydee

Dhaxalreebka aydee aan marna dhamaaneyn

Inta aan la dhimanee uu dhaqanyay aadmigu

Dhulkan quruxdu ay dhamays tahay

Dhammi ama inta u dhow

Duqaydii i dhalay baa

Qabrigood ka dhisanyoo

Ku dhaqdoo ku noolaa

Ku dhistoo ku dhaadnaa

Ku dhintoo ku aasnaa

Dhulku hodonka uu yahay

Taariikh baa u dheer adag.

Waxa lagama maarmaan ah in Ummaddi Taariikhdeeda laabta ku haysato oo aanay ka baylihin,waa waxa ay ku xaqiijin karto sooyaalkeeda iyo jiritaankeeda,ma hilmaami karno qiimeheenna iyo waxyaalaha Eebbe gallad inoo siiyey oo innagu manaystay,bal eeg oo u fiirso qof Soomaaliyeed haddii lagu yidhaahdo Gaal sidu isu beddelo oo u doorsoomo tin iyo cidhib,han weynida iyo dhiiranida iyo kalsoonida qofka Soomaaliyeed waxay ka imanaysaa Taariikhdiisa asalka ah een soo marin gaalnimo iyo madmadaw midna,Ummad sida Bulshada Doomaalida Islaanimo saafiya lagu ogyahay la heli maayo,waxan nahay Ummad Islaamka la da’ ah oo wada Islaam ah inaan isku xukunno oo ku dhaqanno Islaamkanna waa waajib waana wax noo fudud waayo cid ann xeerinayno oo leennahay waa dad laga fara badan yahay oo diin kale haystaa ma jiraan sida wadannada qaarkood haysata,dhaqankeennu ma khilaafsana diinta marka sida xeerarka iyo qanuunka looga shiidaal qaadan lahaa shareecada Islaamka ayuun baa la rabaa waynu ku dhaqannaaye ku dhawaaqeedoon baan rabnaa.

Taariikhdeennu waa taa dahabka ah ee qaaliga ah een cidina innala wadaagin innaguna quujaynayn waa hibo illaah oo cidduu doonuu siiyaa subxaana watacaalaa.Alxamdu lillaah illaah baa mahadleh.

Saeed Ibraahin Hussein

As/w/w

No comments:

Post a Comment