Friday 18 September 2009

Amuuraha Islaamka iyo Is-miidaaminta By Abdirahman Aynte

Amuuraha Islaamka iyo Is-miidaaminta By Abdirahman Aynte

Falalka is-miidaamintu waa kuwa aan raad fog ku laheyn taariikhda diinta Islaamka, gaar ahaan dagaalladii faraha badnaa ee ay Muslimiintu la galeen cadowgoodii.
Qarax_ismiidaamin_5
Ismiidamintu waxay kaloo ugub ku tahay diimaha kale. Qarnigii 17-aad ayaa markii ugu horreysay la arkay gumeystayaashii dalka Holland, oo dagaal ugu jiray inay qabsadaan jaziiradda Taiwan, oo isticmaalay falal is-qarxin u dhow.

Intaa kaddib, waxaa si xowli ah usoo nooleeyey ciidanka dalka Japan, xilligii lagu jiray dagaalkii labaad ee dunida. Waxay isticmaali jireen xeelad la dhihi jiray Kamikazi, taas oo wadayaasha dayuuradaha Japan ay isku qarxin jireen kuwa cadowgooda, gaar ahaan Mareykanka.

*Is-qarxinta iyo 80-tameeyadii*

Laakiin falalka Is-qarxinta iyo is-miidaamintu waxay cirka isku shareereen 10-kii sano ee lasoo dhaafay. Sanadihii 80-tameeyadii, waxaa diiwaanka caalamiga ah ku jirta in shan fal ismiidaamineed ay ka dhaceen caalamka oo dhan.

Sanadkii 2000 wixii ka dambeeyeyna, boqollaal fal is-miidaamin ayaa caalamka ka dhacay, gaar ahaan dalalka Muslimiinta. Inkastoo dalal aan Muslimiin aheyn, sida Sri Lanka ay ka dhaceen falal is-miidaamin ah, haddana in ka badan 98% falalka noocaas ah waxay ka dhaceen dalalka Islaamka, waxayna sida badan gallaaftaan dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

*Daliil ma loo hayaa?*

Kooxaha maleega shiqoollada is-miidaaminta, waxay ku doodaan inay u hayaan daliil barax-tiran. Ha yeeshee sheegashadaas waa laga daba yimid.

Sh. C/raxman Shariif, wuxuu imam ka yahay masjid ku yaalla dalkan Mareykanka, wuxuuna kamid yahay culimada Soomaaliyeed ee ugu aqoonta badan dalkan Mareykanka. Wuxuu leeyahay is-miidaamintu raad iyo baar toona kuma lahan diinta Islaamka.

*Qiil miyaa jira?*

Waxaa jira culimo aad looga badan yahay, oo banneeyey is-miidaaminta, balse waxay ku gaar yeeleen dhulka Falastiiniyiinta. Waxaa culimadaas kamid ah Dr. Yusuf Al-Qaradaawi. Wuxuu ku dooday in maadaama aysan Falastiiniyiintu heysan dayuuradaha iyo hubka casriga ah ee ay Israel tahay, inay u bannaan tahay inay naftooda huraan, isagoo sheegay in shacabka Israel uu dhammaantiis yahay mid millatari ah.

Sh. C/raxman Sharif wuxuu leeyahay, culimadii qiilkaas raadiyey xitaa waa ay ka shallaayeen.

*Is-qarxinta iyo Al-Qaacida*

Khubarada Reer Galbeedka, ee sida qotada dheer u tixraacay asalka ay is-miidaamintu ku leedahay diinta Islaamka, waxaa kamid ah: Gilles Kepel, oo dhawaan buug ka qoray Is-miidaaminta iyo Jihad-ka, macallinna ka ah jaamacadda London School of Economics.

Wuxuu yiri: “Marka laga hadlayo Al-Qaacida, sheekadii aheyd in Jihaadka lagu tiigsado shahiidnimo, sheekadaas oo ay Ayman Al-athawahiri iyo Osama Bin Laden iyo waliba Al-Qaacida soo bandhigeen, way fashilantay. Waxay raggaasi ku fashilmeen inay jamaahiirta Muslimiinta ku qanciyaan is-miidaaminta, maxaa yeelay raad kuma lahan diinta Islaamka.”

Iskaba daa inuu qof Muslim ah naftiisa si bareer ah u gooyee, Sh. C/raxman Shariif wuxuu leeyahay diinta Islaamku waxay qiimo weyn u yeeshay, xooggana saartay badbaadinta iyo baxnaaninta nolosha.

Culimada Islaamku waxay qabaan in dulmiga iyo xaq-darrada ay kamid tahay in la buunbuuniyo, oo sharaf loo yeelo falka is-dilka, iyadoo lagu sifeynayo “shahiidnimo,” iyo wixii lamid ah.

Sida diinta Islaamku-ba qabto, culimadu waxay ku doodayaan in is-miidaaminta loogu yeero is-dilid, xukunkeeduna uu yahay xukunka qofka naftiisa gooya.

By Abdirahman Aynte
Washington
Voa

No comments:

Post a Comment