Wednesday 23 September 2009

FADHIGII DOODA MUDDO KORDHINTA GUURTIDA OO FURMAY IYO MAREEGAHA INTERNETKA OO LOO DIIDAY

FADHIGII DOODA MUDDO KORDHINTA GUURTIDA OO FURMAY IYO MAREEGAHA INTERNETKA OO LOO DIIDAY

Wednesday, 23 September 2009
FADHIGII DOODA MUDDO KORDHINTA GUURTIDA OO FURMAY IYO MAREEGAHA INTERNETKA OO LOO DIIDAY

Fadhiga Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland ayaa saaka furmay , Fadhigana saaka ayaa guda galaya lagagana doodayaa mudo kordhinta M/weyne JSL Md Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Md Axmed Yusuf Yaasiin.

Fadhiga Golaha Guurtida ayaa amaankiisa aad loo adkeeyey sidoo kalena waxa loo diiday in ay galaan Dhamaan Wariyayaasha Ka socda Mareegaha InterNet ka iyo Idaacada Voa laanteeda afka Somaliga , halka looga ogolaaday in ay ka qayb galaan fadhiga Guurtida warbixina ka soo qoraan Wariyaaysha Wargaysyada, Fogaan Arag( TV ) iyo idaacadaha Sida Radio Hargeysa iyo BBC da..

Fadhigan Saaka u Furmay Xildhibaanada Guurtida ayaa ah mid xaasaasi ah oo Dadweynuhu ka dhursugayaan Waxa ay isugu biyo shubato dooda mudanayaasha ee muddo Kordhintu.


Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco ToggaHerer

No comments:

Post a Comment