Saturday 26 September 2009

SHEEKH SHIRIF OO KHUDBADII DHEER KA JEEDIYEY GOLAHA AMAANKA IYO RAJOELINA HA MADAGASKAR OO LAGA HOR ISTAAGAY KHUDBADII.

SHEEKH SHIRIF OO KHUDBADII DHEER KA JEEDIYEY GOLAHA AMAANKA IYO RAJOELINA HA MADAGASKAR OO LAGA HOR ISTAAGAY KHUDBADII.

un

Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii shalay ka jeediyey Golaha loo dhan yahay khudbad 20 daqiiqo ah. Madaxweynaha ayaa ku bilaabey khudbadiisa mahad uu u celinaayo dhamaan intii ka qaybqaadatay in nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya, waxaana uu tacsi u direy dhamaan dadkii waxyeeladu ka soo gaartey, isla markaasna ku waayey dadkii ay jeclaayeen ilaalinta nabadda Soomaaliya, waxaana uu mahad gaar ah u jeediyey Midowga Afrika, kuwaas ayuu yiri kaga qaybqaatay wiilashooda in ay u soo diraan sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley waxyaabihii ay qabatay Dawladda uu madaxweynaha uu ka yahay tan iyo markii lagu soo doortey Jabuuti, taas oo ay hortaagnaayeen dhibaatooyin xoog leh, oo ka soo bilaabanaysey 18 sano ee la soo dhaafey.

Dawladda aan madaxweynaha ka ahay waxa ay awooda saartey wax walbana ka hormarisey sidii dalka nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa, iyo sidii loo adkeyn lahaa dedaalada wadahadalka iyo dib u heshiisiinta, iyo sidii gargaarka bini’aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka u baahan ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aad uga xun yihiin canaasirta gadoodsan kuwaas oo dooneysa in ay afgenbido dawladda, ka hor inta aysan qaadin talaabo ay ku sugeyso amaanka, waxayna ka faa’ideysteen muddooyinkii dalku fawdada ahaa, waxaan ognahay in ay safafkooda soo buuxdhaafiyeen dagaalyahano ajnabi ah, canaasirta ajaanibta ah qaarkood waxa ay hayaan jagooyinka ugu muhimsan, ee xarakooyinka gadoodsan, waxaan rabaa in dhegihiinu ay maqlaan oo ku farxaan in ay socon weydey inqilaabkii ay wadeen kooxahaas gadoodsan ee ku kacsan Dawladda Soomaaliya, waxayna Dawladdu awood u yeelatay in ay iska difaacdo arintan ayaa ku timid Fadliga ilaahay, iyo dedaalka Shacabka Soomaaliyeed iyo Gargaarkii aan ka helnay Beesha Caalamka, iyo Midowga Afrika, waxaan u taaganahay adkeynta iyo hormarinta ciidanka Soomaaliya, iyo samaynta ciidanka Badda ilaaliya, si ay uga hortagaan Burcadbadeeda, taas oo khatar ku haysa danaha caalamka ee gacanka cadmeed iyo badweynta Hiniya, waxaana arintaas ka xaqiijinay door muhim ah laakiin waxa ay u baahan tahay ayaa ka weyn.

Madaxweynaha ayaa mar kale dib ugu noqdey ka hadalka kooxaha ka soo horjeeda waxa uu sheegay in kooxda ku kacsan Dawladda oo uu ugu yeeray Mutamaridiin ama kuwo gadoodsan qaabka ay u dhaqmayaan uu yahay mid ku cusub caalamka, Madaxweynaha ayaa sheegay in ay hogaaminayaan niman xagjir ah oo ajaanib ah, waxayna lidi ku yihiin Islaamka, nabadgeliayada iyo xasiloonida, waxayna faafinayaan burburka iyo baaba’a shacabka Soomaaliyeed, waxyna ku dhuumanayaan amnixumadda ka jirta iyo dacfiga haysta quwadii Soomaaliyeed, laga soo bilaabo sanadkii 1991.

Madaxweynaha ayaa sheegay waxa ka socda Soomaaliya ma ahan arin indhaha laga qabsan karo ama la fududeysan karo, waxaana la gudboon beesha caalamku in ay ka qaataan go’aan adag oo deg deg ah kaas oo maskax ku dhisan, si aan shacabkayagu u noqon kuwo u xiran una qafaalan kooxahaas xagjirka ah, kuwaas oo dabraaya xoroyada shacabkayaga iyo aayahooda, waxa aan caalamka u sheegaynaa oo aan masraxan aan taaganahay uga sheegayaa haddii aan sidey tahay wax looga qaban, khatarta ka socota Soomaaliya, waxa ay ku danbeyn doontaa mid laga shalaayo, dhibtuna waxa ay wada saameyn doontaa dhamaan dawladaha deriska, kadibna caalamka oo dhan.

Madaxweynaha ayaa weli sii watay hadalkiisi ku aadanaa Araggixisada waxaana uu yiri dhibta iyo mushkilada argagixisadu waa mid caalami ah, maahan mid ku kooban Soomaaliya, waxaana waajib ah in loola dhaqma si caalami ah.

Burcad Badeeda

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley Burcad badeeda, taas oo uu ku sheegay dhibaatooyinka waaweyn ee maanta caalamka ka taagan, burcadbadeedu waxa ay ku xiran tahay fawdada iyo amni darida ka taagan dalka Soomaaliya, taas oo macnaheedu yahay haddii xaalka Soomaaliya sida uu yahay sii ahaado burcadbadeeduna waa sii jireysaa, inkasta oo hawgalada burcadbadeedu uu xoogaa yar hoos u dhacay taasna ay ku mahadsan yihiin dedaalka beesha caalamku bixisey, laakiin marna kama aanan suulin in aan u baahanahay dedaal intaas ka sii badan oo caalami ah oo ku saabsan ka hortaga Burcadbadeeda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley dhibta beesha caalamku ku hayso badaha Soomaaliya waxa uu yiri sunta wershadaha iyo haraaga nukliyeerka ee lagu duugo badaha Soomaaliya, kaluumeysiga sharci darada ah iyo dhaca lagu hayo kheyraadka Soomaaliya, waxa ay tahay mid siyaadineysa dhibta ka taagan Soomaaliya waxa ayna sababaysaa cuduro aan horey loo arag iyo isbedel ku dhaca deegaanka.

Dib u hshiisiinta

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay sii wadayaan barnaamijki ay bilaabeen ee wadahadalka iyo nabadaynta, kaas oo khuseeya dhamaan kooxaha Soomaalida, kuwaas oo ay ku jiraan kooxaha hubeysan ee gadoodsan, waxaana awood u leenahay in aan la fariisano miiska wada hadalka dhamaan kooxaha qoonsadey dawladda ee ku kacsan, goob kasta iyo waqti kasta, taasna waxaan u samayneynaa baahida uu nabadgelyo u qabo dhulkayagu. Waxaana dedaalkayaga oo dhan ku bixineynaa sidii dawladda iyo maamul loo dhan yahay ay Soomaaliya uga hana qaadi lahayd, si aan u ilaalino Sharafteena, Nabadgelyada shacabkeena iyo Mideynta wadankeena, inkasta oo kooxaha xagjirka ah aysan rumeysenyn wadahadal, iyo niqaash ee waxa keliya ee ay aaminsan yihiin uu yahay qori caaradiis.

Madaxweynaha ayaa ka hadley sidoo kale nidaamka Dimoqraadiga ah ee ay dhidibada u taageen waxaana uu yiri: Waxaan salka u dhigney isla markaasna u taagney dhidibo adag oo aan dhicin nidaam DIMOQRAADI ah oo furan, kaas oo aan ka soo qaadanay dadkii sameeyay Dimoqraadiyada xooga badan, si loo ilaaliyo xuquuqda insaanka, isla markaasna sharciga loo baahiyo, sidaas si la mid ah waxaan adkeyneynaa nidaamka Islaamiga ah ee ku dhisan cafiska, iyo xoriyada shakhsiayeed iyo sinaanata iyada oo loo egeyn qof ama qaraabo.

Baahida Dhaqaale

Madaxweynaha aya sidoo kale ka hadley baahida dhaqaale ee haysta dawladda Soomaaliya: hawlaha aan hayno iyo dedaalada aan hayno waxa ay u baahan yihiin kaalmo dhaqaale haddaan beesha caalamku nala soo gaarin gargaar deg deg ah oo wax looga qabanaayo amniga iyo arimaha bini’aadanimo, waa adagtahay in aan wax ka qabao, sida aad ogtihiin nabad aan ku raaxaysano waxaa noogu danbeysey sanadkii 1991-dii. Waa arin adag in dhaqaale la sameeyo, ama laga shaqeeyo xuquuqda insaanka haddii aan wadanku amaan ahayn.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyey qodobo dhawr ah haddii la doonayo in amniga wax laga qabto:

1. Adkeynta hay’adaha amniga ee Soomaaliya, sida Booliska Maxkmadaha iyo Maamulka
2. Adkeynta Ciidanka AMISOM iyo in lagu soo siyaadiyo ciimado kale oo badan si uu u dhamaystirmo cadadka la dalbay,
3. In la soo dhamaystiro dhamaan dhaqaalihii ay u baahnaayeen iyo tababaradii.

Qodobadan ayaa madaxweynuhu dalbaday in si deg deg ah loo fuliyo, waxaana uu raaciyey in ay jiraan dad maalaayiin gaaraya oo u baahan gargaar deg deg ah kuwaas oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya waxaana uu cadadkooda ku sheegay 3.6 malyan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalbaday in la fuliyo lana dedejiyo balanqaadyadii loo sameeyay dawladda Soomaaliya shirkii Bruseless ka dhacay bishii April

Cuno qabatynta Hubka

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley qaraarkii Golaha Amnigu ku soo rogay Soomaaliya ee hubka laga xanigay Soomaaliya, waxaana uu codsadey Madaxweynuhu in qaraarkaas dib loo eego oo laga qaado cuno qabataynta si aan u dhsiano ayuu yiri awooddii ciidan ee aan lahayn.

Waa markii u horeysey ee Shiikh Shariif ka qaybgalo Shirka Golaha loo dhan yahay ee sanadkiiba mar la qabto, waxaana madaxweyne loo doortey 31.01.2009, waxaana dawladiisa ku furan dagaalo xoog badan, wadankana waxa uu ka taliyaa goobo yar oo cayiman.

——————————————————-

Hogaamiyaha Dalka Madagaskar oo Laga Hor Istaagey in uu Ka Hadlo Golaha Loo Dhan Yahay

Hogaamiyaha dalka Madagaskar Andry Rajoelina ayaa ku qornaa in uu khudbad ka jeediyo maalintii shalay 25.09.2009 shirkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, waxaana loo diidey in uu halkaas ka hadlo kadib markii ay dacwad ka dhan ah ka gudbiyeen wadamada ku yaala Koonfurta Afrika.

Andry Rajoelina ayaa inqilaab aan dhiig ku daadan kula wareegay xilka madaxweynaha bishii Maarso ee sanadkan, waxaana uu meesha ka saaray Madaxweynihii dadku soo doorteen ee Marc Ravalomanana. Andry Rajoelina ayaa filaayey in uu ka faa’ideysto fursdaas khudbadna ka soo jeediyo UN-ka.

inkasta oo uusan ahayn madaxweyne la aqoonsan yahay.

Wadamada Midowga Afrika ayaa ka xayuubiyey xubinimaddii Madagaskar waxaana ay ugu baaqeen in la soo celiyo madaxweynihii dadku soo doorteen.

Hogaamiyaha Madagaskar Andry Rajoelina oo ah nin da’yar oo dhashay sanadkii 1974 ayey ku tahay weji gabax arintaani kadib markii uu New York isaga soo laabtey isaga oo aan wax khudbad ah jeedin.

No comments:

Post a Comment