Friday 18 September 2009

DAGAAL SAAKA KA QARXAY DEEGANKA SEEMAAL EE CEEL BARDAALE

DAGAAL SAAKA KA QARXAY DEEGANKA SEEMAAL EE CEEL BARDAALE

WARDEG DGE AHWararka naga soo gaadhaya Deegaanka Seemaal ee Ceelbardaale ayaa sheegaya inuu dagaal saaka waabarigii ka qarxay, dagaalkan ayaa la sheegaya in uu istaagay barqanimadii maanta.

Wararka ayaa xaqiijinayaa in dagaalku bilaabmay kadib markii Sahanka labada Beelood ay isku dhacayn iyadoo dagaalku markii dambe sii waynayday balse ay soo kala dhex galayn Ciidamada Dowladu.


Wararka laga helayo Dhinaca Gabiley ayaa Xaqiijinaya inay jiraan Seddex Qof oo ka dhaawacmay Maleeshiyada Gabiley, iyadoo aan ilaa hadaaya la hayn Khasaaraha Gaadhay dhinaca kale ee Dilla.

Xiliguu Bilaabmay Dagaalku oo subax hore ahayd darteed baanay suurto galin in la helo Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan siday wax u dhacayn iyo khasaaraha dhabta ah ee dagaalkku geystay

No comments:

Post a Comment