Monday 21 September 2009

BURCO OO SI WAYN LOOGA XUSAY MUNAASABDII CIIDAL FIDRIGA

BURCO OO SI WAYN LOOGA XUSAY MUNAASABDII CIIDAL FIDRIGA

cid
ciid

ciidbueco
Burco: Magaalada Burco ayaa saaka looga ciiday si aad u wanaagsan isla markaasna ay ku dheehnayd farxad iyo raynrayn saayid ah, waxa garoonka weyn ee kubadda cagta ee magaalada Burco isugu soo baxay dad weyne aad u tiro badan, sidoo kale waxa jiray goobo kale oo lagu tukaday saaladda ciidul fidri sida garoonka sayladda,masjid jaamac, iyo garoomo kale oo yar yar.

Jawiga guud ee magaalada Burco ayaa aad u degenaa iyadoo aan gebigeedba saaka laga hadalhayn siyaasaddaha cakiran ee dalka, hadaba waxa saaka aad looga dareemayay magaalada burco farxad iyo damaashaad iyadoo dhalinyrta badankoodu u safrayey magaalooyin kala gedisan sida sheekh.berbera,hargysa iyo welib tuulooyin si ay ugu soo ciidan, waxa maanta istanaada baabuurta laga raaco buux dhaafiyey dhalinyar aad u tiro badan oo dhammaantod doonayay inay ku soo ciidaan meelo kale kadib salaadii ciida.

Garoonka weyn ee kubadda cagta oo aan kala qaybgalay dadkii ku tukanayay saladda ciida aya kelmado waano , talooyin iyo wacdiba ka soo jeediiyey culimo udiin, salaadiin, siyaasiin iyo masuulyiinta Goblka.

waxaana dadkii halkaasi khudbadaha ka jeediyey ka mid ahaa sh.cali warsame o ka mid ah culimo udinka sida weyn looga ixtiraamo gobolka, wuxuu sheeko talo iyowaano u soo jeediyey qolyaha isku haya siyaasadda dalka waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo ku booriyey inay waxa dhexdooda ah wada hadal iyo isu imaansho ku dhammaystaan,waxanu ka hadlay xilliyada ugu fiican ee Zakatul fidriga la bixiyo isago muxaadaro dheer halkaasi ka galay sheekhu, sido kale wuxu sheekhu umadda reer somalilaland ugu baaqay inay kaalmeeyana walaalahooda abaartu saamaysay, wuxuuna u sheegay in mar walba ilaahay la baryo si ilaahay raxamadkiisa inoogu shubo isla markaasna aan uga baxno harraadka iyo abaarta wuxuuna u sheegay in malainta khmiista ah roob doon la isugu soo baxo si alle loo baryo inu ilaahay roob iyo raxamaad deg deg ah ina siiyo.

sido kale waxa kelmado kooban isna halkaas ka jeediyey Badhasabka Gobolka Tog-dher Jamac C/laahi Biin, isagoo ka warramay safar uu dhowaan ku soo maray deegaano badan oo gobolka Togdheer ah, wuxuuna sheegay Badhasaabku in dhulkaas ay tageen abaar ba’an ay ku arkeen isagoo sheegay inay ugu darnayd wixii halkaas ku soo arkeen Biyo la’aan, sidoo kale wuxu isaguna ku baaqay in roob doontaas sheekhu ka dhawaajiyey la isugu soo baxo maalinta khamiista ah.

Ciidan ayaa ahayd ciid aad u damaashad iyo farxad badan iyadoo aan laga arkayn dadka saamayn uu ku yeeshay markabkii ku gubtay badda berbera, iyo weliba xaalada saiyaasadeed ee dalka haatan ka taagan



Mustafe Osman A/rahman
Burco Somaliland
25224411480
mustafe_480@hotmail.com

No comments:

Post a Comment