Tuesday 29 September 2009

QEEXIDA HOGAAMINTA IYO HOGAAMIYAHA ,MIYAA LOO DHASHAA HOGAAMINTA DUMARKU MA NOQON KARAAN HOGAAMIYE

QEEXIDA HOGAAMINTA IYO HOGAAMIYAHA ,MIYAA LOO DHASHAA HOGAAMINTA DUMARKU MA NOQON KARAAN HOGAAMIYE

29/9/2009

HOGAAMIN

Maqaalkan waxaan kaga hadlayaa Qeexida Hogaaminta iyo Hogaamiyaha, Sifooyinka Hogaamiyaha Dhabta ah , Miyaa loo dhashaa hogaamiyanimada.

Hordhac:
Kama maarnato bulsho ama ummadi ama nidaam kasta oo caalamka ka jira inay yeeshaan hogaamin iyo hogaamiye dhab ah oo u dhaq dhaqaaqa maslaxada cida ay hogaaminayso una wada dhinaca khayrka iyo wanaaga kana hor tagta Sharka iyo xumaha.

Qeexida Hogaaminta iyo Hogaamiyaha.
Hogaamintu: waa kartida saameysa ummadd una jiheysa hab-dhaqankooda si loo xaqiijiyo ujeeddo la wadaago, taa macnaheedu waxa weeyaan hogaamintu waa masuuliyad loo qaado ummadd la hogaaminayo si loo gaadhsiiyo ujeedo la wadaago.
Hogaamiye: waa qof ka leh awooda hogaamiyenimo una isticmaala awoodisi si uu u saameeyo habdhaqanka ummadda uu hogaaminayo uguna jiheeyo ujeeddo lawadaago.
Sifooyinka hogaaminta:
1. saameyn: waa kartida in lasameeyo isbadal ama ummadd wax lagu qanciyo.
2. fulin: waa kartida in amar ama diidmo loo jeediyo cida la hogaaminaayo.
3. Awood sharciyeed: waa xaqa uu sharcigu siinayo hogaamiyaha si uu u fuliyo hawlihiisa loona adeeco.
Hogaamintu waxay ka koobantahay:
1. Ummadd la hogaaminaayo.
2. Hogaamiye.
3. Hadaf la wadaago oo la doonayo in la xaqiijiyo.
Fa’iidooyinka Hogaaminta:
Sida aynu soo sheegnay ummaddina kama maarnato hogaamin kala nidaamisa kana dhaqda cadaalad, sidaa darteed ayuu Rasuulku (Calayhi Salaatu Wa Salaam) ina amray in loo magacaabo hogaamiye isku tag kasta oo ummaddeed ilaa kuwa ugu yaryar wuxuuna yidhi Rasuulku (Calayhi Salaatu Wa Salaam) :( haddii saddex u baxaan safar midkood amiir ha kadhigtaan) .

Waxaanu Rasuulku sidaa u yidhi si arinkoodu mid u ahaado oo anay ugu kala duwanaan rayiga isuna khilaafin madaamo oo lawada qaadanayo rayiga hogaamiyaha. Waxa kale oo aynu ka garan karnaa faa’iidada hogaamiyaha odhaahdii Nabiliyoon ee ahayd (Ciidan Bakayleyaal ah oo uu hogaaminayo libaax ayaa ka khayr badan ciidan libaaxyo ah oo uu hogaaminayo Bakayle).
Haddaba mihiimada hogaamintu waxay ku soo ururaysaa:
1. Hogaamintu waxay masuul ka tahay habsami u socodka shaqada nidaamka.
2. Hogaamintu waa isku xidhka shaqaale iyo qorshe uu leeyahay nidaam.
3. Hogaamintu waxay kaantarooshaa mushaakilada shaqada waxaanay uraadisaa xal.
4. Hogaamintu waxay ka hortagtaa khilaafka waxaanay isku soo ururisaa ra’yiga kala duwan.
5. Hogaamintu waxay daryeeshaa oo ay tobabartaa ummadda la hogaaminayo.
6. Hogaamintu waxay tageertaa horumar kaste oo ay gaadhaan ummadda ay hogaamiso.
7. Hogaamintu waxay fududaysaa hawlaha ay u baahanyihiin ummaddu.
8. Hogaamintu waxay ummadda ka caawisaa sidii ay ula qabsan lahaayeen isbadel kasta oo dhaca.

Hogaamin iyo Maamul maxaa u dhexeeya?
1. Hogaamintu waa shay soo jiraan ah oo la soo yaqaanay inta taariikh jirtey, halka maamulka bilaabmey dhamaadkii qarnigii 19 aad iyadoo sidaasi jirto haddana hogaamintu waa qayb ka mid ah maamulka.
2. Maamulku wuxuu awooda saaraa afar arimood oo kala ah: qorshayn, nidaamin jihayn ama iskudubarid, iyo daryeel.
3. Hogaamintu waxay awooda saartaa seddex arrimood oo kala ah: in la xaddido aragtida ama jihada loo soo socdo, in awooda la saaro aragtida, dhiirigalinta ummadda la hogaaminaayo.
4. Hogaamintu waxay awooda saartaa la dhaqanka caadifada halka maamulku awooda ka saaro la dhaqanka caqliga.
5. Hogaamintu waxay awooda saartaa guud ahaan in shaqadu sax noqoto, halka maamulku awooda saaro in shaqadu si faahfaahsan sax u noqoto.
6. Waxaanay wadaagaan labaduba in la xadido hadafka lana sameeyo jawi ku munaasib ah si loo xaqiijiyo hadafka.
Sifooyinka Hogaamiyaha dhabta ah:
1. Hogaamiyihu waa ka dareema ahmiyada xika uu yahayo garowsana inuu karti u leeyahay.
2. Hogaamiyuhu waa ka u daacada shaqadiisa.
3. Hogaamiyuhu waa ka awooda in uu ku waajaho xaladaha adag geesinimo .
4. Hogaamiyuhu waa ka ra’yiga wanaagsan ee u basil inuu dadka la tashado.
5. Hoogamiyuhu waa ka firfircoon ee leh xamasad iyo rabitaan uu shaqada u hayo.
6. Hogaamiyuhu waa ka go’aan qaadashada leh.
7. Hogaamiyuhu waa ka dadka la dhaqmi kara ee cod karka ah.
8. Hogaamiyuhu waa ka ummadda wax u horseedi kara si loogu daydo.
9. Hogaamiyuhu waa ka awooda in uu wax maamulo.
10. Hogaamihihu waa ka leh taageerayaal uu dhiiri galiyo.
Astaamaha Hogaamiyaha:
Hogaamiyuhu wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah astaamahaas waxa kamid ah:
1. Qaab dhismeedka jidhka sida caafimaadka, dhararka iyo baladhka, sidii Daaluut lakiin maaha muhiim in uu hogaamiyuhu ahaado Nin dheer oo balaadhan sababtoo ah Xujaaj Ibnu Yusuf wuxu ahaa Nin jimidh yar.
2. Garashada sida caqliga iyo cilmiga.
3. Astaamo bulsheed sida la dhaqanka dadka.
4. Hab dhaqankiisa sida samirka iyo go’aankiisa.
Yaa noqon kara Hogaamiye? Hogaaminimada maa loo dhashaa ?
Dr Daariq Al -Suwaydaan isaga oo sharxaya cida hogaamiye noqon karta wuxu yidhi(ma jiro qof ku nool arladan ilaa iyo wuxuu noqon karaa hogaamiye).
Waxa kale oo xaqiiqo ah in dadka qaar u dhashaan hogaamiyo nimada iyagoon loo tababarin, dadkaa waxaa lagu qiyaasay in ay 2% ka noqonayaan dadka Arladan ku nool halka 2% kale oo dadka kamid ah aanay noqon karin hogaamiye si kastoo loo tababaroba halka 96% dadku ay noqon karaan hogaamiye lakiin ay u baahan yiin tobabar iyo aqoon dheraad ah.

Dumarku ma noqon karan Hogaamiye.
Dumarku waxay leeyihiin sifooyin badan oo ay kaga duwan yihiin raga sifooyinkaa qaar waxay dumarka ka dhigayaan qaar kaga fiican raga xaga hoggmiyo nimada sifooyinkaa waxaa ugu mihiimsan
• In anay go’aan kaligood qaadan oo ay dadka la tashadaan sidii Baliqiisiba ugu lahayd qowmkeeda(maan ahayn mid qaadata arin ilaa aad markhaati ka tihiin).
• Dumarka way ka aragti dheer yihiin raga sidu Quraanku sheegayo(makrigoodu waa mid weyn).
Marka dhica kale laga eego dumarku u maanaasib uma ha hogaamiye nimadu sababahan soo socda awgeed.
• Dumarku ma laha go’aan
• Dumarku way niyad jab badan yihiin
• Dumarka waxa ku dawakha cida ay hogaaminayaan
• Dadka rag iyo dumarba ma jecla hogaamiyahoodu in uu dumar noqdo

Qalinkii: Mubaarik Yusuf Muse
mubaarikym@gmail.com
Hargeisa Somaliland

No comments:

Post a Comment