Monday 21 September 2009

Burco: Xaalad Abaareed Ba’an oo ka jirta Deegaano waqooyi ka xiga magaalada Burco.

Burco: Xaalad Abaareed Ba’an oo ka jirta Deegaano waqooyi ka xiga magaalada Burco.

abarabaarBurco: Xaalad Abaareed Ba’an oo ka jirta Deegaano waqooyi ka xiga magaalada Burco.

Burco: xaalad abaareed aad u ba’an aya ka jirta waqooyiga magaalada Burco iyo weliba Tuulooyinka u dhexeeya Burco Illaa Berbera, xaaladan abaareed ee ka jirta dhulkaasi ayaa lagu qiyaasaa xaaladdii abaareed e ugu darnayd sanadahan u danbeeyey ee soo marta dhulkaasi, hadaba waxan shalay oo ahayd maalin ciid ah isku dayay inaan qiimayn ku soo sameeyo xaaladda nololeed iyo xaaladda Guud ee deegaano badan oo woqooyi ka xiga maagalada Burco, waxan taxi ka kaxaystay magaalada Burco abbaaro 10:00kii subaxnimo salaadii ciida iyo xaflad xadhiga lagaga jarayay biriish cusub oo aan ka qaybgalay kadib, waxaana u jihaystay dhankaas iyo magaalada Berbera balse ma gaadhin berbera lafteeda xaaladeeda cimilo oo aad u kulul aawadeed, balse waxaan ka soo noqday tuulooyinka ka sokeeya, intii aan Tuulooyinkaasi sii marayay waaxaan ku arkayay abaaro baahsan oo saameeyey Guud ahaanba deeganadaasi.

Hadaba intii aan socday waddada laamiga ah waxa ii muuqanayay dhul aan wax geedo ah lahayn isla markaasna ah bacaad, gebi ahaanba dhulkan aan arkay iyo deegaankan ayaad moodaysay dhul aan weligoodba wax roob ah arag.
abbaar
qaar ka mid dadka deegaanadaasi oo aan xuuraansaday ama aan hoos u waraystay ayaa ii sheegay inaanay garanayn xilli roob ugu danbaysay isla markaasna ka dayrinayay xaladooda nololeed haddii aanu alle roob iyo raxamaad deg deg ah u keenin, dadkan ayaa qaarkood ii sheegay in aanay wax caawimo ama taakulo dhinaca abaaraha iyo biyo la’aanta ka helin dawladda iy Hay’ado samafal toona iyagoo sheegay ianay biyaha meelo fog fog ka doontaan.

Dhulka aan sawiradan ka soo qaaday ayaa ah tuulooyinka ay ka midka yihiin kalasharka,Galoolay.qoyta,Dubur iyo kuwo ka sii shisheeya.

Hadaba xaaladda abaareed ee dhulkaasi iyo dhulal kale oo faro badan ay ah mid ka sii daraysa iyadoo shalay ciidiina lagaga dhawaaqay garoonkii lagu tukaday salaadda ciida in maalinta khamiista ah la isugu iman doono salaad roob doon ah isla garoonka.iyadoo welibana maalintii ciida khudbadihii u badnaa ee laga jeedinayay fagaarayashii iyo masaajidii lagu tukanayay ay ahayd Abaaraha ku habsaday Gobolo badan oo somaliland ah siiba Gobolada waqooyiga iyo bariga.

Safarkaygan oo ahaa mid aan ugu kuurgalayay xaaladda abaareed ee ka jirta dhulalkaasi iyo sida ay dawladdu uga warqabto ayaa ku soo gabogaboobay xaalad abaareed aad u ba’an oo an ku arkay tuulooyinkaasi iyo deegaanadaas aan bookhday.

Mustafe Osman A/rahman
Burao Somali-land
Mustafe_480@hotmail.com
+2522,4411480

No comments:

Post a Comment