Monday 28 September 2009

DUQAYMO DHIMASHO IYO DHAAWAC GAYSTAY MAGAALDA MUQDISHO.

DUQAYMO DHIMASHO IYO DHAAWAC GAYSTAY MAGAALDA MUQDISHO.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay dad ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeymo isxigay oo galabta ka bilawday magaalada Muqdisho.
dhaawac
Sida wararku sheegayaan dagaalka oo qarxay wax yar ka dib saacadu markay ahayd 4:00 galabnimo, markaasi oo madaafiic duqeymo ah lagu garaacay qeybo kala duwan oo magaalada ka mid ah.
Madaafiicda badankeed waxay ku dhacday qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha halkaasi oo ugu yaraan 8 ruux ay ku dishay tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaafiic kale ayaa ku dhacday qeybo ka mid ah degmada Hodan, sida ay sheegeen goob joogayaal.
Lama oga sababta ka dambeysey madaafiicda oo u muuqatay in la isugu jawaabayey.
Dagaal ayaa madaafiicda ka dib ka qarxay qeybo ka mid ah Hodan iyo agagaarka madaxtooyada halkaasi oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada AMISOM.
Ma jirto cid illaa hadda ka hadashay dagaalka iyo duuqeynta oo timid xilli ay dadka reer Muqdisho u kala caraabayeen guryahooda.
Waxayse ku soo beegantay iyadoo Xarakada Al Shabaab ay maanta xukun dil ah ku fuliyeen labo nin oo ay ku eedeeyey inay basaasiin u ahaayeen dowlada iyo ciidanka AMISOM.

Axmed Kulan joker
Moqdisho

No comments:

Post a Comment