Monday 28 September 2009

ROOB DAAD XOOGAN MARIYEY GUDAHA LASCAANOOD XANIBAYNA ISUSOCODKII

ROOB DAAD XOOGAN MARIYEY GUDAHA LASCAANOOD XANIBAYNA ISUSOCODKII.

Roobab aan kala go’in ilaa saaka & xalayayaa ka da’ayeen magaalada Laascaanood, waxaanay ahaayeen roobab si weyn u daad mariyey gudaha magaalada, waxaanu hakad geliyey isu socodkii magaalada.
Roob lascanod

Roobabkani waxay ku soo beegmeen xilli u gobolka Sool La daala dhacayey abaaro baahsan, oo xaaluf iyo biyo la’aani horseedka ka tahay, xoolaha intii riiqmatay mooyee intii soo hadhayna ay xannuuno la ildaran yihiin, meelaha qaarna waxaa la sheegayaa in xoolahaasi ay roobabkani waxyeelo u geysteen.

Sida aanu ku helayno wararka deegaamada ku dhowdhowna roobabkani way ka da’een, meela fara badana way biyo dhigeen, baraagaha iyo ceelashana waxaa la sheegayaa inay biyahaasi galeen.
Warqabadka togaherer
Laascaanood

No comments:

Post a Comment