Tuesday 22 September 2009

CILMI NAFSIGA AMA CILMIGA NAFTA(PSYCHOLOGY)

CILMI NAFSIGA AMA CILMIGA NAFTA(PSYCHOLOGY)

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
pscgholgy
Waxan salaantaa qaaliga ah u tebinayaa Bahda Togaherer iyo Akhristayaasheeda.

Cilmi Nafsiga ama Nafta Cilmigeeda(psychology)

Cilmi nafsigu waa barashada nafta iyo dabeecadeheeda iyadoo laga eegayo dhinacyo badan waxaa la ogaadaa naftu waxay diidayso iyo waxay doonayso iyo siday jawaab uga bixiso waxa la soo dersa oo jawaab bixintaasi isugu jirta mid dareen ah iyo mid hadal ama fal ay u soo gudbiso,haddaba nafba nafta kale sababaha ay uga gedisan tahay marka loo eego dhaqanka iyo dabeecada u gaarka ah waxaa dib loogu celiyaa oo loo sababeeyaa taariikh nololeedkeedii iyo waxyaalihii ay hore ula soo kulantay oo isugu jira deegaanka ay naftaasii ku noolayd iyo dadka ay la soo dhaqantay sidoo kale aqoon iyo waayo aragnimo nooca ay soo kasbatay ilaa iyo taariikh nololeedkeedii iyadoo naftu ku salaynaysa macluumaadka ku kaydsan maskaxdeeda ayaa nooca jawaab bixinteedu ku aroortaa hadba qarada iyo tayada iyo nooca ay kayd ahaan maskaxdeeda ugu hayso,haddaba waxa qofka la soo dersa oo Ingiriisiga la yidhaahdo effect,Carabigana musiir waxa jawaab celinta la yidhaahdaa react(ion)Carabigana mustajaab,waa waxa qofka ku soo derinaya iyo siduu ula dhaqmayo ama jawaab bixintuu keenayo,sidaynu hore u soo tilmaannay jawaab bixinta qaabkeeda iyo dabeecadeedu waxay ku xidhan yihiin oo dib ugu noqonayaan macluumaadka ku kaydsan qofkaa maskaxdiisa ha ahaadeen kuwo cilmi ah ama kuwo waayo aragnimo oo uu soo kasbaday noloshiisa.

Waxa in badan wax laga yidhaahdaa dabeecadda wanaagsan iyo kasbashada dadka taasoo in badan la tilmaamo faa’iidadeeda iyo waxtarka ay qofka u leedahay,haddaba taasi waxay ku iman kartaa iyadoo aynu ku salaynayno Cilmiga nafta in qofku ama naftu gaadho heer ay u bislaato in ay kaantarooli karto jawaab bixinteeda oo u qaabayn karto sida ugu wanaagsan ee dadku wada doorbidayaan,taasoo uu ku mutaysan karo qofkaasi tixgelin iyo ixtiraam bulshaduu la nool yahay siiso,isweydiintu waa sidee nafta lagu gaadhsiin karaa derejada ay ku samayn karto kaantarool sugan jawaab bixinteeda oo dhan,waa in ay hesho kalsooni nafteeda ah oo ku qanacsanaato awoodeeda dabiiciga ah,oo ay tallaabsato itaalkeeda iyadoo aan marnaba dadaal iyo dhamaystir illaawayn,waana inaan qofku hadduu gaabis naftiisa ka dareemo canaan iyo hiif wax ku xallin ee waa inuu si deggani ah u gorfeeyo sababaha iyo natiijooyinka,isla markaana aanu awoodiisa waxa ka sareeya isku hawlin,oo uu adeegsadaa beddello uu ku samaynayo dariiqyadii hore iyo hababkii hore ee socon waayey,qiyaas fiicanna ka qaato waqtiga iyo arrimaha saamayntooda iyo nooca natiijada uu filayo oo aanu mid keliya ka dhigin ee haddii taa ay noqon weydo waa inay taa noqotaa ama ay sidaa kaleba u dhacdaa….

Haddaba naftu waxay ku gaadhi kartaa kalsooni buuxda ooy jawaab bixinteeda ku kalsoonaan kartaa kuna qanacsanaan kartaa waa haddii ay waxa loogu talo galay ee loo abuuray lagana rabo garato,markaasaay waxay naftu gaadhi kartaa raaxo iyo deganaansho iyo kalsooni buuxda,sida jidhka cuntadu ugu tahay quwad ayaa naftana ay quwad ugu tahay waxa loo abuuray oo ah cibaadada,hadduu qofku cibaadada u guto sida laga rabo waxaa shaki la’ ah in naftaasi raaxo iyo kalsooni buuxda hananayso oo ku jirayso,waa marka qofku werwer goynayo ee og yahay wax loo qoray mooyee wax kale inaanay helayn xumaan iyo samaan,irsaaqad wax loo qoray mooyee wax kale inaanuu helayn,tallaabaduu qaadayo inay tirsan tahay ,wuxu kasban doono iyo meeshuu ku dhiman doono dhamaan ay yihiin wax qoran oo isaga dadaal iyo sabab inuu la yimaado mooyee aanu waxba ka bedeli Karin(khudil asbaab wa tawakal calallaah),qofku waa inuu sababaha la yimaadaa oo raadiyaa illaahayna tala saartaa,waxa hubaal ah in haddii qofku uu gaadho marxaladdaa in jawaab bixintiisu noqonayso mid sax ah oo uu ku kalsoon yahay markaasuu cadhada iska joojin karaa,markaasuu calool xumo iyo cadaawad ka waantoobi karaa,markaasuu dabeecad wanaagsan iyo calool xaadhnaan ku dhaqmi karaa,waa markaa markuu kasban karaa bulshaduu la nool yahay,waayo wuxu la wada jecelaanayaa wanaag iyo horumar iyo cibaado suubban wuxu la wada jecelyahay inay ka badbaadaan hawada iyo cadaabka ka danbeeya,waxanu jecel yahay inaay dadku wada raadiyaan illaahay raali noqodkiisa taasoo loo abuuray.

Colaadaha,cadhada badan iyo camal xumaanta waxaa u aabbe ah in qofku weydaarto xaqiiqada loo abuuray oo raadiyo waxkale oon loogu tala gelin taasoo u keenaysa deganaansho li’i iyo werwer joogto ah iyo wanaagoo ku yaraada iyo sharkoo ku bata ilaa qofkaasi ka gaadho heer uu naxdin gooyo oo yidhaahdo haddii qof wax ku dhacaan maxaa iga galay!!!.

Waxa laynoo abuuray inaan illaahay caabudno haddaynu la nimaadnona naftu waxay helaysaa raaxadeeda iyo kalsoonideeda.

Caqligiyo nafta waxaw cunta ah cabsida Eebbaha’e

Cibaadada ninkii xoojiyee camalfalkeed raaca

Ciiddan intuu ku sii baaqi yahay waa casiis mudane

Cimriguna markuu go’o jannuu cidhifsanaayaaye

Cidda Eebbe qudha ka cabsataa way cuddoontahaye

Kalsoonidu inay camiri waa caadla’aan sugane

Ciddi wax le’eg iyo cad weeyn caadil baa qoraye

Ninna Calafkii inaanu celin karayn waa caddaan sugane

Nafta ciirsataa Allaha way cadho go’aysaaye

Casumaad ninkii isu fidshee cabbaya khayraadka

Cawadii timaadaba eega camalkiisa

Cisho iyo ayaan caadilkii janno ka dhawraaya

Ceesh xalaala inuu quuto oo caafimaad helayo

Cindigiisa wuxu ka helo ama calmasho taageedda

Cilmigay diintu qabto iyo sharciga cayntiisa

Caado inuu ka yeeshaa caqligu siiyaaye

Cuqdad iyo colaad iyo weji cabuusnaanta

Cilaaqoba ma ay laha oo isuma cayntaane

Ciil iyo xumaan isma arkaan wax la collaystaaye

Cabashiyo canaan midnaba iskuma ciilkaambiyo’e

Cuqdadli’ida waxawgu wacan waa cibaadada’e

Cadhali’ida waxawgu wacan waa cabsida Eebbaha’e

Codka hadalka Ciirsiga indhaha Cagaha socodkooda

Caqligiyo qalbiga iyo dhamaan wixii cindiga taabaaya

Camalkana meeleeya ee caynka u adkeeya

Caadilkood hadday magansadaan caafimaad hele’e

Cisi iyo wanaag bay ku cuni labada daaroode

Cilminafsigu waa cibaadadoo ciriqa raacay’e

Cilminafsigu waa Cabsida Eebbiyo camalka khayrkiise

Cawadaranta iyo Ciilgadhoodh cuqdadi kuu raacdo

Cawarnaanta caqligiyo nafaan cabasho deynaynin

Cawaanimo iyo aduun daba cararistiisoo dhan

Caalamkoon la dheehaniyo waa cilmi la’aanteede

Cajaa’ibta Alliyo Aayadaha aan la cilmi baadhin

Carradan aan ku noolniyo Cimrigan maalmaaysan

Caruurtuba berray intay koraan cirradu seentaaye

Cidkastoo aan Caadilka ahayni ciidday hoos geliye

Cilmi Eebbe kii helaa waa cabsanayaaye

Cashadaa dambaysiyo Aakhiruu camal u raadshaaye

Cabsi kale way kala tageen Caadil laga reebo

Camalkana meeleeya ee caynka u adkeeya

Caadilkood hadday magansadaan caafimaad hele’e

Cisi iyo wanaag bay ku cuni labada daaroode

Waxa hubaal ah in osoonida iyo ka shiidaal qaadashada xaqiiqada qofka loo abuuray keenayaan degenida,kalsoonida iyo isku fillaanshaha nafeed(self confidence),taasoo Aayaduhu si fiican inoogu qeexeen aan qaadano Aayadan oo macneheeda aad u eegno:

وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون ما اريد منهم من رزق وما اريد ان يطعمون ان الله الرزاق ذو القوة المتين…(ءاية في سورة الذاريات)

Aayada macneheedu waxa weeye illaahay ayaa odhanaya oo leh uma abuurin jinka iyo Insiga waxkale oo aan ahayn inay i caabudaan,ugama baahni risiq iyo inay i quudiyaan midna,Ingiriisigana macneheedu waxa weeye: I have only created Jinns and men that they may serve me(worship me)no sustenance do I require of them,nor do I require that they should feed me,for God is he who gives (all)sustenance Lord of power steadfast(for ever)

Aayadan soo socotaa waxay caddaynaysaa in dikriga iyo quraanka alle ay quluubtu ku degto oo xasilooni iyo deganaan naftu hananayso:

الذين ءامنوا وتطمئن قلوبهم بذكر الله الا بذكر الله تطمئن القلوب.(ءاية في سورة الرعد.)

Aayada macneheedu waxa weeye kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyey ee quluubtoodu ku degtay digriga illaahay,xaqiiqa weeye oo digriga illaahay ayay quluubtu ku degtaa,Ingiriisigana macneheedu waxu noqonayaa:

Those who believe,and whose hearts find satisfaction in the remembrance of God;for without doubt in the remembrance of God do hearts find satisfaction.

Waar digriga illah bay(Eebbay) ku degtaa quluubtuye

Ku dadaal dantaadoo yaanu daalac kuu iman

Waxa damaq ku jiro oo dadka aad ka qarisaa

Denbi weeye iyo deelqaaf xumaanshee

Dunidaa la yaabka leh daymo’oo bal eegoo

Daayinkii sameeyee dockastaba dhamystiray

Dareenkaaga fidiyoo duxda iyo ujeedada

Dadka jin iyo Aadmiga amanadan dultaallaa

Dunida intay duljoogaan aan la duugin idilkood

Diiwaan ayaa qoran ninkastiba halkuu degey

Ee hooy digriga eebbay ku degtaa quluubtuye

Hayska daadufaynine debecsani dantaa garo

Waakaas Cilmi nafsiga xaqiiqiga ah ee nafta gaadhsiinaya heer ay ku kaantaroosho waxa ka soo fulaya ee jawaab bixin u ah dareenka ku soo derriyey ee ku yimi,where the feed back and reaction runs with confirmed and proper way as we feel selfconfidential with what we response.

As/w/w

Saeed Hussein

No comments:

Post a Comment