Saturday 26 September 2009

UNUGGA WADANIYADA SOMALILAND OO HAMBALYO U DIRAAYA AXSAABTA QARANKA,GOLAHA GUURTIDA IYO DHAMAANBA SHACABKA JAMHURIYADA SOMALILAND

UNUGGA WADANIYADA SOMALILAND OO HAMBALYO U DIRAAYA AXSAABTA QARANKA,GOLAHA GUURTIDA IYO DHAMAANBA SHACABKA JAMHURIYADA SOMALILAND

Somaliland Unugga Wadaniyadda
Nationalism Cell Somaliland

Contact Phone Number: +2522-4418277/4115187/4415099
Telcom 65331376- Bahsane Building Third-floor, Hargeisa Somaliland

Ref: SNC.33/26/sept/09 26/09/2009

UNUGGA WADANIYADA SOMALILAND OO HAMBALYO U DIRAAYA AXSAABTA QARANKA,GOLAHA GUURTIDA IYO DHAMAANBA SHACABKA JAMHURIYADA SOMALILAND

Anaga oo ah Ardayda jamacadaha dalka ( Somaliland ) ee ku bahoobay Unugga Wadaniyadda Somaliland waxa aanu si cad u taageeraynaa go’aanki geesinimada iyo wadaniyadda lahaa ee ay gadheen saddexda xisbi qaran iyo golaha guurtida Somaliland waxanu lenahay hambalyo Somaliland.

Go’aan kaas ay axsaabta iyo golaha guurtida Somaliland gaadheen oo ahaa go’aan dhex dhexaadnimo iyo cadaaladi ay ka muuqatay isla markana aanu u aragnay xal hor dhac ah oo is afgarad u noqonkara dhamaanba Goleyaasha Qaranka Somaliland.

Ogsoonow muwaadin , waxa aynu qiimo ku leenahay wada jir , iskaashi ,iyo ilaalinta ammaanka qarankeena . Taas oo hormood ay u noqon karaan dhaliyarta reer Somaliland.

Waa in aan iska kaashanaa , oo aan kawada shaqaynaa danta guud ee dalkeena iyo ta horumarineed ee bulshadeena ,ugana tagnaa ubadkeena dhaxal qiimo leh oo ay ku intifaacsadaan.

Waa in aan barannaa , dadkana barnaa , qiimaha waddaniyada iyo muhimadda iskaashigu leeyihiin , kuna dhiiri galinaa shacbigeena in ay aayahooda ka tashadaan ,iyagoo isku gaynaya aqoontooda , muruqooda , maskaxdooda iyo maaliyadooda.

Waa in aan aragnaa Somaliland oo ah meel nabdoon , quruxbadan , kuna habboon goob dalxiis , dadkeeduna ku nool yihiin nolol aayatiin leh, qofkasta oo muwaadin ahna yahay mid ixtiraam iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda . taas oo ah himilda iyo rajooyinka muwaadin kasta.

Uugu dambayn waxanu ku borinaynaa isla markaasna ku hambalyeynaynaa goleyaasha iyo axsaabta qaranka inay halkaas ka sii wadan wadahadalka isfahamka iyo iskaashiga kaas oo ah xalka kaliyaata ee lagu gaadhi karo nabad, horumar iyo citiraaf caalami ah oo ay nu ka helo beesha calamka.

G/xigeenka Unugga Wadaniyadda Somaliland
Khadar A/rahman A/lahi__________________

No comments:

Post a Comment