Friday 18 September 2009

WAR-SAXAAFADEED XISBIGA UDUB

WAR-SAXAAFADEED XISBIGA UDUB

UDUB

Ujeedo: Warsaxafadeed

Waxa jirtay in shaley oo taariikhdu ahayd 16/09/09 uu ka qayb galey xisbiga UDUB fadhi lagu qabtay GOLOHA GUURTIDA S/LAND fadhigaa oo shir gudoonka golaha Guurtidu ku marti qaaday 3 Xisbi Qaran isla markaana aaney saxaafadu ka qayb gelin joogina goobtaa.

Waxa wax lala yaaba ah in joornaal jamhuuriya uu shaydaan u waxyoodey isla markaana uu ku soo dabaacay cadadkiisa soo baxey 17/09/09 in xisbiga UDUB si cad u diidey in wada hadal dhex maro labada xisbi ee mucaaradka ah.

Hadaba waxaanu bulshada reer Somaliland u sheegeynaa in ay tahay mid aaney waxba ka jirin warkaa jamhuuriya sheegtay ee ah in aanu diidney wada hadal na dhex marey labada xisbi ee KULMIYE & UCID Jamhuuriyana aaney joogin meel aanu sidaa kaga nidhi ee ay tahay si xun u sheeg sixir ka daran.

Shirkaa GOLAHA GUURTIDANA waxa xisbiga UDUB ka sheegey in labada xisbi ee KULMIYE & UCID aanuu hore u wada yeelaney shirar is daba joog ah oo socdey mudo 6 Bilood iyo Badh ah oo ku saabsanaa arinta doorasha iyo aayaha Dalkan markastoo aanu wax isla soo dhaweyneyna na ay labada xisbi ee KULMIYE & UCID dhan kale u maleeganayeen oo ay bilaabayeen muran ma dhaleys , laba kacleyn iyo isrog joogto ah.

Sidaa daraadeed aanu hore uga weyney in aanu is qancino xisbiga KULMIYE & UCID Kana quusaney.

hadii aanu is qancin kari weyney waxa qudha ee meesha yaala Waa in garsoorka GOLAHA GUURTIDU masuuliyadiisa Dartuuriga ah qaataa maadaama uu cidhiidhi yahay Wakhtigu loomana baahna muran aan midho dhal keeneyn

GOLAHA GUURTIDA ee hada ku guda jira ayaaney u sugnaatay

Waxa kaloo xisbiga UDUB raaciyey in uu u diyaar yahay Doorasho Xor oo xalaal ah Oo dalka ka dhacda

Hadaba waxay jamhuuriya ilowsan tahay in madaxweynaha J.S.L isla markaana ah GUDOOMIYAHA XISBIGA UDUB inuu gogol u fidiyey Gudoomiya yaasha labada xisbi Mucaarad waxa tilmaam mudan in gogashaasi wali taal lana la’yahay ragii loo dhigey .

(Bahal ceedhin ma daayo Nina Caadi Ma baajo )

Jamhuuriya waa lagu yaqaan in ay garab marto warka fiican ee ku haboon danta qaranka una hiilinaya xaqa iyo distoorka qaran

Hadaba waxaan leeyahay jamhuuriya ilaahay haydin soo hadeeyo

Wa bilaahi tawfiiq

Jaamac Yaasin Faarax

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB

No comments:

Post a Comment