Sunday 27 September 2009

LUQADA INGIRIISIDA OO NOQOTAY LUAQADA KOOWAAD EE LAGAGA HADLO WAXNA LAGU BARTO WADAMADA MIDAWGA YURUB

LUQADA INGIRIISIDA OO NOQOTAY LUAQADA KOOWAAD EE LAGAGA HADLO WAXNA LAGU BARTO WADAMADA MIDAWGA YURUB

27 September, 2009
Language
Luuqada Ingiriiska ayaa noqotay luqada 1-aad ee looga hadlo dalalka ku jira Midowga Yurub kadib marki ay bateen dhalinta iyo dadka ku hadla luqadan oo caan ka ah aduunyada oo dhan.

Tirakoob ay sameysay Shirikada “No U Oobzirfor” ayaa lagu ogaaday in luqada Ingiriiska ay haatan noqotay mida koowaad ee wax loogaga barto iskuulada dalalka ku jira ururka Midowga Yurub taasoo u muuqata in ay booska ka riixato luqadihi ku jiray booska koowaad xitaa luqada Hooyo.

Warbixinta ayaa sheegeysa in dugsiyada sare ee dalalka Midowga Yurub laga dhigo luqada Ingiriiska gaar ahaan iyada oo kaga jirta darajada koowaad ee luuqada halka luqada labaadna ay ku jirto luqada Hooyo ee dal walbaa oo ku jiro Midowga Yurub,dadka sida aadka ugu hadla ayaa waxaa la sheegay in ay u dhaxeyso da’dooda 24 ilaa iyo 64-sano.

Dalalka Bulgaria, Poland dalalka la isku yidhaahdo Baltic States ,ayaa waxaa kasii lumaya luqada dalka Ruushka oo kaalinta koowaad kaga jirtay kadib markii ay booska ka riixatay luqada dalka Ingiriiska,cilmi baadhista ayaa qeexeysa in 35% ay ku hadlaan afka hooyo dalalka ku jira ururka Midowga Yurub.

Luqada Ingiriiska oo si aad ah usoo caan baxday wixi ka danbeeyey marki Ingiriiska uu gumeysi ku qabsaday dalal badan oo caalamka ah qarnigi 20-aad ayaa sanadkaan u dabaal dagtay areygi Malyamaad kaasoo loogaga soo daray dalka Mareykanka.

Inkastoo ay khabiirada dhinaca luqadaha ay sheegeen in aysan macquul aheyn in la tiriyo luuqad maadaama ay badantahay ayaa hadana TV-ga laga leeyahay dalka Mareykanka ee CNN ayaa waxaa uu wariyey in luuqada Ingiriiska lagu soo kordhiyey eraygi Malyamaad oo noqday ereyga ( Obamania ).

Ererygaan ayaa soo baxay xilligii doorashooyinka dalka Mareykanka waxaana micnihiisu lagu sheegay in uu yahay dareen ama wax dareenka dadweynaha kiciya.

Dictionary-ga qadiimiga ah ee Oxford Dictionary ayaa ah qaamuuska ugu badan ee dalka Ingiriiska ugu keydka badan dhinaca ereyada,waxaana ku uruursan 600 oo kun oo eray.

Warqabadka ToggHerer.com

No comments:

Post a Comment