Friday 25 September 2009

NABADU WAA SHAYGA UGU QAALISAN EE UMAD HANTI U AH

NABADU WAA SHAYGA UGU QAALISAN EE UMAD HANTI U AH

QALINNabadu waa shayga ugu qalisaan ee umada u ah Haanti hadii aanaay nabaadii Jirin,dawlad iyo nidaam jirimayaan, nabada waxaa keena isu tanaasul ka yimadaa, dhinacyada siyaasada isku hayaa, haduuse tanaasuulku meesha ka baaxo, oo aay xaglin iyo habraasho aay meesha yimadaan, waligeed la gaadhi maayo,nabad nidaamka meesha kajiraana wuxuu noqonaaya,halbacaad lagu liisaay, tusaale xamar dhibaata iyo dagaalba ka socda, qaraxyaa ka dhacaa maalin walba, Cidamaii afrikaanka, ahaa ee loo keenaay nabad ilaalinta ayaa waxaay la yihiin meel aay ku gabadaan,kadiidooda la cabsiyaay, oo maxaa dhibka keenaay,in aay xamaar sidaas noqoto, waa mabda midaaysan oo aan meesha oolin, mid walba dano gaar ah ayuu wataa, waxaanu doonaaya inaay tiisu fuusho,sheekh shariif laftiisu danihiisa gaarka ah ayuu wataah, wixiisuna waxaay ahayeen kursi, Contradiction ayuu isku sameyaay,markii hore ee uu maxakiimta ahaa, wuxuu lahaa ma ogolin siyasada shiisheeye,Maanta isaga dhabta kaga faadhiyaah, mashaqada dhacaysana isaga laftiisu wuxuu ku leeyahaay, Kaalin laxaadleh, maxaa ugu wacaan ayaan odhan karnaa? waxaa ugu wacaan iyaga oo aan lahaayn cid dhex dhexaadisaa,salaadiin ama ugaasyo, aay wax ka dhagaystaan ma jiraan,odayaal Guurti ah oo isku soo dhaweeya meesha kama jiraan,meesha waxaa yaala is xiniya taabaad, lakiin inaga Somaliland ahaan waxaaynu Nabada ku soo gaadhnaay, Saladiin iyo Odayaasheena Guurtida, oo sabaab u ah heerka nabad aaynu soo gaadhnaay, oo hadii aanaay iyagu jirin aanaay, Somaliland heerka soo gaadheen,lakiin Salaadiinteenu marwalba waxaay ka fikiraan xalka ugu wanaagsan,waxaadse mooda maalmahaan,Inaay habrasho ku jirto oo aanaay Raga runta ukala sheegi kaarin, hadaay sidaan ku soo soconaanah,Xamar ka soo keeyn maayno, waayo Hadii cadaalad wax loo dhiqi waayo, ragana garta si caadaalad loogu Niqi waayo cid idin dhagaysanaysaa ma jirto, waxaynu ku danbaynaynaa, sida Nimanka Koonfureed hadaaynu diirka ka caloowno.

Cadaalad maaha in qofna laga cadhaaysiyo qofna laga farxiyo, gartuna sidaas maaha, suaasha meesha taala dhinacyada siyasada Somaliland isku haaya, balan baay wada galeen, iyo cahdi Xukunka Cadaaladana hadii guurti iyo salaadiinba waxaay ahaaydeen inaad ku ridaan ninka aay gartu qabaato, lakiin maahaa inaad raga si jilicsan ugu yeedhaan,oo tidhaahdaan wada kulma, oo kaliya, Xisbiyada mucaaridkii meel baay taagan yihiin Kulmiye iyo UCID, maxaa laysku ogaa maxaase lagu heshiyaay? waxaa lagu heshiyaay,inaan mudo danbe oo loo kordhinayaa xukuumada aanaay jiri donin, inaay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi doonto, in diwaaan galin lagu geli doono,in hadii wakhtiga doorashada aay dhaafto,la soo dooran doono Madaxweyne ku meel gaadh ah, waliba iyada oo dorashada dib udhaceeda, aay masuul ka ahaayd xukuumadu, hadana maanta cadaalad maaha in Mujaahidiinta laga cadhaaysiiyo,marwalbana culayska la saaro, sidaan si maaha, in raga la qaasbo, oo waxaan suura gaal ahaayn maalin walba lagu saasabo,waloo,tanaasuulay, oo hadana loo taanaasulaay, oo hadana loo taanasuulaay, miyaaydaan Guurti iyo salaadiine garasha lahaayn, mise si kale ayaad ula ficil tamaaysaan, oo waxaa donaaysaan, inaad marwalba Godobaysaan, raga dalka usoo dagaalamaay.

Anuu waxaan odhan lahaa dib isugu noqdo hadaad raadinaysa xal, oo ninka xukunku qabtaana ku rida runtana ukala sheega raga, hadii kale Inbadan ayaad qomaamayn doontaan,dalkan yar ee curdinka ahna bad baadiya,waxaaydaan yeelaayn oo aan idinkuba aaydaan yesheen ragana ha ula taaginah, waxaan wa wixii laga dagaalami jiraay, dabkii dictatorka oo bakhtiyaay iyo keeni oo dunida nuurayaa, Islamiyiinta Asal raaca ah ee Alshabab waay inoo soo hanjabeen,maalin dhaweeyd dalkeena 29 october waxaa ka dhacaay qaraxyo aan lagu farxin, hadii sida cadaalada ah waxaa loo dhiqi waayo, waa suura gaal, inaay dhacdo,mashaqo aan lasoo dhaweeyn.

Mahad Nuux Muumin
mahad_nuux09@hotmail.com
Pakistan Islamabad

No comments:

Post a Comment