Saturday 26 September 2009

DHAMBAAL TACSI AH M/WEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

DHAMBAAL TACSI AH M/WEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

27 September, 2009
Dhambaal Tacsi ah
rayaale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa
uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Weriye Muha Daahir Faarax Jire, isagoo ka
tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Aabaheed Marxuum
Daahir Faarax Jire oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu, waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka
waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Inaali laahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

No comments:

Post a Comment