Friday 25 September 2009

RAXMAADKII DAYRTA OO KA CURTA QAYBO KA MID AH GOBOLKA SOOL


RAXMAADKII DAYRTA OO KA CURTA QAYBO KA MID AH GOBOLKA SOOL

habeenkii xalay ahaa ayaa waxa aka hoooray qaybo badan oo ka mida deegaamada hoos yimaada gobolada Sool iyo Buuhoodle rooobab si wanaagsan loogu doogsaday dad iyo duunyaba kuwaasi oo ka da’ay inta badan meelihii abaartu ay sida ba’an u waxyeelaysay.

Image and video hosting by TinyPic

Meelaha uu sida wanagsan raxmaadku ugu hooray ayaa waxaa ka mida deegamada kala ,
axdheer, Kalabaydh,Dabataag, Dhumay,Dandan,Xamar-laguxidh,Goobweyne,Horufadhi,Widhwidh,Tukaraq,Ganbadhe, iyo magaalooyinka waaweyn ee Buuhoodle, Laascaanood kuwaasi oo ah dhamaantod ah lihii ay sida xun u saamaysay abaartu isla markaana ah deegamada dhinaca hawdka kaga beegan magalada laascaanood ee gobolka sool iyo waliba deegaamo hoosyimaada magalada buuhoodle ee gobolka buuhoodle.

Roobabkan ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili si wayn loogu baahan yahay iyadoo dhamaanba ay ku diirsadeen dadkii ay abaartu waxyeelaysay gaar ahaana dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool dhulka miyiga ah ee gobolada sool iyo buuhoodel kuwaasi oo in badan oo ka mida ay xoolohodi uga dhamaadeen abaarta.

ugu dambayntii raxmaadakan ayaa waxaa uu yahay mid bilow ah oo hada uun ka curtay qaybo badan oo ka mida soomaaliland gaar ahaana gobolada bariga oo ka mid ahaa meelihii ay sida xun uga jirtay abaarta iyadoo hadana uu cirku yahay mid ay daruuruhu dul joogaan iyadoo la rajaynayo inuu raxmaadkuu intan ka sii kordhi doono,walow ay wali deegaaamada qaarkod ku sugan yihiin xaalad abaareed oo ba’an.

Wariye Axmed Saakin Faarax Warsame
Togaherer Office/lasanod
axmedsaakin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment