Tuesday 29 September 2009

GOLAHA GUURTIDA JSL OO GALAY FASAX LABA BILOOD AH KADIB MARKII AY U CODEEYEEN XILDHIBAANADU

GOLAHA GUURTIDA JSL OO GALAY FASAX LABA BILOOD AH KADIB MARKII AY U CODEEYEEN XILDHIBAANADU

29 September, 2009
guurti2

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta u codeeyey inay galaan Fasax labo Bilood ah kadib Go’aan ay ku xaliyeen Khilaafkii Siyaasadeed ee Somaliland

Fadhiga Maanta oo uu Shirgudoominayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan waxa kasoo xaadiray 57 Xildhibaan oo Golaha Fadhiyey waxana Cod la galiyey in Goluhu Galo Fasax labo bilood ah kadib wakhti adag iyo shaqo adag oo uu soo qabtay.

Waxa ogolaaday in Goluhu Fasax Galo 55 Xildhibaan Hal Xildhibaan baa ka Aamusay Gudoomiyuhuna Muu Codayn.

Shirgudoonka Golaha Guurtida ayaa soo jeediyey Hadalo Dhaadheer oo Waayo u badan iyo kuwa ay dib ugu noqonayeen xaalada Golaha Guurtida, ee uu ku sugnaa Bishii ugu Dambeyey, waxyana usoo jeediyeen Golaha in dhinac la iska dhigo Khilaafkii jiray oo la mideeyo afkaarta Golaha Guurtida.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan ayaa sheegay in intii doodu socotay la kala qaybsamay oo la noqday labo kooxood wuxuna usoo jeediyey Golaha inay mid noqdaan oo gacmaha la is qabsado

Wuxu intaa ku daray Gudoomiyuhu ku daray in laga tashado sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu aafeeyeen oo wax loogu qaban lahaa isagoo sheegay inay dhamaadayn xoolihi dadku haystayn una baahan yihin Gurmad deg deg ah.

Fasaxa Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka dambeyey Fasax isaguna Labo Bilood aha oo ay shalay galayn Golaha Wakiilada iyagoo joojiyey Doodii ay wadayn oo ku saabsanayd Labada Mooshin ee xil ka xayuubinta Madaxweynaha iyo Shirgudoonka.

WARQABDKA TOGAHERER

No comments:

Post a Comment