Tuesday 10 November 2009

Holland Oo Gacanta Ku Dhigtay Somali Maraykanka Ka Soo Baxsaday Oo Dhinaca Dhaqaalaha Ka Taageeri Jiray Argagixisada Al-shabaab

Holland Oo Gacanta Ku Dhigtay Somali Maraykanka Ka Soo Baxsaday Oo Dhinaca Dhaqaalaha Ka Taageeri Jiray Argagixisada Al-shabaab

newssHolland Oo Gacanta Ku Dhigtay Somali Maraykanka Ka Soo Baxsaday Oo Dhinaca Dhaqaalaha Ka Taageeri Jiray Argagixisada Al-shabaab.

Dowlada Netherlands ayaa xabsiga dhigtay nin la rumaysan yahay in uu dhinaca dhaqaalaha ka taakulayn jiray Argagixisad Al-shabaab ee Somalia ka dagaalanta, Ninka la qabtay ayaa ahaa nin Maraykanku si’ban u baadi-goobaayey.

Sir-doonka Holland ayaa sheegay in ninkaas oo ah 43 uu ku noolaan jiray Minneapolis dalka mareykanka ka hor intii aanu ka tagin bishii November sabnadkii 2008-kii, waxa uu Holland soo gaadhay bil ka dib markii uu Marayanka ka soo cararay.

Eedaysanaha Xabsiga loo taxaabay ayaa iska dhiibay dalka Holland, isaga oo ahaa Magan-geliyo doon. waxa laga soo qabtay xero qaxoonti oo 75 Km ka beegan dhinaca waqooyi bari Magaalad Amsterdam.

Ninkan oo aan la magac-dhabin ayaa ku eedeysan in uu hub u iibiyey kooxda Al shabaab ee Somalia ka dagaalanta, Eedaysanaha ayaa lagu hayaa Magalaada Rotterdam iyada oo loo diyaarinaayo in maxkamad la soo taago.

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

BURBURKII QARAN ILAA QOYS QAYBTII LIXAAD

BURBURKII QARAN ILAA QOYS QAYBTII LIXAAD

Burburkii Qaran ilaa Qoys:-

Qaybtii 6aad.

(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah).

Sababihii keenay burburka:-

Marka aad doonayso in aad sharaxdo amase qeexdo sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya ,waxaan qabaa in uu dhaafay xadkii sababo loo yeeli lahaa.Waxaa aad u dag halka laga bilaabayo,cida ka masuul ah , goorta burburku bilowday iyo halka burburkaa socdaa uu ku dhamaan doono iwm.

Intii aan raadinayey sababaha keenay burburkaa balaadhan ee Soomaaliya ka dhacay,ayaa waxaa ii soo baxay sababo aad iyo aad u fara badan oo dhamaan la odhan karo waa kuwa ugu muhiimsan , sababahaa keenay burburka dhacay,qaar hore ayaan idiinku soo sheegay ,maantana bal kuwan ila eega:-

.

1. Xoriyadii Somalind ee 26 Juun 1960 iyo midowgii Soomaaliya 1July 1960,waxay ahayd qayb ka mid ah sababihii keenay burburka ka dhacay Soomaaliya.Marka la doonayo in ay isku biiraan laba Dowladood waxaa loo baahan yahay in ay jiraan heshiis dhexmaray,waxaa loo baahan yahay in ay jiraan wax lagu heshiiyey sidii la doonaba ha loogu heshiiyee.

Waxaa cadaan ah in 1960 shacabka iyo Siyaasiyiinta Somaliland ay ku degdegeen midowgii ay la midoobeen Soomalida kale.Waxaan marar badan maqlay ragg Siyaasiyiin ah,oo leh “waxaa Somaliland ka yimid dad ay madax martay midnimo Soomaaliyeed,wax shuruud ahna aan wadan” .Waxaan ka maqlay ragg Siyaasiyiin ah oo ku ceebaynaya Somaliland ,sidii fududayd ee ay ugu soo biireen walaalahoodii Soomaalida kale,waana ta keentay burburka ayna maanta aragno.

2. 21 Okt 1960 waxaa dhacay “Afgembi”,waxaa la dilay maalmo ka hor Madaxweynihii dalka ee la soo doortay,waxaa xukunkii lagu qabsaday hab aan hore inoo soo maran “Qori caaradii” amase xoog qofka sida uu u yaqaan.Waxaa laga leexday habkii Dimuqraatiga ahaa ee dalku ku socday.

3. Kacaankii Soomaaliya ka dhashay 21 Oktoobar 1969 ee ay hogaaminayeen kooxdii la odhan jiray “Golihii Sare ee Kacaaanka” wuxuu ahaa maamulkii dhigay aasaaskii burburka Soomaaliya ilaa maanta ka socda .

Kacaankii 21 Okt 1969,wuxuu hormuud ka ahaa arimo aan hore u soo marin Ummadda Soomaaliyeed ,waxaa ugu muhiimsanaa:-

a. Qabyaalada oo gaadhay heerkii ugu sareeyey,xilka,hantida,waxbarashada . derajada,magaca, iyo maamuskuba waxay noqday in lagu helo qabyaalad .

b. Waxaa la xalaalaystay in sidii la doonooba loo daadiyo” dhiiga shacabka,gaar ahaan kan waxgaradka Soomaaliyeed”.Waxaan si gaar ah idiin xasuusin doonaa dhacdooyin ay ka mid yihiin dilkii Saraakiil ciidan 1969,dilkii wadaadada 1975, dagaalkii 1977, xasuuqii 1978 ee gobolada dhexe,Xasuuqii iyo duqayntii Somaliland ee1988, xasuuqii Jsiira ee 1989,xasuuqii Muqdisho ee ilaa maanta socda iwm

c. 1969 Waxaa bilowday “Keli talisnimo,aan la garanayn halka ay ku dambayn doonto iyo weliba,sidii laysaga furfuri lahaaba.

d. Waxaa Kacaankii 21Okt uu dalka keenay “hanti-wadaaga –cilmiga ku dhisan”erayadaas oo aan hore looga aqoon dhulka ay Soomaaalidu ku degto,abuurayna jaahwareer badan.

ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-

Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan-Qabriga.

Fadlan wixii talo iyo tusaale ah ,waan idinka sugayaa ee iigu soo dir emailka .

“la soco Q7aad iyo weli sababahii keenay burburka (daadintii iyo xalaaleyntii dhiiga shacabka”

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

MAXAA LOOGA DAMQAN WAAYAY QADIYADA SAYLAC

MAXAA LOOGA DAMQAN WAAYAY QADIYADA SAYLAC

qorismaxa looga danqan waayay qadiyada saylac maqaal

calamka oo dhan dhulbaa la isku haysataa iyo khayraadkiisa waxa layaab leh waxa loo ga danqan waayay bixinta xeebta saylac ee marba qayb jabuuti laga iibinayo, malaga yaaba in dadka galbeedka somalilnd intay kursi difaacayaan in reer jabuuti dhulkaba qaato oo malinta danbe lagu arko maxadawayna jabuuti oo gobalka awdal, ka dabal dagaya.waxa galbeedka somaliland ka muuqata dad keeda dad marba meel la nacsiiyo ama marba nin la nacsiiyo lakiin maha dad ka dhiidhiya xaqiiqada jirta ama wadaniyada dhabta ah wayo meeshii somaliland ama geeska afrika ugu taarikhda dheerayd xeebta saylac weeye, ilahay ha unaxariistee madaxwayne cigaal markii uu madax waynaa haa jabuuti geeska africa wax tayo leh may ahayn siyasadeeda arima africa hadana waxa ay wax kabadashaa xalada gobalka.hadii an siyasada bariga africa ee isbuquujinta badan an somaliland rag khubara ah oo denteeda wada loo dhiibin waxa la arki doonaa dowlada xamar ka jirta oo inoo hanjabta iyo ka jabuuti oo siyasad qaboow inagu qabsata, sida dhaqaala, maskaxda iyo dhulka lama taabtanka ah oo marba in ay iibsato oo loo saxeexo. waxa muuqata dhulkii saylac ee soo jireenka ahaa ee wakhtigii ilaa nabi ibraahim lagu asbeeyo, lagu qiyaaso magalada ahayd ee dad kii noomiyiintu iyo dowladi hii kadanbeeyay ahayd dhul la yaqaano baa jabuuti oo ah cadawga somaliland ee an lagala xisaabtamin shacabkii badnaa ee ay jabuuti udhiibi jirtay dowladii siyad bare 1988 walina ay joogan ragii xasuuqay shacabka somaliland ee mar uun la soo tagidoono maxakamad


baa shilimo yar laga siisanyaa dhulkii loo soo dhintay, waxa lagu qiimeeya marka qoomiyadi baa ba ayso waxa lagu gartaa waa dad shilinka caabuda oo an eegin wadaniyada taariikhda iyo sharafka , cisiga qaranimada. casimada somaliland ee hargaysa lagu ma qiimeeyo ragii soo halgamay, laguma qiimeeyo ragii tariikhda lahaa, hadii ay ragii SNM ee madax da haa ay sidaa u daa wanayaan wadanka maxay noogu direen quwadii la soo dhafay,maxay u takooreen raga hore sida cumar carte qaalib, oo doorashadii deeganka ee aynu soo dhafnay ureebeen, waxa la odhankaraa dacayadii lagu ku furay cumar carte eeahayd somaliyuu ka yimi waxay ahaayeen dadkiisa SARAKIISHII SNM baa dacayd ku furay cumarcarte qalib oo dowladii somaliya ka dhigay wax jira, ragii, sayad bare dowladiisa, 1969 la dhaqaajay ee xaga hurumarka gaadhsiiyay somaliya waxa kamida raga hargasa jooga gudoomiya xusbiga kulmiye axmed siilanyo oo ahaa wasiirkii qorshaynta somaliya kuna xidhay hayadda, calamka oo dhan,ahaana nin kii gudoomiyaa SNM ugu mudada dheere calamkana ka dhadhacshay FAKARKII SNM. halka cumarcarte qalibna dowladii soomaliya uu aduunyada oo dhan ahaa ninka la hadla, waxa kale oo magalada hargaysa jooga oo an cidna la hadlin wax kastana ka gaabsada madaxwayne ku xigeenkii somaliya ee siyad bare ahaana asasayaashii SNM janaraal ismaaciil cali abokor,yan loo arkin si kale raga qiima badan baa jiray way badan yihiin ee halkan banan ku soo koo bi karin. waxas oo dhan waxan uga jeedaa ma mantaa la garan waayay dhilkii ajaha nabiga barbara santa har gaaha lagaga saxeexanayay waxkasta oo wadaniyad khuseeya. waxan o dhan lahaa dadka reer hargaysa ee somaliland u yaqaana hargaysa uun galbeedka somaliland jabuuti baa laga iibinayaa ha la ogaado, ma soo qaadanyo gabaygii nin kii reer caynaba ee ina cali fadal tirshay oo gabaygaa cidgaara uma tirin ee waxa uu u tirshay waxa galbeed hargasa ka xiga ilaa awdal. (irbad dhuub magalisaan afkuna waa idin dheeryahay) raga bariga somaliland caya bal dhulkaa ha badbadsheen. waxan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan ragii geeska africa siyasad la ciyaari laha lama qiimeeyo hada wabilahi towfiiq

by saleebaan mohamud dhiidhi(dhagawayne)

CIIDAMADA PUNTLAND OO SOO BANDHIGAY BURCAD BADEED AY QABTEEN IYO QALABKOODII.(SAWIRO)

CIIDAMADA PUNTLAND OO SOO BANDHIGAY BURCAD BADEED AY QABTEEN IYO QALABKOODII.(SAWIRO)

Taliska Ciidanka gobolka Bari ayaa maanta soo bandhigay agab ay Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida isticmaalaan marki ay weeraro ku qaadayaan maraakiibta goosheeya Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari Cismaan Xassan Cawke “Afdaloow” ayaa Saxaafada u soo bandhigay qalab ay dhowaan soo qabqabteen Ciidanka amaanka ee Magaalada Bosaaso kuwaas oo ay ka soo qabteen rag ay ku eedeyeen in ay ahaayeen Burcad Badeed damacsanaa in ay weerar qaadaan oo ay ka baxaan meel u dhow xeebaha Bosaaso.

Agabkaas ayaa lagu soo bandhigay dekada Magaalada Bosaaso,waxaana ay isugu jireen hubka noocyadiisa kala duwan iyado ay ku weheliyeen Matoorada kala duwan ee laashahka iyo caagado fara badan oo ay ku jireen shidaal.

Intaa ka dib Taliyaha ayaa Shir Jira’id gudaha dekada Magaalada Bosaaso ugu qabtay Saxaafada,wuxuuna sheegay in ay caalamka tusayaan in Dowlada Puntland ay qabqabato Burcad Badeeda ka qowlaysta Xeebaha Soomaaliya iyo agabkooda,iyadoo u tibaaxay marki la qabto ay maxkamadeyaan.

Waxaana Shirka Jira’id ka dib Saxaafada la geeyey Xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso halkaas oo ay ku xiranyihin maxaabiis kala duwan kuwaas oo loo soo qab qabtay falal kala duwan oo ka dhacay Magaalada Bosaaso iyo hareeraha gobolka Bari.

Waxaana u Taliyuhu u si gaar ah u tusay saxaafada Burcad Badeedi ay soo qab qabteen Ciidanka amaanka ee Bosaaso iyo kuwa ay soo qabteen Ciidanka Badda ee Faransiiska oo ku soo wareejiyey Dowlada Puntland.

Raga lagu eedeyey in ay yihin Burcad Badeed ayaa waxaa u Taliyuhu sheegay in ay xeebaha Soomaaliya ka geysan rabeen fal afduub ah oo ay qafaalan rabeen maraakiibta goosheeya halkaas.

Waxaana saxaafada loo ogolaaday in ay waraysteen raga Burcad Badeeda ah lagu eedeyey oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso,waxaana ay saxaafadu weydiisay Su’aalo la xirrira qaabka loo soo qabqabtay,iyo in ay ku jireen falal Burcad Badeednimo marki la qabanaayay.

C/risaaq Cali waxaa u ka mid yahay raga lagu eedeyey in ay yihin Burcad Badeed oo rabay in ay qafaashaan Maraakiibta goosheeya xeebaha Soomaaliya,wuxuuna uu saxaafada u sheegay in Ciidanka Badda ee Faransiiska ay qabteen xilli u rabay in u qafaasho markab goosheeyey meel u dhow Xeebaha Soomaaliya.

Bandhigistaan Qalabkaan ay soo bandhigeen Taliska Ciidanka Booliska gobolka Bari ayaa waxaa ujeedkiisa ahaa in Beesha Caalamka la tuso in Dowlada Puntland ay qab qabato Burcad Badeeda Soomaalida,iyadoo marki hore lagu eedeyey in aysan wax ka qabanin kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka duula xeebaha qaar ka mid ah degaanada Puntland.

Dhowaan ayay ahayd marki Saraakil ka socota Gaashanbuurta NATO ay duleedka dekada Magaalada Bosaaso kula kulmeen Saraakil ka socotay Dowlada Puntland,waxaana ay ka wada hadleen ayna ku heshiyeen in ay isaga kaashadaan howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

hub budhcad la qabtay

Bashe Maxamed