Sunday 27 September 2009

MASUULIYIINTII MAAMULKA SHABAABKA KISMAAYO XAGAY KU DANBEEYEEN????????

MASUULIYIINTII MAAMULKA SHABAABKA KISMAAYO XAGAY KU DANBEEYEEN????????

September 26, 2009
kismayo

Warar si xoogan la’isula dhexmarayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ay ka baxeen magaalada, dhanka kale waftigii Sh. Axmed Madoobe ayaa la kullansan madaxdii Xisbul Islaam ee Xamar ka timid.

Hubanti la’aan ayaa ka jirta halka ay ku dambeeyeen mas’uuliyiintii maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ee kasoo jeedey Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin , iyadoo aysan ku sugneyn goobihii maamulka looga talinayay, dadka magaalada ayaa si weyn isula dhexmaraya in ay magaalada isaga baxeen, wararka qaar ayaaba tibaaxaya in xalayto afayeenkii maamulka Sh. Xassan Yacquub uu kasii gudbayay magaalada Jillib, balse ma jirto cid warkaas xaqiijisey oo madaxbanaan.

Dhanka kale waxaanan muuqan warar aroortii soo baxay oo sheegayay in manta fagaaraha berta Xoriyada lagu qaban doono isu imaatin balaaran oo looga dhawaaqi lahaa maamul goboleed Xisbul Islaam hoos taga.

Illo xog-ogaal ah oo aad ugu dhow Sh. Axmed Madoobe ayaa u sheegey in waftiga Sheekha uu manta la kulansan yahay mas’uuliyiinta Xisbul Islaam ee Xamar ka timid e Kismaayo ku sugnaa, mar la weeydiiyey suurtogalnimada in ay maamul ku dhawaaqaan ayuu yiri “uma badna, waxaan fileynaa in ay ku dhawaaqayaan maamul Xisbiga ah oo labada gobol ah, hase yeeshee tan ku saabsan maamulka Magaalada ma ahn arrin hadda miiska saran”.

Mar aan sidoo kale wax ka weeydiiney waxa ka jirra warar sheegayay in xoogaga Xisbul Islaam ay la wareegeen goobaha muhiimka ah sida dekeda iyo Garoonka ayuu yiri “Garoonka waa ay soo mareen, lagana yaabee in ay ciidamadooda fadhiyaan laakiin dekeda meeysan gaarin ogaanteey, mana jirto wax xiisad ah oo taagan”. Ayuu yiri mas’uulkani oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa.

Dhanka kale magaalada ay xasilan ganacsigana uu si caadi ah u socdo.

Waxaan kaloo fahamsanahay in uusan jirin wax wadahadal toos ah oo ka dhaxeeya labada dhinacinaba ha yaraatee.

Waftigii iyo ciidamadii xalayto soo galay lama uusan socon Sh. Xassan Turki, waxaana naloo xaqiijiyey in uusan safarka soo galin markii horaba sida warbaahinta ay faafisey markii hore.

Axmed Kulan Jookar

Muqdisho

ToggaHerer

No comments:

Post a Comment