Wednesday 30 September 2009

WAANO QARAN BY:- SANWAA CUMAR YARE


Waxa iga waano ah: In shacabka somaliland oo dhan gudo iyo dibadba inay sidaa u jeclaadaan nabada una qiimeeyaan jiritaanka dalkooda kana feejignadaan dhuxdhuxda siyaasiyiinta ama masuuliyiinta loo khaakhaayiro.

Hadaba Shacab iyo Xuukumad ba waxaynu ku qanacnay heshiiskii soo afjaray xurguftii siyaasadeed ee layku mari waayay ilaahayna uu sabab uga soo dhigay soojeedintii caalamka iyo xilgudashadii dastuuriga ahayd ee Golaha Guurtida.Waxa laakiin fajaciso ah xil-dhibaankan goobjooga ahaa ee kuleh iminka: hayaay waxba siya oo guurtidu sharcibay baal marsantay waxay yidhaahdeena meelna sharciga kagama jirto, ma jasadkiisaa joogay somaliland qalbigiisuna qaaradkale! ??
Arrin kasta oo laysku afgaran waayo ama mashaakil iyo khilaafkastaba aan idhaahdee xal baa laga gaadhaa iyadoo xalka arrinkasta uu maslaxo u noqdo cid gaara laakiin aanu wada raali galin cida is haysa waatii maahmaadii ahayd:
GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO.
Waar adeerayaaloow heshiiskaa mucaarid iyo muxaafidba is ogolaysiiyay ee shacabkiina niyadoodii dajiyay haka daba keenina hadalo wax udhimaya oo ka dhigaya heshiis khiyaamo ku jirto oo dan laga lahaa oo ha u turjumina heshiiskan mid nina cid lagu khasbay oo nina cidla la diray nina cudud weyn la siiyay. Ka daaya qardoofada cusub ee heshiiskaa ku dhaawacaysaan.

Wasalaamu Calaykum Waraxmatu laahi
Wabara kaatu.

by: Sanwaa Cumar Yare
GUDOOMIYAHA GUDIDA SIYAASADA
XISBIGA UDUB EE QATAR

No comments:

Post a Comment