Tuesday 22 September 2009

WARSAXAAFADEED AY SOO SAAREEN XISBIGA UCID IYO QODOBADII KA SOO BAXAY .

WARSAXAAFADEED AY SOO SAAREEN XISBIGA UCID IYO QODOBADII KA SOO BAXAY .

UCID

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

___________________________________

Date, September 22, 2009

Shir jaraa’id


  • Mahad naq saxibada Somaliland (international committee)
  • Mahad naq dadka gudiyaasha Somaliland ee isxilqaamay ee ku jira dhex-dhexaadinta ee ay ka mid yihiin culimaa’udiinta, salaadinta, baayacmushtariga, aqoonyahaanada iyo saxaafada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/09/2009 waxa shir ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga UCID guddida Fulinta, waxa laysla aqbalay qodobada ay soo jeediyeen deeqbixiyaasha dhamaantood ee la xidhiidha xaalada dalku maanta marayo, waxay guddidu siisay muhiimada ugu weyn nabadgelyada iyo xasiloonida wadanka.

Ø Waxay gudiidu ogolaatay lix qodob oo ay soo jeediyeen saaxibadaSomaliland ee hore uga caawin jiray doorashada iyo geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland, waxaanan ugu mahad naqaynaa hawsha wanaagsan ee ay soo qabteen iyo fikrada wanaagsan ee ay soo jeediyeen.

Ø Waxan ogolaanay baaqii ay naga codsadeen dhex-dhexaadiyaasho inaanu ku xidhi wax shuruuda oo aan la soo fadhiisano dhinaca kale, halkaana aanu ka soo jeedin doono fikradayada.

Ø Waxaan rumaysanahay in lixdaa qodob soortoobi Karin ilaa sadexda xisbi Qaran ay ku heshiiyaan lixdaa qodob.

Ø Waxaan ka howl galaynaa xisbigii mucaaridka ahaa ee kale sidii hore aanu u wada qaadanay si aanu miiska wada hadalka u tagno anagoo sidana talo midaysan.

Ø Inay guurtidu joojiso muda kordhinta ay ku ordayaan oo ay ku jeediyaan dadaalkooda xalinta khilaafadka taagan doorkoodna ka qaataan.

Ø Waxaan lagu heshiyay guddiyada ku jira dhex-dhexaadinta in la mideeyo oo guddi kooban laga dhex saaro, dhamaystiraana qaabka wada hadalka iyo hagistiisaba.

Waa bilaahi tawfiiq

No comments:

Post a Comment