Sunday 27 September 2009

DILAL KALA DUWAN OO KA DHACAY MAGAALDA BOOSAASO

DILAL KALA DUWAN OO KA DHACAY MAGAALDA BOOSAASO

BOOSAASO
Abaara 11:00-kii duhurnimo ee maanta ayaa waxaa magaalada Boosaaso gudaheeda lagu dilay nin dhalinyaro ah oo sida la sheegay saarnaa Gaari nooca loo yaqaan dhaynaha.

Taliyaha saldhiga Booliska bartamaha magaalada Boosaaso C/raxmaan Qaybdiid ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan cidii ka danbeysay falkaasi dilka ah, isagoona intaasi ku daray in ay barayaan sababta keentay in dilkaasi uu dhaco.

Dilkan duhurnimadii maanta dhacay ayaa waxa jira isna dil xalay xili danbe loogu geystey magaalada Bosaso nin dhalinyaro ah ilaa iyo iminka wax war ah lagamahayo cida ka danbeysay falkaasi dilka ah.

Wararka qaar oo aan ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow ehelada ninkan dilka hore loo gaystay ayaa waxa ay sheegeen in dilkaasi ay gaysteen ninman ku labisnaa dharka Booliska,markii danbe ay falka gaysteena ay goobta ay wax ku dileen ay isaga carareen,waxayna intaasi ku dareen in aysan garaneyn sababaha loo dilay.

Dilalkan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xili dhawaanhan gudaha magaalada Boosaaso ay ka dhaceen dil is xig xiga oo ka dhacay magaaladaasi.
Baashe Maxamed
Boosaso

No comments:

Post a Comment