Monday 28 September 2009

SHAYDAAN BAA DAGDAGA EE YAAN LAYS ODHAN HORE U FULIYA LIXDA QODOB WAXAY KEENI KARTAA NATIIJO U QAADANWAAYA

SHAYDAAN BAA DAGDAGA EE YAAN LAYS ODHAN HORE U FULIYA LIXDA QODOB WAXAY KEENI KARTAA NATIIJO U QAADANWAAYA

28 September, 2009

sanwaa cumar

ACUUDU BILAAHI MINA SHADAANI RAJIIM

SHAYDAAN BAA DAGDAGA EE DHULKA HALOO DHIGO FULINTA LIXDA QODOB EE BEESHA CAALAMKU SOO JEEDIYEEN,

Waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha iyo qoroyaasha somalilanders ka ah khaasatan kuwa ka hadla danta umada iyagoo fikirkooda kusoo tabinaya qoraal ay gaadhsiinayaan websites reer somaliland oo dhan intaas ka dib,

Waxay dadka si fiican u gam een lagasoo bilaabo jimcii Sept 25,2009 mana aha in la muujiyo hadana talaabooyin ay ku dheehanyihiin deg deg iyo caadifad. Heshiiskan 6 qodob ahaa ee aynu ku raynay waa mid ay soo abuureen saaxiibada dalkeena somaliland hormuudna ay ka tahay dawlada itoobiya oo inoo soo dirtay wasiirul dawlaa arimaha dibada Dr.Tekedu Elamu isagoo xambaarsan lixda qodob ee caalamku soo jeediyay madaxweynaha iyo axsaabtuna isla qaateen.

Hadaan u dhaadhaco dulucda soo jeedintayda inaan lagu degdegin fulintooda, waxaan qabaa rayi ahaantayda in fulinta 6 qodob aynaan ku kali noqon doonin ee ay ina garab galayaan oo inagala qayb galayaa beesha caalamka iyadoo ay kow ka noqonayso Ethiopia sababtuna ay tahay si ay uga markhaati kacaan in arinta sidii loogu heshiiyay loo wada fuliyay kuna dhamaatay siday rabeen taasoo iyagana (saaxiibada somaliland) dhaxalsiinaysa inay kalsooniday inoo hayeen kusii waynaato. somalidu waxay ku maahmaahday: TALO NIN LEH BAA U GALGASHA TOLNA WOW ERGEEYAA hadaba tolka somaliland ay leedahay waa kuwaa inoo soo jeediyay qodobo iyo tusaale dhaxalgala oo aynu ku heshiinay markaan sidan u dhigayo fikirkayga maaha shisheeye haynala fuliyo heshiiskan laakiin waa inay goob joog ka noqdan si dhankastaaba aanu ugu dhiiran qalad iyo xafiiltan uu ku fuliyo heshiiska. Inagaa hadaba taladii u galgalanayna dawladaha somaliland la saaxiibka ahina way inoo ergaynayaan waa taas nuxurka hadalkaygu.

Waxaan ka codsanayaa dhamaan sadexda xisbi qaran inaan lagu degdegin fulinta heshiiskan waayo waa mid keeni karta natiijo u qaadan waaya oo aan dhalin midhihii la filayay.

Wasalaamu Calaykum.

By: Sanwaa Cumar Yare
Gudoomiyaha Gudida Siyaasada
Xisbiga UDUB ee Qatar.

No comments:

Post a Comment