ADUUNKA AMA KOWNKA (QAYBTII TOBNAAD ) QUR’AANKA IYO SUNNAHA
Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxaan salaantaa kor ku xusan ee Islaamka u gudbinayaa Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda.
Adduunka ama Kownka(Qaybtii 10aad)
Quraanka iyo Sunnaha
Quraanku waa qawlkii Illaahay oo Alle ku soo dejiyey Nebigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,quraanku wuxu koobsanayaa dhamaan caqiidada iyo iimaanka iyo qaanuunka iyo xeerka Alle u dejiyey insaanka,ee axkaam iyo sharci leh,sidoo kale nidaamka macaamilada iyo xidhiidhka ee loo wada dhaqmayo,waxa Quraanka Alle inoogu sheegay wacdi iyo waciidba,oo digis iyo bushaaroba leh,waxa kale oo Quraanku inoo sheegay qisas ah dhacdooyin dhab ah oo cibro iyo wax ku qaadasho leh,iyadoo uu Quraanku inooga warramay Qowmamkii innaga horreeyey iyo siday u noolaayeen iyo halaagyadii ku dhacay iyo sababtay ku kasbadeen halaaggaas,Quraanku wuxu inoo sheegay Aayaad kowniya ka hadlaya kownkan iyo abuurkiisa iyo sida ay u tahay wax lagu fekero oo awoodda Alle lagu xusuusto mar kasta.
Quraanku waa qawlkii Alle oo qof aan daahir ahayn looma oggola inuu taabto:
إِنَّهُ لَقُرْآنٌ كَرِيمٌ فِي كِتَابٍ مَّكْنُونٍ لَّا يَمَسُّهُ إِلَّا الْمُطَهَّرُونَ تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ ( (الواقعة)
Aayadda:waa Quraan kariim ah oo ku xafidan kitaab oo aanu taaban karin mid aan daahir ahayni,waxa uu ka soo degey xagga rabbiga caalamiinta.
Sidoo kale Quraanka waxba lagama sarraysiin karo,waayo waa qawlkii Alle,waxana Quraanku ka kooban yahay: 114 Suuradood,iyo 6236 Aayadood waana 30 jis.
Quraanka waxad ka helaysaa hanuun iyo inaad kala soo baxdo dariiqa iyo wejiga saxa ah ee nolosha oo wuxu ku siinayaa bushaarooyinka ah abaalgudkaaga haddaad wanaag samayso:
إِنَّ هَـذَا الْقُرْآنَ يِهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْراً كَبِيراً )الإسراء(
Aayadda:Quraankani wuxu kugu hanuuninayaa sida iyo dariiqa saxa ah,waxanu u bushaareynayaa Muuminiinta sameeya camalka wanaagsan oo ugu bushaareynayaa inay leeyihiin oo helayaan Ajar weyn(Abaalgud fiican).
Ujeeddooyinka Alle Quraanka u soo dejiyey waxa ka mid ah si uu ugu kala caddeeyo dadka waxay isku khilaafsan yihiin oo ugu hanuuniyo waddada iyo jidka toosan:
“وَمَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ إِلاَّ لِتُبَيِّنَ لَهُمُ الَّذِي اخْتَلَفُواْ فِيهِ وَهُدًى وَرَحْمَةً لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ “ )النحل)
Aayadda:kuuguma aannu soo dejin Kitaabka(Quraanka)wax kale inaad u caddayso mooyaane waxa ay isku khilaafeen waxana ugu sugan hanuun iyo raxmad qowmka Alle iyo Nebigiisa rumeeyey ee Muuminiinta ah.
Quraanku waxu ka sugnaaday xagga Eebbe,waa manhaj dhamaystiran oo koobsaday dhamaan qaybaha kala gedisan ee nolosha iyo baahideeda oo dhan,waxa qof walba la siiyey oo Alle siiyey xorriyad buuxda,Quraankaas inuu u hoggaansamo wuxu dhigayo iyo inuu diido oo doorto inuu hawadiisa raaco,taas oo ku dhamaanaysaa abaalmarin hadba qofku doorashadiisa siduu ku saleeyey,inuu Quraanka raacay iyo in kale!:
َوأَنْ أَتْلُوَ الْقُرْآنَ فَمَنِ اهْتَدَى فَإِنَّمَا يَهْتَدِي لِنَفْسِهِ وَمَن ضَلَّ فَقُلْ إِنَّمَا أَنَا مِنَ الْمُنذِرِينَ) النمل(
Aayadda:(Adigu Nebi Allow) u akhri Quraanka kii hadoobaa naftiisuu hadeeyey oo hanuuniyey,kii baadiyoobana(isagay jirtaa)waxad tidhaahdaa anigu waxan ahay dige(mid digaya bes).
Quraanku wuxu ku soo degey afka carabiga oo Alle u doortay:
“كِتَابٌ فُصِّلَتْ آيَاتُهُ قُرْآناً عَرَبِيّاً لِّقَوْمٍ يَعْلَمُونَ”(صِّلَتْ)
Aayadda:Kitaab weeye Aayadihiisu cadcad yihiin oo fasilan yihiin oo ah carabi,oo sidaas u ah Qowmka garanaya.
Kitaabka quraanka wax kasta waa lagu sheegay oo dadka loogu fasiray:
ولقد صرّفنا للنّاس في هذا القرءان من كلّ مثل فأبي أكثر النّاس إلا كفوراً (الإسراء)
Aayadda:xaqiiqa’e waannu ugu sheegnay dadka kitaabkan meselo kasta,in fara badan oo dadka ka mid ihina way diideen inay ku kufriyaan mooyee.
Waxa Alle dadka tusaale u siinayaa isagoo qiimaha iyo weynida Quraanka tilmaamaya,haddii Quraankan lagu soo dejin lahaa Buur sida arrinku noqon lahaa:
“لَوْ أَنزَلْنَا هَذَا الْقُرْآنَ عَلَى جَبَلٍ لَّرَأَيْتَهُ خَاشِعاً مُّتَصَدِّعاً مِّنْ خَشْيَةِ اللَّهِ وَتِلْكَ الْأَمْثَالُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ “ (الحشر)
Aayadda:haddaannu ku soo dejin lahayn Quraanka Buur,waxad arki lahayd buurtii oo khushuuc iyo madax wareer ku jirta cabsida Eebbe darteed.
Quraanka dadka gaalada ah ee diiday inay rumeeyaan,waxay qaarkood ku andacoodeen inuu gabay yahay,dabadeed Illaahay Aayado badan ayuu dadka ugu caddeeyey,inuu qawlkii Alle yahay oo aanu gabay iyo hadal kale ahayn:
“وَمَا عَلَّمنَٰهُ ٱلشِّعرَ وَمَا يَنبَغِى لَهُ إِن هُوَ إِلَّا ذِكر وَقُرءان مُّبِين”( يسۤ)
Aayadda:ma aannu barin(Rasuulka)gabay umana qalmo arrinkaa,wax kale ma ahee waa Digri iyo Quraan cad.
Waxa Aayad kale Alle inoogu sheegay in Rasuulku waxyi ku soo degey keliya uu soo gudbinayo,ee aanay ahayn wuxu isagu jeclaado:
“وما ينطق عن الهوى إن هو إلا وحيّ يوحى”(النجم)
Aayadda:kuma dhawaaqo oo ma yidhaahdo hawadiisa ee waa waxyi loo waxyooday.
Waxa laga dalbay kuwa diidaya Quraanka bal inay keenaan isagoo kale ama Toban Aayadood oo Quraanka la mid ah ama Aayad keliya,intay dhamaantood isu tagaan oo is kaashadaan:
“ُقل لَئنِ ِٱجتَمَعَتِ ٱلإنسُ وٱلجِنُّ علىٰۤ أَن يَأتُواْ بِمِثل ِهٰذا ٱلقُرءانِِ لا يَأتُونَ بِمِثلِهِ” (ٱلإسراء)
Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)haddii ay isu tagaan Insiga iyo Jinnigu si ay u keenaan Quraankan oo kale,ma keeni karaan.
Waxa laga dalbayaa haddii shaki kaga jiro bal inay Suurad keliyoo Quraankoo kale ah keenaan:
“وإِن كُنتُم فى ريبٍ ِمّمَّا نَزَّلنَا علىٰ عَبدِنا فَأتُواْ بسُورةٍ مِّن مِّثلِهِ” ( ٱلبقرة)
Aayadda:haddii aad ka shakisan tihiin waxa aannu ku soo dejinnay Addoonkayaga la kaalaya oo keena Suurad la mid ah Suuradaha Quraanka.
Qofka ugu khayr badan dadka waa ka ama dhigaya Quraanka ee dadka baraya,ama isagu baranaya,oo Quraanku waa nuur oo waa qowlkii Alle oo wax lala simo aanay jirin:
“قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم”خيركم من تعلّم القرءان وعلّمه”
Xadiis ayuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ku yidhi:ka idiinku khayr badani waa ka baranaya Quraanka ama dadka baraya.
Quraanku wuxu ku ilaashan yahay awoodda Illaahay,siyaabo badan ayaa Alle ku xifdiyey waxa ka mid ah dad fara badan oo Muslin ah oo Adduunka meelo kala gedisan kaga nool ayaa Quraanka xifdisan,oo uu laabohooda ku xafidan yahay:
“إنّا نحن نزلنا الذكرى وإنّ له لحافظون”(الحجر)
Aayadda:Annagaa soo dejinnay Digriga(Quraanka) oo annagaa xafidayna oo ilaalinayna.
Qofka xifdisan Quraanka ee sida la rabo ugu dhaqma oo dabbaqa,waa qaali oo naartu ma taabato qof Quraanka xifdisan,haddii isaga iyo Kitaabka la isbarbar dhigo,waxa imanaya 30kii jus ee Quraanka oo Kitaabkii ku qoran sidoo kale qofkii laabtiisa ku xifdisan,waxa soo hadhay warqadihii iyo shakhsigii bini’aadamka ahaa,haddii la isu miisaamo waxa qiimo badnaanaya qofka oo Alle fadilay,halkaa waxa kaaga soo baxaya in qofka Quraanka xifdisan ee ku dhaqmaa uu ka qiimo badan yahay Kitaabkii,waxana mar kasta shardi u ah inuu ku dhaqmo oo dabbaqo,oo aanu noqon Dameer malab la saaray!.
Xifdiga Quraanku waa hawl yaryahay,wuxu keliyoo u baahan yahay dadaal iyo niyad ood u keento,Allena wuu kugu taageerayaa inaad ku guulaysato,Adiguna ku dadaal carruurta aad dhasho iyo kuwo aad talada ku leedahayba isku day inay Quraanka xifdiyaan,qof kasti wuu xifdiyi karaa Quraanka,oo waxay u baahan tahay dadaal iyo niyad keliya,waxayse u sii sahlan tahay carruurta,Illaahay ayaa ka dhigay sahal:
“وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ “ (القمر)
Aayadda:xaqiiqa’e waannu u sahalnay Quraanka digri ahaan iyo waano qaadasho,ma jirtaa cid waano qaadanaysaa.
Sunnuhu waa waxa Rasuulka ka sugnaaday ama Qowl,ama ficil uu sameeyey,ama wax isagoo arkaya cid kale samaysay oo uu ka aamusay oonu diidin,Sunnaha Rasulka ama Axaadiistu waa sheyga labaad ee loo noqonayo marka Quranku yahay ka kowaad ee lagu sargoynayo waxkasta oo la qabanayo,Sunnuhu wuxu sharxaa Quraanka oo fahankiisa iyo fasiraadiisa caddeeyaa:
قال تعالى: (وأنزلنا إليك الذكر لتبين للناس ما نزل إليهم ولعلهم يتفكرون)
Aayadda:waxannu kugu soo dejinnay Digriga(Quraanka)si aad Dadka ugu caddayso waxa aannu u soo dejinnay,waxa la arkaa inay ku fekeraane.
Rasuulku salawaatullaahi wasalaamuhu calayhi wuxu dadka u fasiray Quraanka oo dariiqiisii ayaa Asxaabtu mareen,waxay u sii gudbiyeen Taabiciintii,ilaa Taabicitaabici oo innaga ina soo gaadhey,waana inaad u lahaataa Sheekh aad ka qaadato Tafsiirka,waayo waxa jira wax la yiraahdo laqmayn oo ma aha in qof carabiga keliya yaqaannaa,inuu Quraanka luqad ahaah u fasiro,Alcilmu bitacalum Marka Quraanka la fasirayo,waxa lagu fasiraa dariiqa ugu mudan oo ah Quraan lagu fasiro Quraan oo Aayad ayaa Aayad kale lagu fasirayaa,taasi oo inta badan Asbaabu nusuulkii iyo sababihii Aayaddu ku soo degtey ay tafsiiridda qaybta ugu muhiimsan ka qaataan,waxa iyana qaybtooda ka qaata Axaadiista iyo Sunnaha Rasuulka oo lagu fasiro Quraanka,Sunnada meelo badan oo Aayaduhu si guud u soo qaateen ayay fasirtaa,sida: Salaadda,Sowmka,Sakada,iyo Xajka,Sunnaha ayaa caddeeyey Arkaantooda,waajibkooda,mustaxabaadkooda,iyo waxyaalaha makruuhaadkooda ahba,iyo hay’adohooda, waqtiyadooda,qaddarradooda iyo nisaabkooda sida sakada inta ka go’aysa …iwm,Sunnada ayaa caddaysay oo fasirtay.
Rasuulku salawaatullaahi wasalaamuhu caleyhi wuu la sii dardaarmay Muslimiinta oo ku yidhi waxan idiinka tegey wax haddaad qabsataan aydinnaan lumaynin weligiin, Aniga dabadaay, waa Kitaabka Alle(Quraanka) iyo Sunnadayda:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم”تركت فيكم ما إن تمسكتم لن تضّلوا بعدي أبداً كتاب الله وسنتي”
Isku dey inaad Quraanka xifdido,uguna dadaal carruurta yaryar inaanay fursad dhaafin intay u fududahay,waxanad joogtayn kartaa akhriska Quraanka Adigoo isku deyaya inaad Bishiiba mar dhamaayso ama ugu yaraan 3dii biloodba mar waxad sidoo kale joogtaysaa inaad akhrisato Aayatul kursida markaad seexanayso iyo markaad soo toostoba,Qulhuwallaha iyo Qulaacuudadana sidoo kale,labada Aayadood ee Albaqra ku dhamaatona habeen kasta akhriso,Jimce kasta isku day inaad joogtayso akhriga Suuratul Kahaf,waxay qofka akhriya u tahay nuur labadaa jimce dhexdooda,Alle taageerso itaalkaagana dadaal.
Qorshahaan fulinayiyo
Qaraarkaan ku kacayoba
Quraanka iyo sunnahaan
Qiil uga dayaa’oo
Qaabkaa u raacshaa
Qowlkii Illaahay
Aayadaha Quraanka ah
Qumanow Rasuulkii
Qowlkiisa sunnaha ah
Qiyaas weeye noloshoo
Qurub iyo waxaa weyn
Qummaati bay sheegeen
Quluubtii Islaamkee
Qushuucu uu u dhaadhacay
Qodob bay u raacaan
Qaadaadhigoodoo
Qabashadooda hawlaha
Qaabaynta hindisaha
Qasdi uga sameeyaan
Qaadir bay ka tuugaan
Qayrka inuu ku sugo oo
Qiyaamaha u hiiliyo
Qaadaha dhiigga wada iyo
Qulqulkaa dareenkuu
Quraanku iigu xidhanyoo
Qadoodigiis ma karayoo
Quudka ruuxda weeyee
Qaybtii ugu horreysaa
Qaaruxiraa ku soo degey
Qaybihiisa kale laba
Qaarna Makay ahaayeen
Qaybta kale Madiina’e
Qarad iyo ujeedduu
Qaatay sabab nusuulku’e
Qeexidda iyo fasirkaa
Qormo looga yeelaa
Qaabkuu u soo degey
Qiso iyo dhacdooyinka
Qaadashada cibrada ee
Qaridhayso Aayaddu
Qaanunkiyo xeerkiyo
Qaabaaynta dhaqankiyo
Qodobada awooddiyo
Qudradda Eebbe sheegaya
Quudka iyo Irsaaqadda
Qiyaas Eebbe u dhigee
Qiyaamaha sifayntii
Qeex baa la siiyee
Qaaddi adigaa isu ahoo
Qalad iyo sax ku yahay
Qaad waa xorriyadaadee
Quruskaaga waad heli
Qiyaamaha maalintiisee
Quraanku hooy rafiiqiyo
Qalbigaa ha kuu dego
Qaad wadada tii saxa
Quus sii Ibliiskana
Qolka yaanu kugu xidhin
Qoomamadu ka buuxdoo
Qaxar iyo dhibaatiyo
Qaylo aan wax qabanayn
Qorshe been la mariyiyo
Qurux yuu ku seejinin
Qaadirkaa ku tiirsoo
Quraankana rafiiqsoo
Qaad waddada tii xaq ah
Qaad waddada tii sax ah
Qaad waddada tii dhab ah.
Alle haynoo fududeeyo inaynu xifdino Kitaabkiisa oo ugu dhaqanno siduu ina amray oo uu inoo noqdo nuur If iyo Aakhiroba.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w