Wednesday 23 September 2009

FADHIGII GOLAHA WAKIILADDA EE MAANTA OO KU DHAMAADAY DAGAAL MUDANAYAASHU FARAHA ISULA TAGEEN

FADHIGII GOLAHA WAKIILADDA EE MAANTA OO KU DHAMAADAY DAGAAL MUDANAYAASHU FARAHA ISULA TAGEEN

Wednesday, 23 September 2009
BREAKNEWSFadhigii Golaha Wakiilada Somalialnd ee Maanta ayaa markale Gacanta iskula tagay kadib markii la bilaabay Dooda Mooshinka Maamuus ka Xayuubinta.
Fadhiga Maanta oo uu Shirgudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa isku rogay Gacan iyagoo dhulka isla galeen Xildhibaanda Gacanta isula tagay.
DSCF0531
DSCF0528
Muranka ayaa bilaabmay Kadib markii Xildhibaan C/raxmaan Cartan oo Hadlaya ay Xildhibaan Baar kutidhi waar naga fadhiiso isna ugu jawaabay hadalo uu ku duraayo Xildhibaan Baar hadaladiisna ay ka mid ahaayeen Naa Habartaadani naga aamus, taas oo keentay in Xildhibaan Saleebaan Bukhaari u Jawaabo Cartan, kadibna xaaladu Faraha ka baxdo oo Gacanta la iskula tago, iyada oo goobti isu bedeshay goob ay xildhibaandu isuku fara saaraan iyaga oo qaybsamay.
Sidoo kale waxa gacanta isula tagay Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan Xuseen Ismaciil oo uu dhex maray dagaal gacan qaad ahi.
DSCF0535
ISku Soo wada duuboo fadhigii Maanta ayaa sidaa ku dhamaaday oo kusoo Xidhmay Dagaal iyo gacan ka hadal .

Xafiiska Wararka ToggaHerer
Hargeysa

No comments:

Post a Comment