Wednesday 23 September 2009

SHEEKH AADAN-SIIRO XAQII BUU ABAARAY!!

SHEEKH AADAN-SIIRO XAQII BUU ABAARAY!!

23 Sep 2009
SHEEKH AADAN-SIIRO XAQII BUU ABAARAY!!
SHOTALY
Culimadu waa laf-dhabarta umada, dhan kasta oo la eego-ba, haddii ay tahay xaqa siddii ay u tilmaami lahaa-yeen, dulmiga ula dagaalami lahaa-yeen, u kala saarida xumaanta iyo wanaaga wixii aanay u kala soocnayn, wax-yaabaha denbiga ah ee ay thay iin laga fogaado, iyo waxa khayrka leh, wacyi-gelinta guud ee umada, sida horumar-keeda, kala dambayn-teeda, wada socod-keeda, wax qabasha-deeda, isku tiirsani-deeda, meel ka soo wada jeed-keeda, waxa weliba waxa intaas dheer in runta ka sheegaan, cadeeyaan, farta ku fiiqaan dhaliishu halka ay tahay, oo ay shaaca ka qaadaan cida wada dhibaatada iyaka oo siddii ILAAH yidhi ku dhawaa-qaaya, cidna aan luqunta hoos uga rogayn, habranayn, hunguri iyo dhuuni raac mida-na aan ku kacayn, daacad ah, eexan , qabyaalad gelin, kala firdhis iyo iska hor keen ka dheeraaday in ay wax isku soo dabaa-laan mooyaane, axsaan iyo xasanaad ka dhex dhaliyaan umada mooyaane, sida ay inoo cadaysay diinta ISLAAMKU waxay yihiin umada u
hor-seeda barwaaqo iyo beri samaad haddii ay sida saxa ah ka yeelaan,ama ku guraan cadaabta haddii ay wixii uu sheegay QU’RAANKU ay ka baydhaan, hada-ba waxba yaan ku sii dheeraane, u jeeda-da aan ka raaco’e SHEEKH AADAN SIIRO XAQII BUU KU ADIMAY luna cadeeyey ninamka isku haysta kursiga ee ina hor boodaaya, waxan ILAHAAHAY uga barya-yaa in uu khayr ka siiyo khudbaddii uu akhriyey maalintii ciiddii uu tujiyey umada RABBINA haka aqbalo, AAMIIN baan u lee-nahaye.

Waxan ku taageerayaa AADAN SIIRO, hore iyo diba in uu yahay ka ugu horeeya ee ilaa inta la og-yahay marxalad kasta oo ina soo marta ka mara milga-hiisa, ee aan ka gaban rabitaanka shacabka reer somaliland, wxana waajib ah in uu qof kastaa ka maro halka uu kaga beegan yahay, oo ka taliyo wanaag, bal u fiirsada maalintii dhawayd ee mudaaha-raadku ka dhacay CAASIMADA HARGAYSA waatii la mooday QIIQII KA BAXAAYEY HORASHII-MADDII JABAAN EE QUNBULADA LAGU DHUFTAY, markii ay indhuhu ku dhaceena aynu MUNAAFAQADA la ooynay, inaka oo dabada ka wada dhiiri-gelinaynay, mid-ba-mid, amase xusbi, iyo nin gaara ah, qabiil gooni ah, uu khalad iyo saxba taageer-sanaa, waxan maqaalkan aan caynka iyo bayda ugu xidhay oo aan ku xakameeyey, waar haddii aynu sida SHEEKH AADAN SIIRO u dhaqano, ama joojino eexda oo runta iyo wax-wax ina tara ku talino/tashano oo taransano, maynu iila-nayne meel baan ka soo bixi lahayn.

Waxan ku lee-yahay kuwa uu la hadalay SHEEKH SIIRO inta uu idin yidhi waa dhab, shakina kama joogo in ay idinku cadahay oo aydin-naan wadin danha umada, una jeedin SOMALILAND oo gooni isu taagta iyo madax banaani-deeda, sida aad ku soco-taana iyo wadada aad ku joog-taan waa kala yaac iyo burbur-keena, naf la idinka arkayna ma jirto, horumar aad ka hada-shaana waaba ay iska yar tahay, wax aad tihiin baa la hubsaday, oo waa kursi doon, laakiin wax aad umada ugu maqan tihiin oo kale baa iyana ah biyo col dhaanshay, haddii aad ka tanaasuli waydaan sidan ogaada idin-kuna wax ku li’idin ee sidaas ula socda.

*N.B Is-moog udbihii bay aslaysaa, ismana oga.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment