Wednesday 23 September 2009

Xisbiga UCID iskuma khilaafsan xal u helida khiilaafadka Somaliland ay galisay xukuumada Dahir Riyaale oo ah mid u adeegaysa cadowga Somaliland.

Xisbiga UCID iskuma khilaafsan xal u helida khiilaafadka Somaliland ay galisay xukuumada Dahir Riyaale oo ah mid u adeegaysa cadowga Somaliland.


Xisbiga UCID iskuma khilaafsan xal u helida khiilaafadka Somaliland ay galisay xukuumada Dahir Riyaale oo ah mid u adeegaysa cadowga Somaliland.

Maqaalkani waxa uu jawaab u yahay dacaayado lagu baahiyey warbaahinta qaarkood oo sheegaya in xisbiga UCID ku kala jabsan yahay siyaasadiisa ku aadan xal u helida khilaafadka xukumada Riyaale galisay dalka.

Xisbiga UCID waa xisbi siyaasi ah oo dimoqraadiya, siyaasadiisuna ku salaysan tahay wada tashi oo xaaladkasta oo siyaasadeed oo xisbigu qaatana (as any democtratic party) ku meel marto xubnaha gudigiisa fulinta oo si buuxda u taagera iyadoo la tixgalinaayo danta dalka. Siyaasada xisbiguna ay tahay mid markasta danta shakhsiga iyo xisbigaba ka horaysiisa danta dalka, taasina xisbigu kaga badbaadiyey dalka marxalado adag oo Somaliland u keeni karilahaa burbur.

Hadaba hadaan u soo daadago nuxurka qoraalkayga oon ku iftiimin doono siyaasada xisbiga UCID ee ku wajahan xaalada cakiran ee dalku galaya halkuu ka taagan yahay:

A) Aragtida Xisbiga UCID ee mudo kordhin xaran ah oo gurtidu u samayso Riyaale; Siyaasada xisbig ee xal u helida muranka siyaasadeed ee dalku galay waa mid cad oo xisbiga Kulmiye ku miday san yihiin xal u helida muranka siyaasadeed. Labada xisbi qaran waxay siyaasad midaysan ka qaateen in anay marna aqbali doonin in Riyaale mudo kordhin xaarna golaha Gurtidu u sameeyo. Hadayse dhacdo ay horseedi karto ilahay inaguma keene cawaaqib xumo (banaabaxyo hore leh oon kal joogsi lahayn);

B). Aragtida xisbiga UCID ee dadka lagu xidhay mudaharaadkii; Xsbigu UCID waxa uu qabaa in dadka lagu xidhxidhay mudaharaadkii ka dhacay Hargeeysa xoriyadooda deg deg dib loogu soo celiyo islamarkaana askartii madaxtooyad iyo kuwii bilayska ahaa ee labada qof ku dilay dadkana ku dhaawacay sharciga la horkeeno. Dadkaasi danbiyada geeystay waa la garanayaa dawladuse si badheedha ah ayey ilaa maanta u diidan tahay inay soo qaqabtaan. Halka Farxaan Cali Maal oo ahaa askari ka mida bilays ka Boorama oo reer Hargeeysa ahi si khalada ah loogu eedayey inuu dilay alla haw naxariiste marxuun reer Boorama ahaa. Marxuunka ayaa xabado bilaysku ridaayeen haleeshay isgoo markaa calanka Somaliland gubaayey islamarkaana calankii Somaaliya saarayey. Farxaan Cali Maal ilaa manta wuxu ku xidhan yahay Boorama iyadoon sharciga la horkeenin halka askartii dadka Hargeeysa ku xasuuqay si badheedha ah dawladu u diiday inay talaabo ka qaadato. Arintani waa mid uu Riyaale uu shacbiga Somaliland ee walaalaha ah uu ku kala fogaynayo islamarkaan khilaaf ku dhex abuurayo;

C) Aragtida xisbiga UCID ee mudahaaradyada; Xisbiga UCID waxa uu taagersan yahay in dadka Somaliland uu distoorku xuquuq aasasiya u siinayo inay mudaharaadi karayaan si ay ugu muujiyaan dareenkooda. Xisbiga UCID wuxuu taageeri doonaa ama soo abaabuli doona mudaharaadyo dalka ka dhaca hadii Riyaale u qaato talaabooyin uu ku burburinaayo qaranimada Somaliland sida isagoo golaha Gurtidu mudo kordhin u sameeyso taasoo Riyaale ku bixinaayo Kumaan kun oo doolar si mudo kordhin Gurtidu ugu samayso. Lacagtaasi oo ku haboonayid in baahida dalka wax lagaga qabto, gaarahaan abaaraha adag e dalka ka jira hada;

D) Aragtida Xisbiga UCID ee fargalinta golayaasha qaranka; Xisbiga UCID waxaa kaloo uu xoog uga soo horjeedaa in fargalin lagu sameeyo xil gudashada golaha wakiilada looguna cago juglayn gudashada waajibaadkooda distooriga ah. Golahuna arimaha sharci ee horyaala anaanu cidna ugu habran gudashadooda; iyo

F) Aragtida Xisbiga UCID in la wada hadlo; UCID siyaasadiisu waxay cambaaraynaysaa diidmadii madax waynaha iyo kuxigeenkiisu diideen inay kala qaybqaatan labada gudoomiye xisbi iyo ku xigeenadooda garnaqsigii golaha Gurtida ee ahayid xal u helida xalada adage e dalku galay balse ay u soo dirsadeen rag aan goaan qaadasho lahayn ama gari iyaga ka guin oo uu hogaaminaayey Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB. Arintan UCID waxay ku tilmaamtay qayrul masuulnimo amda xil gudosho la’aanta golaha fulinta (the executive failing to execute its responsibilities).

Gabagabadii maqalkaygan xibiga UCID wuxuu taageersan yahay in golaha wakiiladu waajibaadkooda distooriga ah guto iyagoon cidna u habranayn. Hadii xukumadu iyo shakhisiyaadka u adeega ay mardambe isku dayaan inay golaha habsami u socodkiisa carqalad galiyaan ay horseedi doonto gadood dadwayne oo cusub.

Axmed Cabdi Ciise

Xoghayaha Iskaashiga caalmiga ee Xisbiga Ucid

London, UK.

Please be advised to feel free to email your opinion and comments on this article to me at Isseahmed@hotmail.com

No comments:

Post a Comment