Monday 21 September 2009

Maansada CITIRAAF Iyo Abwaan Axmed-Fartaa

abwaan fartaagMaansadan qiimaha badan ee Citiraaf Waxaa Curiyey oo ay Maskaxdiisa kasoo Maaxatay Abwaan Axmed C/laahi Maxamuud (Fartaag) oo wakhtigan Deggan Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Kollay Micnaha Iyo Ujeedadaba Waxaad ka dheehan kartaan Magaceeda, Gundhiggeedana waxaad kaga gayoon kartaan Akhriskeeda.

Anigoon Jeclayn inaan Tafaasiil kasii bixiyo, bal aan idiin kala baxo Abwaan Fartaag & Maansadiisa Citiraaf, Waxaanu ku bilaabay sidan:

Ciida farax ku qaabila
Citiraaf ma dheeree
Adigoo calool adag
Cusko samirka weeyaan
Codkiinuu sugayaa
Dawladnimadii curatee
Caawana hagaagaxin

Calan yahaw babanayaa
Caadilkeen ku barakee
Cadaankiyo madawga ba
Caalamkana ka noqo caan

Colku weeraraa yiyo
Cadaw gaagu kuma gano
Caadilkeen dhib kaa hay
Cudud iyo difaac qaran
Ciidan baanu haynaa
Haday ciil dareemaan
Cadhadana dagaalama
Cidkastaba u jilib dhigay

Ciideenu waa hodan
Cuudkoo inoo dhala
Cirka roob kasoo da ay
Cashuurtiisu nagu filan
Culumada quraankiyo
Caafimaadka laga helo
Cosobkiyo nimcada taal
Caanuu ka buuxaan
Caruur iyo ciroolaba
Nabad lagu caweeyoo
Cuqaashiyo garaadkuna
Iyagoo cumaamadan
Ciladaa bog siiyaan
Cudurkana daweeyaan

Ciyaaraha siyaasiga
Casarkii wuxuu yidhi
Cawaykuu dafirayaa
Cidna ugama dhaanshee
Ceelbuu qodaa dheer
Calcalaalis hilib iyo
Cankiisuu urooraa
Cadkiisuu karsanayaa
Cidna uma wanaagsana
INta uu colaad riday
Inta uu ciilada dhigay
Intuu cagaha gooyaa
Ciidaa ka fara badan

Siyaadkii caraabiyo
Cadaydiid halkuu maray
Cabdilaahi meermeer
Cabdiraxman tuur iyo
cigaal ciida hoos mare

Cidna looma reebine
Caawana Riyaalow
Ragbaa caanihii dhamay
Caruurtiyo haweenkii
Ceeshkaba ma gooyaan

Cajabeey cajiib weeye
Cadceeday fadhiistaan
Canab iyo canbaradaa
Lagu yidhi cashuurkeen
Cad haween ka beermiyo
Cudar kay dhaleenbaa
Ciida lagu xoreeyoo
Marka cadow la Riixaba
Col horlaa usoo gala
Cuna cuna uciil qaba
Cunahoodu waynyahay
Calooshoodu dheertahay
Caadaystay ceebaa
Cidna kama xishoodaan
Canaantay la yaabaan

Afrikaa cawaanoo
Calinkii la taagaba
Cabashaa agtaalee
Cabdiyow maxaa jira
Candhadoo la gooyiyo
Carab niriga laga jaray
Caynkee jaq loo yidhi
Caasi ruuxa laasimay
Ciqaab baa sugaayee
Cadaabaa ilaahay
Cawada haw qaadan
Caynkii fircoon iyo namruud
Cududada haw eersan

Dhammaad.

By: Abwaan Axmed C/laahi Maxamud (Fartaag)
E-mail: fartag_571@hotmail.com
Doha, Qatar.

No comments:

Post a Comment